Qoraalkaan ayaa waxaan ka qoray nolosha Soomaalidii Yemen joogi jirtay sidda ay ahayd iyo qaabka ay u noolaani jireen: (Qoraalkaan ayaa ahaa qoraal aan ka qoray waqtigii aan ku sugnaa Yaman) Sidda aan jacenahay Soomaalida ulla jeedka ay u yimadaan Yaman ayaa ah inay ka shaqeystaan. Intooda badan lama dhihi karo yemen waxaa jooga Soomaali si fiican u ladan, laakiin waxaa macquul ah inay joogaan dad iska ladan oo aan dhihi karno wey iska ladanyihiin. Ladnaantooda ayaa ah kuwa wax kasuga dibida xaga wadama Yurubka iyo Ameerika ama wadamada ka dhaqaalaha badan Yaman. Soomaalida intooda badan 95% waa dad usoo tahriiba inay mustaqbalkooda kadhistaan Yaman. Sidda ay illa tahay umma maleeyo inay jirto dad mustaqbal fiican oo waarto oo ay kadhisteen Yaman inkastoo ay usoo aadeen inay kadhistan mustaqbal fiican. Sababtoo ah dadka udhashay wadanka ayaa ah mustaqbal la’aan.

Soomaalida kunool Yaman markaad wareysato waxaad ka heleysaa hadalo oo aan ku qancineynin, haddii aad sii dhexgashana aad ka heleyso waxyaabo badan oo kalla duwaneyn, micnaheyga dhammaantooda haddii aad wareysato calaacalkooda waa mid isku mid ah, mid midkale ka duwan malahaan haddii aad wareysaneyso Soomaalida kunool Yaman 3 shey ha weydiinin!.

  1. Shaqadiisa & shaqadeeda
  2. Da’diisa & da’deeda
  3. Nolashiisa & nolosheeda

Midka koowaad waxaan kalla jeedaa haddii aad weydiiso shaqadiisa misana shaqadeeda wuu kaalla xishoonayaan misana wey kaalla xishoneysaa, inkastoo ay jiraan dad aan kaalla xishooneyn su’aasha jawaabteeda , qofkaas oo kalle markii aad aragto waa qof Yaman ugu yaraan 10sano misana kudhawaad joogay, maxaa yeelay mudo ayuu shaqadaas kunoolyahay. Sawabtoo ah wey u barteen. Waxayna marwalbo ka warqabaan xaalada wadanka. Markii ay maqlaan dagaalada ka dhacaayo wadanka waxay sii geliyaan inay u fiicantahay meesha ay kunool yihiin iyo shaqadooda.

Soomaalida waxay ku maah maahdaa “Shaqo ayaa sharaf leh” waa run shaqo ayaa sharaf leh. meeshii aad gacanta taagani lahayd waxaa haboon inaad shaqeysato haddii aad si walbo u taagato gacanta bini aadam baahidaada ma dhameystiro karo haddii waxwalbo oo uu kusameeyo, qo aan ahaayn ALLAH (S.W.T) oo baahidaada dhameystiro karo malahan. Qof walbo waa inuu aaminsanyahay in waxwalbo yaalaan ILAAH agtiisa, Soomaaliya markii aad kasoo tageyso waxaa kaa go’aan ahaa inaad hormar iyo nabad fiican aad hesho. Markii aad imaaday meeshaad usoo socotay waxaa waajib nafsadaada ku ah inaad go’aan cad qaadato markii aad imaaday meeshii ay noqotay meel oo aadan hormar ku gaareynin maxaa waajib kugu ah? waxaa waajib kugu ah inaad kasii baxdo oo aad meel kasii fiican raadiso maxaa yeelay nafsada lama baro guul daro. Inkastoo guul darida ay ka dambeyni doonta guul haddii la fahmo guusha waxa ay tahay. Go’aan aad gaartay oo la xariirtay riyadaada waa inaad fir-fircooni sii sameyso si aad guushaada u gaarto, adigoo haddana noqdo qof Alle ku xiran, maxaa yeelay nafsada waxay guul gaari kartaa ayaduu fir-fircooni weyn oo aan caajis ku jiran sameyso.

Haddii aan usoo noqdo Soomaalida Yaman waxay ka shaqeeyaan “Nadaafad (cleaner) iyo dhaqowga gawaarida (car wash)” oo ay noloshooda ka raadsadaan. Waxkale oo dheeri kuma sameyni karaan oo aan ahayn intaas kabadan. Ragaan ka shaqeysto shaqooyinka noocaan ah waxaa la soo deriso dhibaato maalin walbo. Dhibaatooyinkaas oo ay kamid tahay haddii wax ka dhacaan wadankaan Yaman dadka marka horre la qabsado waa iyaga xittaa haddii ay geeystaan Yamaniinta udhashay wadanka. Waxaa kalle oo jirto dhibaatooyiin badan sidda dumarka Soomaalida oo aan sharaf ka laheen wadankaan Yaman meesha laga tix geliya dumarka kalle oo gaalada ah misana ajaanibta kalle. Haddii nin Soomaali ah wax sameeyo misana u yimaado nin askari ah dhammaan dadka kalle oo wadooyinka socday wey kusoo leexanayaan kadibna dhinacooda ayey ka dilayaan.

Dhibaatooyinka soo wajahdo Soomaalidaan ayaa ah mid aan inta lagu soo koobi Karin. Kumanaan Soomaali ah ayaa waxaa dalkaan Yaman kusoo wajahda xaalado aad u dhibaato badan sidda ay sheegeen dadka u dooda xaquuqda aadanaha. Markii ay soo gaaraan Yaman waxaa loo aqoonsadaa inay yihiin qaxooti. Haayada u qaabilsan qaramada midooway UNHCR diiwaan gelisay 88,00 oo qaxooti ah laakiin waxaa lagu sheegaa inay gaarayaan qaxootiga rasmiga ah 200,000. Qaxootigaan Soomaaliyeed ayaa waxay dalkoodii kasoo barakacayaan tan iyo 1991 bur-burkii dawlada illaa hadda, waxayna maanta marayaan heerkii ugu darnaa ee nololeed.

Dadka Yamaniinta ayaa waxay ka qabaan Soomaalidaan aragtiyo kalla duwan. Markii ay soo gaaraan xeebaha Yaman ayuu bilbaabmaa rafaadkooda. Markii ay soo gaaraan magaalooyinka waxaa loolla dhaqmaa si xun markii loo eego Yamaniinta. Lacago yar ayey ku shaqeeyaan waxay dhaqaan gawaarida iyagoo lagu cunsiriyay midabkooda. Inkastoo shaqaalaha bini’aadamnimada ay aminsanyihiin in Yaman kamid tahay wadanka ugu faqrisan bariga dhexe ee carabta hadana waxay leedahay Yaman dawlad wax ka qabani karto arimaha qaxootigaan. Waxaanu ognahay dadka Yamaniinta qudhooda inay ka haysato dhibaato, helida shaqooyinka, helida daryeel caafimaad iyo waxbarasho, weyna ka simanyihiin Yamaniinta arimahaan. Haddii aan dib ugu laanto sheekadeydii ku saabsaneed shaqooyinka. Xagga dumarka, dumarka waxay ka shaqeeyaan booyeeso shaqaalaha guryaha (house mate). Dhammaan rag iyo dumarba miyey ku qanacsanyihiin shaqooyinkaan?. Shaqooyinkaan ayaa ah kuwa cusriyad ah (discrimination) laakiin sidda ku waajibsan waa inay ku qanacsanadaan shaqooyinkaan maxaa yeelay waxbo ma aysan soo baranin weyna yaryihiin dad kasoo baxo jaamaco mana haystaan dawlad lagu ixtiraamo.

Soomaalida Yaman u tahriibto ayaa ah kuwa aan lahayn cilmi misana xirfad oo ay ku shaqeysan karaan, xittaa haddii ay leeyihiin waxaa horyaalo magacii Soomaaliya oo wadanka Yaman aad ugu bahdilin erayga Soomaaliya. Midaan ayaa keentay in Soomaali badan ay yiraahdaan aniga waxaan ahay muwalad (half-caste) iyagoo inkiraayo magaca Soomaaliya. Markii loo fiiriyo majooratay ajaanibta kunool Yaman waxaa u badan Soomaalida waxaa dhulka nadiifiya waa Soomaalida iyo Itoobiyaanka, ayagoo lagu cusiriyeey midibkooda, Soomaalida markii aad weydiiso waxa ay kashaqeeyaan wey kaa xishoodaan inay jawaab kusiiyaan.

Qaar waxay ku leeyihiin aniga shaqadaan waxaan kusii sugoyaa sida “leyn”xaga dibada wali asigoo isdifaacaya. Intooda badan waxay kuleeyihiin waxaan hayaa shaqo oo fudeed ah waqti fiican ayaan ka soo baxaa ayagoo marsiiso kadhiganaayo fudeedka iyo waqtiga. Soomaalida noocaan ah ayaa qaarkood aqli weyn kuyeesho shaqada ay qabanayaan markii ay arkaan ayagoo dhaqaayo musqulaha , xafiisyada “IWM” Soomaalida qaar ayaa waxay aad aqli fiican iyo fikrad hormar kujiro ku fikiraan markii ay arkaan xafiis uu fadhiyo nin u xeranyahay garawaati asigoo mar-marka qaar dhahaayo ii keen shaah, marna dhahaayo maxaa waayo meeshaan sidaan wasaqda ah.

Qaarka kalena waa kuwa kashaqeeya jaamacadaha dalka Yaman kuyaalo ayagoo ka maseerayo ardayda dhigato jaamacadaha. Wuxuu shalaayto bilaabaa markaas asigoo dhahaayo maxaad wax usoo barani weyso maxaad waqtigaada iskeega soo lumisay? asigoo nafsadiisa eeda saarayo oo shalaayto ku sugan waqtigaan. Qaar ayey islamarkaa go’aan ku gaaraan inay raadiyaan meelo ay wax ku barani karaan si ay waqtigooda soo socda iyo midka hadda taagan ugu faa’ideystaan, xittaa haddii asiga uu wax barani waayo wuxuu kale uu ku fikiraa inuu ilmo haddii “ALLAH” {S.W.T} siiyo uu waxbaro waa haddii uu yahay mid aqli leh.

Inta aan soo sheegnay ma’ahanee inta kalle ayaa ah kuwa aan fikirin oo aqligooda qaaday “Balwad” sidda qaadka oo aad looga cuno dalkaan Yaman, asigoo dhahaayo aduunka xaalada ka jirta ayaan iska mashquulinayaa maxaa yeelay xaalada ka jirto ma’ahan mid loo adkeysani karo. Balse waxaa kamaqan in nafsadiisa ay u maahantahay caawinmaad uu san ku caawini karin wado noocaas oo kalle. Dhalanyarada waa dadka loo baahanyahay inay ka faa’ideystaan wakhtigooda qaaliga ah.

Machadka Afkaarta Joogtada Ee Ganacsiga & Bulshada

www.machadkaaj.com

info@machadkaaj.com

machadkaaj@gmail.com

Fikirkaada Waa Muhiim