Waa geedi socodka iyo qorsheynta shaqaalaha si ururada u noqdaan ururo qiimo ama tayo fiican leh. Maamulka qeyraadka bini’aadamka waa qeybaha ugu muhiimsan ee lafdhabarka u ah shirkada ama ururada kale ee caalamiga. “Maamulka Qeyraadka Aadanaha  waa maareynta shaqaalaha iyadoo culayskana la saarayo shaqaalaha sidda hantida ganacsiga. Macnaha ayaa ah in shaqaalaha ay soo celiniyaan maalgelintii lagu sameeyay ganacsigaas, balse shaqaalaha ma soo celini karaan maalgelintii shirkada lagu sameeyay haddii aan lala imaanin siyaasad maamuli karto shaqaalaha” Haddii aad tahay maamulaha qeyraadka aadanaha waxaa loo baahanyahay inaad marwalbo la timaado siyaasad ka turjubanayso inaad si toos ah u maamuli kartid shaqaalaha shirkada ama ururada dawliga ah.

Shaqooyinka ugu muhiimsan ay qabtaan xarunta Maamulka qeyraadka ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Tababarida shaqaalaha
  2. Maaraynta shaqada iyo mishaarka
  3. Qorsheynta baahida shaqaalaha
  4. Qiimeynta waxqabadka
  5. Illaalinta qeyraadka
  6. Xalinta khilafaadka iwm

HRM_EDM_magnet_2_880pxTusaalooyinka tayada aas-aasiga ah ee maamulka qeyraadka bini’aadamka waa aqqoon ballaaran ee warshadaha, hogaaminta, iyo xirfadaha gorgortanka wax ku ool ah. Maamulka qeyraadka bini’aadamka marwalbo wuxuu diirada saaraa qaab walbo oo uu ku horumarini karo shaqaalaha shirkada, waxaana ugu muhiimsan:

  1. In shaqaalaha ku qancaan shaqada
  2. In lasoo saaro shaqaalo tayo fiican leh
  3. In macaamiisha ay hesho qadamaadka ay u baahanyihin

Macaamiisha marwalbo waxay u baahanyihiin Ardayda jaamacaha qaasatan kuwa wax ka bartay ama ka barto kuliyadaha Ganacsiga si fiican ayay u sharaxi karaan. Waxa aan kalla jeedo Maamulka Qeyraadka Bini’aadamka oo afka ingariiska lagu yiraahdo Human Resource Management. Aad ayay u wanaagsan tahay inaan wax badan ka fahano Maamulka Qeyraadka Bini’aadamka.

Si aad u fahanto qoraalkeyga iyo mawduuca aan ka hadlaayo waxaa wanaagsan inaad wada fahanto dhammaan erayadaan kala ah:

Maamulka: waa maamulida bini’aadaka iyo ganacsiga. Ganacsi walbo wuxuu u baahanyahay ciddii maamuli lahayd. Shaqsi walbo oo maamulo ganacsiga shirkada ayaa loo yaqaanaa maamule. Maamulka ma ahan wax ku eg ganacsi oo kali, maamulka wuu badan yahay sidda maamul goboleedka gobolahada dalka Soomaaliya, maamulka degmada. Maamulka guriga waa aabo mise hooyo. Maamulka waa waxwalbo oo la maamulo.

Qeyraadka: dal walbo wuxuu leeyahay qeyraad, sidda qeyraadka badda, qeyraadka dhulka, qeyraadka beeraha, iyo qeyraadka bini’aadamka.

Bini’aadamka: waa adiga, bini’aadamka waxay u baahanyihiin cid maamusha. Shaqsi walbo rag iyo dumarba waa bini’aadam. Bini’aadamka waxaa adduunka loo keenay ayaa ah in lagu imtixaano. Kii Illahay ku caasiyay in Naarta la geliyo qofkii raacay wadadii loo qorsheeyay in Janada la geliyo.

Qodobadaas oo aan sharaxay ayaa loo wada yaqanaa Maamulka Qeyraadka Bini’aadamka. Cidwalbo waa muhiim inay wax badan ka ogadaan urur. Urur waa labo qof iyo wixii ka badan oo leh hadaf. Ururka waxaa loo sameeyo waa u jeedo, u jeedadaasna waa waxa loo sameyay ururka. Dunidda aan ku noolnahay ayaa waxay kawada sameysantahay urur. Waa muhim inaan fahano waxa aan kalla jeedo urur. Markii ay timaado Maamulka Qeyraadka Bini’aadamka qofwalbo wuxuu horey ka fahmayaa inaan ka hadlayno urur iyo sidda loo maamulo dadka.

Maamulka Qeyraadka Bini’aadamka guud ahaan waxay ka hadlaysaa maamulida aadanaha iyo qeyraadka. Maamulka Qeyraadka Bini’aadamka waxay muhiim u tahay urur walbo oo ka jira caalamka. Waaxda shaqaalaha shirkada ayaa ka maduul ah abuurida, fulinta iyo kormeerida siyaasadda xukunta dhaqanka shaqaalaha iyo dhaqanka shirkadda xagga hadafyada ee loo baahanyahay in mustaqbalka guullo fiican laga gaaro.

Fikirkaada Waa Muhiim