Si sax ah uma cada sababaha keena buufiska, inkastoo aan naqaan waxyaabo qeyb ka geysta jiritaankiisa. Noocyo buufiska ka mid ah waxa loo maleeyaa in leyska dhaxlo oo waxa badan in qof ama wax ka badan oo hal reer ka tirsan ay buufis qabaan. Buufiska waxuu calaamad u noqon karaa dhibaato jireed, sida jiro ama naafanimo. Buufisku waxuu xiriir la yeelan karaa ama uu ka dhalan karaa cudur maskaxeed ah.

Hadii laysla barber dhigo wiilasha iyo gabdhaha, Buufiska waxuu inta badan ku dhacaa gabdhaha, inkastoo sababtu aysan cadeyn. Baarayaasha qaarkood waxey soo jeediyeen in gabdhaha ay u nugul yihiin buufiska sababo jirka la xiriira ama nafsaani ah. Kuwa kalana waxey maleynayaan in ogaanshaha buufiska wiilasha uu adag yahay sidiisaba. Mararka qaarkood buufiska waxuu qeyb ka yahay mashaakil nafsaani ah. Tusaale ahaan, isyasid ( negative self concept ) waxey la socotaa inta badan buufiska. Walwal ama jug kaala so gudboonaato deegaanka waxey iyaguna la xiriiraan buufiska. Barbarku, isbadalada lasoo gudboonaada waxey ka qeyb qaataan wareerka iyo qaska caadifiga ah. Barbarku markuu baaluqayo, waxaa iska hor iman kara ama hardami kara sida wax loo qiimeeyo loona heli karo ujeedada ka dambeysa jiritaanka. Mashaakilada xiriirka khuseeya ama dareen faquuqsanaan ah, wuu ku badan yahay barbarta. Waxyaabahan caadifiga ah ama nafsaaniga ah waxey ka qayb qaataan buufiska.

Waalidka Maxay  Qabani Karaan?

Raadka ay waalidku ku leeyihiin waqtiga ay suurtogal tahay in jahwareer weyni yimaado, waxey muhiim u tahay barbaarinta da’yar caafimaad qabto. Inta badan waalidka markey arkaan in ilmahooda ay isku filnaanayaan, faraha ayay noloshooda ka laabtaan. Waxa ugu muhiimsan ee waalid uu sameyn karo, waxey tahay iney faraha kula jiraan ooy waqti la qaataan barbartooda.
Taageer xiriirada wanaagsan.
Barbartu waxay u baahan yihiin dareenka ah iney wax uun ka tirsan yihiin. Xiriirka ay la’leeyihiin facooda waxuu muhiim u yahay sidey arintan ku sameyn lahaayeen. Waalidka waa iney barbartooda ka taakuleeyaan sidii ay ku heli lahaayeen wax yaabo xiiso geliya ama nashaadaad siiya fursado ay kula xiriiraan focooda oo kale. Sii fursado ay waqti kula qaataan saaxiibadood. Barbartu waxay u baahan yihiin akhyaar kale oo iyaga daneynaya ooy aamini karaan. La kulanka akhyaartan waa in la dhiiri galiyaa si loo hago noloshooda iyo si xasilooni loo siiyo.

Dhageyso:

Waalidka waa in diyaar u noqdaan markay dhalintu u baahato iney kala sheekeystaa mashaakilada soo wajahaya. Barbartu in noloshooda su’aalo laga weydiiyo iyo in jawaabahooda la dhageysto waa muhiim. Dhageyso dhibaatooyinkooda; kana kaalmee sidii ay xal mashaakilkooda ugu heli lahaayeen. Noqo mid garta calaamadaha ka diga buufiska. Hadii barbartu uu soo hadal qaado inuu isdilaayo, ha dhayalsan.

Goormaa Kaalmo La Raadiyaa?

Haddii kuraygaagu uu muujiyo calaamadaha buufiska, waa inaad la xiriirtaa dadka aqoonta u leh. Xittaa haddii buufis uusan hayn, in lagaala taliyo caafimaadka. Maskaxda waxuu ku fahamsiinaa mashaakilada ay waajahayaan toban-jiradu iyo sidii aad wax uga qaban laheyd. Hadii toban-jirku uu diido in wax loo qabto, waa muhiim in waalidka ay helaan musaacadada ay u baahan yihiin si ay u daryeelaan ilmahooda. Hadii toban jirku uu muujiyo dhibaatooyinka soo socda wax ka mid ah oo isla markaana ay carqalad ku noqdaan nolol maalmeedkiisa, si deg-deg ah waa inaad ula xiriirtaa dadka shaqada ku leh:

  • Hurdada oo isbadal weyn ku yimaado
  • Cabasho xagga jirka ah oo joogto ah
  • Cunto macaansiga oo isbedela
  • Wax isku koobid la’aan
  • Inuu ka wawalo dhimasho ama isdil
  • Muuqaalka oo isbedela
  • Dhalanteed(Illusion-In loo fikiro si aan macquul aheyn)
  • In wax aan jirin aad maqasho ama aragto
  • Saaxibada oo uu ka go’o
  • Isbadal laxaad leh oo ku yimaada sida uu u dhaqmayo
  • Mashaakil xagga dugsida ah ( madarasada )

In qofkaad is jecleydeen kala hartaan, isbadal reerka ku yimaada, qofaad jecleyd oo kaa dhinta, iyo khasaarooyin kaleba way uga daraan buufiska waxeyna sii kordhiyaan isdilka. Cudur dhimirka ku dhaca ama jirka iyaguna waxey kordhin karaan buufiska.

Da’weynta:

Da’a weynta buufiska waxey noqon kartaa: (Therapy) iyo daawo qaadasho. Daawada buufiska waxey wanaajisaa qeybta kimikada neerfayaasha taana waxaa la socota iney ka soo rayn karaan wax badan oo ka mid ah buufiska calaamadihiisa.

Daaweynta buufiska ee ugu waxtarka badan waxey iskugu jiraan daaweyn (medication) iyo daaweyn- nafsaani ah (Therapy) . Therapy-waxaa ka mid ah daaweynta dhimirka(Psycotherapy) iyo hadal ku daaweyn (Talk Therapy). Daaweyn (Talk Therapy). Daaweynadan waxay Toban jirka fahamsiiyan manbaca ama meesha uu ka soo askumay buufiska iyo sidii loo xalin lahaa mashaakilada kale ee asaaska u ah waxey kaloo baraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen calaamadaha buufiska. Daaweyn fikireed iyo dhaqameed (Cognitive Behavioral Therapy) waxay toban-jirradu ka kaalmeysaa siddii ay u badali lahaayeen fikirka iyo dhaqanka wax ka geysta jiritaanka buufiska.

Fikirkaada Waa Muhiim