Waa Maxay Gargaarka Degdegga?

Gargaarka Degdegga waa kaalmada ama cawimaadda kowaad ee loo sameeyo qof shil ama jiro lama filaan ah ku timaado ka hor inta aanan la geyn goob caafimaad.

Waa Maxay Qandho?

Markii uu qofka heer kulka jirkiisu yahay mid aad u kulul, waxaan dhahnaa waxuu qabaa qandho. Qandhada ma ahan cudur balse waa calaamada cuduro badan oo kala duwan si kastaba ha ahaatee qandhadu aad ayay qatar ugu tahay caruurta yaryar.

Markii aad ku aragto qof in ay hayso qandho

  • Kasaar maryaha  uu  xiran yahay gabi ahaanba.

Caruurta yar yar waa in laga saara dharkababy

gabi ahaan tooda ilaa ay qandhadu ka dagto.

Haku daboolin caruurta yar yar marooyin waayo

Waxay kor u qaadaa qandhada.

Qofka waa in uu helaa hawo yar oo firesh ah tani

Waxay ka caawinkartaa in ay qandhadu ka jabiso.

  • Sii qofka Aspirin si aad hoos ugu dhigto qandhada. Caruurta yaryar waxaa la siin karaa Acetaminophen (paracetamol ) iyo Aspirinka caruurta yar yar.
  • Qof kastoo qandho ay hayso waa in la siiyaa biyo badan amaba cabitaanada qasan. Caruurta yar yar biyaha la siiyo waa in laga karkariyaa  kadibna la qaboojiyaa si looga dilo il ma aragtada cudurada sababta.
  • Haddii ay suurtogal tahay soo raadi waxiii keenay qandhada kadibna daawee.

Qandhada Heer Kulkeedu Sarreeyo

Qandhada noocaan ah aadbay qatar u tahay haddaanan  loo dajin sidda ug dhaqsiyaha badan. Waxay keeni kartaa gariir, dhaawac joogta ah oo gaara maskaxda (Paralysis) iyo Qalal.

Markii ay qandhadu gaarto in ka badan (40∘), waa in la dajiyaa:

  1. Ka siib dharka
  2. Babi
  3. Ku shub korkiisa biyo qaboow ama ka saar xabadka iyo wajiga maro la qooyay . Babi, kana badal marooyinka si isdaba joog ah si aysan marooyinka ugu kululaan. Ku cel celi ilaa ay qandhadu heerkeedu hoos u dhaco ( 38∘).

02

  1. Sii qofka biyo badan oo qaboow ah.
  1. Sii daawooyinka sidda Aspirinka.

Haddii cunuga qandheeysan uusan laqi karin Aspirinka u jajabi kadibna ku qas biyo ugana shub dabada adigoo isticmaalaayo sariingo aan cirbad wadan. Dhaqaatiirta qaar waxay door bidaan Paracetamol in uu u wanaagsan yahay caruurta yar yar.

NB/  Haddii ay qandhadu dagi weyso sidda ugu dhaqsi yaha badan oo uu qofka bilaabo in uu gariiro kuwad biyaha qabow  geyna goobta caafimaad ee kuugu dhaw.

 

Fikirkaada Waa Muhiim