Fadlan soo aqri marka horre cashirkii 2aad…………….


Dabcan sidda aan wada ogsoonahay ganacsiga haddii uu leeyahay suuq wuxuu noqdaa ganacsi guulaysta. Marwalbo waxaa wanaagsan qofka ganacsadaha ah inuu yahay shaqsi dhiiran. Haddii aad tahay shaqsi ay ku badantahay cabsida waxaa adkaani karayso inaad abuurato ganacsi guulaysta. Marwalbo qofka ganacsadaha ah waa inuu noqdaa qof aragti dheer leh, inuu yahay shaqsi ku kalsoon naftiisa, waa inuu yahay shaqsi aaminsan inuu qasaari karaayo iyo inuu faa’idi karo.

Ganacsiga aad ayuu u kalla baahi duwanyahay waxayna ku xerantahay nooca aad u baahantahay inaad sameyso iyo sidda aad doonayso inaad u kobciso aragtida guud ee ganacsigaada. Inkastoo ay kalla duwantahay baahida ganacsiga hadana waxaa jirto siyaabooyin badan oo aad ugu guulaysani karto inaad sameyso ganacsi horumar weyn gaaray.

Waxaan dhinacyo kooban aan ka taabani doonaa haddii Alle idmo sidda dhaqaalaha u sameyni karo ganacsiga shirkadaha. Dabcan marwalbo oo ay timaado in maalgelin la sameyo waxaa wanaagsan in marka horre wax badan laga ogaado dhaqaalaha suuqa iyo cabirka isbedelka mustaqbalka soo socda.

economic-growth2Waxaa muhiim ah marka horre inaan sharaxno waa maxay dhaqaalaha? Wakhtigaan la joogo haddii aad isku daydo inaad ku qorto website browser-yada oo aad raadiso macnaha dhaqaalaha waxaa macquul ah inaad hesho macnayaal fara badan oo kalla duwan. Qoraa walbo wuxuu u qeexaa macnayaal kalla duwan balse haddii aad si fiican ulla raacdo indhaha waxaad oganaysaa in dhammaantooda ay yihiin kuwa isku macno ah. Haddii aad isbar-bar dhigto dhammaan macnayaasha laga qoray taariikhdii horre illaa waqtigaan la joogo manta waxaad ogaanaysaa in xaqiiqda ay tahay dhammaan inay yihiin kuwa isku wada macno ah.

Haddii aad ka raadiso qaamuusyada, erayga “dhaqaalaha” wuxuu u qeexayaa dhaqaalaha sida “daraasadda ee wax soo saarka, qaybinta, iyo isticmaalka Xoolaha ee bulshada iyo aadanaha”

Waxaad iskuulada iyo jaamacadaha kusoo baratay buugaag kalla duwan oo qeexaayo dhaqaalaha hadaba haddii aad qeexi karto, fadlan kusoo qor hoos qeybta commentiga su’aashaan jawaabteeda, Waa Maxay Dhaqaalaha?

Waa Maxay Dhaqaalaha?

Sidda professor dhaqaalaha ah iyo khabiirka dhaqaalaha ee Tukesomalism.com, jawaabta aan ka bixinaayo su’aashaas, waxay u badan tahay wax ay weheliyaan khadadka soo socda:

“Dhaqaalaha waa daraasad, sidda shakhsiyaad iyo kooxo go’aamo ugu gaaraan khayraadka kooban iyagoo isticmaalaayo sidda ugu wanaagsan ee loo isticmaali karaayo ama loo baahi tiri karo baahidda iyo rabitaan dadka”

In la fahmo dhaqaalaha waa muhiim, marwalbo waxaan go’aan gaari karnaa markii aan ogaano halka uu maraayo dhaqaalaha. Haddii aad ibsanayso guri marka horre waxaa wanaagsan inaad faa’ido weyn ka heli karto mustaqbalka soo socdoa adigoo saadaalinaayo dhaqaalaha ka jira dalka.

“Dhaqaalaha wuxuu ku anfacayaa marka la gaaro go’aamada sidda dhaqaalaha dalka iyo midka nafsiyeedba. Waxaan maalin walbo sameynaa go’aan ku saabsan dhaqaalaha. Anigoo isweydiinayno  sideen u isticmaali karaa gaaska gaariga, wax walbo waxad ku salaysaa qiimaha ay kugu fadhiyaan. Haddii aad leedahay ganacsi yar sidda dukaan oo kale, waxaad marka horre isweydiinaysaa maxaan ka heli karaa oo faa’ido ah haddii aan allaabtaas keeno dukaanka, wali adigoo diirada saaraayo kirida dukaanka, wakhtiga aad ku bixinayso shaqadaan, haddii aad heli karto shaqo oo aad ka dhalini karto dhaqaallo fiican waxaa macquul ah inaad dukaanka iskeega tagto. Marwalbo waxaad sameyni kartaa go’aan wanaagsan haddii aad dhinacyo badan ka fiiriso go’aanka aad ka gaarayso ganacsigaada”

Not-Work-Hard

Dhaqaalaha waa shey ku tiirsan nolosheena maalin walbo. Waxaad rabtaa inaad jaamacad aado, waxaad isweydiinaysaa haddii aad jaamacad aado maxaa faa’ido kuugu jira? Xaguu marayaa suuqa shaqada ee aan doonaayo inaan ka barto jaamacada? Haddii ay timaado codeynta madaxweyne, waxaad isweydiinaysaa siyaasigee ayaan u codeyni karaa? Muxuu kugu soo kordhini doonaa siyaasigaan haddii aad doorato? Muwaadanka dhabta ah marwalbo wuxuu u codeeyo siyaasiga ka fikira danaha guud ee dalka ee ma ahan mid dantiisa dhaqaalle oo kali meesha ka fiirsado. Waxwalbo oo dunidda ka mid ah waxaa lagu saleeyaa dhaqaallo.

shutterstock_188066681-1280x960Haddii aad guursanayso waxaad ka fakiraysaa mahaysataa dhaqaalle kugu filan ama shaqo fiican? Ma tahay aabo awooddo inuu bixiyo biilka caruurtiisa? Xageed guri ugu sameynaysaa caruurtaada? Maxaad u qabani kartaa hooyo iyo aabo? Su’aalahaas iyo su’aallo kale ayaad isweydiisaa oo ku saabsan noloshaada/nolosheeda maalin walbo.

Dhaqaalaha waa go’aamada aadanaha ee maalin walbo. Waxaan sameynaa ficilo badan ee kusalaysan dhaqaalaha. Maalin walbo waxaad ku fakaraysaa inaad aado jaamacada ama waxbarasho, maxaa yeelay waxaa kuu muuqdo dhaqaalaha ka soo bixi karo mustaqbalka soo socda. Waxaad ku fakarayaa inaad tahriibto oo aad tagto wadan kale waxaan shaki ku jirin inaad wadankaas u aadayso inaad ka hesho dhaqaallo si aad naftaada ay u hesho farxad ku filan, balse waxaa naga maqan in adduunka uusan ahayn meel lagu farxo ama lagu raaxaysto. Kuligeena waxaan u joognaa waa imtixaan aduunkaan.

Ka hadalka dhaqaalaha waa mawduuc ay in badan ka hadleen aqqoonyahaano badan oo caalamka joogo. Sidda aan la wada socono wadamada caalamka ayaa ah kuwa ku kalla horumarsan xagga dhaqaalaha, qaarka kalena ay yihiin kuwa wali taag daran oo faqriga baahsaday. Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa keenay faqriga wadamada haysata?

Wadamo badan oo ka mid ah kuwa caalamka ayaa waxaa ka jira faqri aad u dhibaateeyay bulshada. Musuqmaasuqa waa waxa keeno in ay timaado dhaqaallo xumo. Dawladda waa inay marwalbo u taagnaadaa danaha ummada oo dhan. Haddii ay dawladda noqoto dawlad ka shaqeyso dano gaar ah waxaa dhexda ka baxa xaqqa masaakiinta.

Waxaa jiro tusaalooyin badan oo ka jira dalkeena Soomaaliya. Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho waxaa waqti dhaw dhul balaaran laga siiyay midawga Yurub si ay xarun ugu dhistaan. Waxaana la helay cadeymo qeexaayo in xaruntaas midawga Yurub aanan ka shaqayni Karin qof Soomaali ah mise qof asalkiisa kasoo jeedo Soomaali, waxaana warqadaas u saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasaan Sh. Maxamuud sidda ay qoreen warbaahinta Soomaalida.

Hadaba yaa iska leh xarunta ay deganyihiin midawga Yurub? Dabcan Soomaali baa iska leh. Haddii dhul kale oo caalamka kale ku yaallo waxbay ahaani lahayd laakiin dhul ummadiisa la leeyahay ma soo geli karaan oo wax shaqo ah umma soo raadsani karaan waa waxyaabaha keeni karo damiir la’aanta na haysata. Waxaana sawab u ah heerka musuq-maasuqa gaarsiisanyahay. Dhaqaalaha ma kobci karo illaa la helo simnaan iyo cadaalad ay u wada simanyihiin ummada oo dhan. Haddii ay timaado cadaalad waxaa si fudud u suurta geli karo in la helo dhaqaalaha dalka oo horumaro. Marwalbana dawladaha caalamka ka jira waa inay ku dadaalaan cadaalada si loo helo dhaqaalaha oo ay bulshada u wada simanyihiin.

Dhaqaalaha wuxuu sii kalla leeyahay noocyo muhiim u ah dawladda inay gacanta ku qabato sidda Xarunta Dhexe ee Keydka Shidaalka oo Muqdisho laga hirgeliyey dhawaan. Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka hirgeliyey magaalada Muqdisho shirkad ballaran oo ka ganacsanaysa shidaalka taas oo leh xarumo keyd, waxaana loogu magacdarey Xarunta Dhexe ee Keydka Shidaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha ee dagaalka sokeeye ku burburey maanta dib loo unkay.

“Waddankan inagaa ayaa duminay haddaan nahay Soomaali, dib u dhiskiisana inaga ayaa la inooga fadhiyaa. Shirkadda Somali Fuel Company ee mashruucan hirgelisayna waxay qeyb ahaan fulisey baaqii aan horay u soo jeediyay ee ahaa DALKAAGA DHISO. Waddanka si tartiib tartiib ah ayuu uga soo kabanayaa dhibaatadii nagu habsatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ganacsiga ku dhisan dhaqaalaha noocyadaan oo kale waxaa loo baahnaa in dawladda ay gacanta ku hayso ee ma ahan in dad qaas ah gacanta loo geliyo. Nuxurka hadalkayga ayaa ah dawlada maanta waxay mucaawino ka heshaa wadamada shisheeya, waa in meel la wada fadhiistaa oo la isweydiiyaa siddii loogu bixi lahaa mucaawinadaas. Maxaa yeelay cidwalbo wey ogtahay in Soomaali aysan ka bixi Karin dhibaatadaan illaa ay ka baxdo deeqda gacanta shisheeye. Cidwalbo wey ogsoontahay maanta dalkaan in gacan shisheeye ay gacanta ku hayaan sawabtoo ah waa madaxdeena ayaa ah kuwa mishaarkooda la bixiyo, “af wax cunay xishoo”

Nuxurka cashirkaan oo aan diirada ku saarayo dhaqaalaha iyo suuqyada ayaa ah in ay muhiim tahay fahanka dhaqaalaha iyo suuqyada. Ganacsi lama sameyni karo illaa la ogaado heerka u gaarsiisanyahay dhaqaalaha dalkaada ama dalalka kale ee caalamka oo aad ganacsi ku samaynayo. Hadaba waxaa muhiim ah inaan si fiican diirada markalle u saarno waxa keeno dhaqaallo xumidda qabsani karto ganacsigaada iyo suuqyada markaas aad ka hawl gasho.

Waa wax aad u wanaagsan inaad ogtahay sharuucda dalalka u yaallo, si aad wax badan ugu fahmi karto qaababka aad ku geli karto suuqyada dunidda. Wakhtigaan la joogo dawladda Federalka Soomaaliya malahan sharuuc ganacsi ee la aqqoonsanyahay “Ganacsiga waddankeena waa in shuruuc loo sameeyaa si uu u noqdo mid la jaanqaadi karo ganacsiga kalle ee caalamka. “Waad aragtaan in ganacsatadeena ay hanti badan geliyeen dalalka shisheeye, iyagoo taas sabab uga dhigaya jiritaanka nidaam iyo sharci ganacsi oo lagu kala dambeeyo. Inaan nidaam sameysano waxay naga caawineysaa soo jiidashada maalgashi ka yimaada dibedda iyo gudaha, haba ugu badnaadeen Soomaalida’’.  ayuu yiri Madaxweynaha.

Qodobka labaad ee u baahan inaan sharaxno ayaa ah waa maxay suukh?

Suukha waa goobta ay ku wada kulmaan kan wax iibsanaayo iyo midka wax iibinaayo. Suukha waxaa lagu qeexi karaa goob walbo oo dadka iskugu yimaadaan oo ay ku kalla iibsani karaan alaabaha sidda maacuunta guryaha, cuntada, xoolaha, guryaha iwm.

Suukha waxaa kale oo lagu qeexi karaa goobaha internet-ka ee loo yaqaano “ecommerce” ama “ebusiness” sidda xaashi.com, seylad.com iyo kuwa kale oo badan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed. Kuwa caalamiga ee laga isticmaallo wadamada kale waxaa ka mid ah sidda amazon.com, ebay.com, alibaba.com iyo kuwa kale oo ka jira daafaha dunidda.

Cashirkeenii horre waxaan ku qeexnay aas-aasida ganacsiga, waxaana soo sheegnay in ganacsiga u kalla baxo noocyo kalla duwan. Koorsadaan waxaa wali socoto qaabka aan ku aas-aasi karno ganacsi guulaysani karo anagoo diirada saarayno qaabkii aan ugu dhigi lahayn ganacsigaas mid la jaan qaadi karo caalamka. Si aad ulla jaan qaadi karto ganacsiga kale ee ka jira daafaha dunidda waxaad marwalbo u baahantahay fahanka qanuunada iyo dhammaan sharuucda loo maro inaad balaariso ganacsigaada. Balse cashirkeena 3aad wuxuu ku saabsanyahay qaabka ama sidda ugu fudud oo aan ku fahmi karno dhaqaalaha suuqyada dunidda ganacsiga.

Labada shey ee ugu muhiimsan ee cashirkeena waxaan jeclahay inaan ku sharaxay guud ahaan fahanka dhaqaalaha iyo suuqyada. Haddi aad fahansantahay labadaas shey sidda:

  1. Dhaqaalaha
  2. Suukh-yada

Waxaad halkaas cabir ka qaadani kartaa qiimeynta guud ee aad u baahantahay inaad ka sal gaarto markii aad sameynayso maalgelinta ama marwalbo oo aad sameynayso maalgelin cusub, iyo guud ahaan suukhgaynta.

Suukh-yada waxaa marwalbo soo farageliyo dawladaha. Dawladda Soomaaliya ma ahan dawlad soo farageliso suuqyada gudaha Soomaaliya. Dawlada waa inay la socotaa waxa ka dhacaayo suukh-yada dalka. Maxa yeelay haddii dawladda iska qaadato canshuur oo kali oo aysan ka warqabin badeecada suukha taallo waxa ay tahay, waxaa kor u kacaayo suntan dadka laga iibinaayo. Dabcan sidda aan la wada socono gudaha suukh-yada Soomaaliya waxaa lagu kalla iibsadaa daawo dhacday. Xittaa bulshada waa ay ka warqabtaa in wadanka lagu iibiyo daawo dhacday. Sawabtoo ah malahan dawlad ku hayso koontorool. Haddii ay jiraan dawrkii dawladnimo waxaa suurta geli lahaa in la qabto dadka dalka soo geliyo daawooyinka dhacday. Marwalbo uu maqanyahay dawrka dawladnimo waxaa dalka marwalbo iska soo farogelini karo gacmo shisheeye, weyna dhacday midaan.

Ganacsadaha ka hawl galo suuqyada dunidda wuxuu u baahanyahay inuu dhinacyo badan ka ka eegi karo sidda isbedelka lacagaha. Waa wax aad u wanaagsan inaad ka warqabto isbedelka suukhyada dunidda. Waa inaad ogaataa maxaa keenay in suukhyada isbedelaan.

Isbedelka suukh-yada waxa keeno noocyo badan oo ay ka mid tahay “tariff” oo ah xadidinta xaduudaha iyo canshuuraha. Haddii dawladdaada iyo dawladaha kale ee aad u iib gayso allaabahaaga aysan lahayn xariir diplomasiyadeed waxaa adkaani karayso inaad ku ganacsato wadamada kale sawabtoo ah, waxaa ka jira tariff.

Markalle aan si fiican u sharaxo, waa maxay “tariff” jawaabaha ugu wanaagsan ee tariff waxaa ka mid ah sidda wadamada Qaliijka ah ee loo yaqaano “Gul Nations” دول الخليج

Siddoo kale waxaa jira Midawga Yurub “European Union” iyo NAFTA “North American Free Trade Agreement”

Dhammaan dawladahaas waxay leeyihiin qaab ganacsi oo xor ah, in ganacsadaha ka dhashay wadamadaan uu u iibgeyni karo badeecadahiisa wadamada deriska la ah asigoo aan laga qaadi Karin wax canshuur ah. Maxaa yeelay waa heshiis ay ku heshiiyeen wadamadaan.

Qofkii allaabo “products” rabo inuu u iib geeyo sidda Bahrain oo ka mid ah wadamada Qaliijka waxaa laga qaadayaa canshuur hadduusan ganacsadaas yahay ganacsade ka yimid wadamo ka baxsan dawladahaan qaliijka ah. Haddii aad u dhalatay Qadar waxaad allaabtaada u iibgeyni kartaa Sacuudiga ama kuwa kale oo ka mid ah dawladahaa wali iyadoo aan lagu weydiinaynin wax canshuur ah balse waa inay kaa koontoroolaan waxaad wado. Sidda haddii ay yihiin wax dhacay oo kale. Dawladda ayaa marwalbo masuul ka ah waxwalbo oo bulshada saameyn ku haayo. Haddii doorka dawladda meesha kasoo baxaayo daneyste oo bulshada ayaa dhibaato aad u balaaran la kulmo, qaasatan kuwooda ugu ducufsan.

La soco cashirkii 4aad……………

Fikirkaada Waa Muhiim