Waxaan doonayaa in aan bixiyo koorsada Gargaarka Degdegga, taas oo faa’iidooyin aan la soo koobi karin u leh qof walbaa. Waxaa qasab ah in qof kastaa uu la kulmi  karo qof kale oo shil ama xunuun u baahan daryeel deg deg ah la il daran. Inta aanaan guda galin casharada koorsada waxaan jeclahay in aan idiin soo koobo hadafka laga leeyahay gargaarka deg dega.

  • In la dhawro noolasha qofka, la siiyo daaweeyn aasaasi ah si qofka uusan xumada ugu dhiman (Dhimasha Illaahay ayaa hayo balse dadaal ayaa loo baahanyahay).
  • In laga hortago in qofka miyir beelo.
  • In laga hortago in uu qofka dhibka gaaray noqon mid dhibaato weyn u geesta tusaale hadey jiraan Dhiig bax waa in la joojiyaa.
  • Lana hormariyo siduu qofka dhaqso ugu buskoon lahaa.

 

Haddaba waxaan qaadan doonaa mowluudhyada hoos ku xusan:

  • Noocyada Gargaarka Degdegga.
  • Daaweyn
  • Sida loo asturo walxaha dhaawacyada iyo cudurada sababa.
  • Ogaanshaha waxyaabaha shilka ama cudurka sababay.
  • Qiimeynta Goobta uu shilka ka dhacay.
  • Dhiig Joojin.
  • Shooga.
  • Wadna Xanuun.
  • Dhayidda Dhaawacyada.
  • Duubida dhaawaca.
  • Stroke (Cudurka Maskasda ku dhaco).
  • Qaniinyada Bahalada.

Iyo mowdhuucyo kaloo xiiso badan oo aan jeclahay in aad la dhicidoontaan.

Fikirkaada Waa Muhiim