Tarbiyadu waa shay ka duwan tacliinta. Tacliintuna way ka duwan tahay tarbiyadda. Hadana labadoodu way xiriiraan oo way is xoojiyaan. Ujeedada tarbiyadda iyo tacliintu waa in la helo ummad isku meel u socota oo wada noolaan karta, wax yaabaha ka dhexeeyana illaaliya sidda, luuqada, dhaqanka, diinta, caadaadka ijtimaaciga ah, waddanka ay ku noolyihiin iyo nidaamka noloshooda. Sidoo kalle in qofka awood loo siiyo siddii uu u noolaan lahaa. Inuu shaqaysankaro oo xirfad shaqo uu leeyahay.

Tarbiyada qaybaheeda sarre waxaa loo maraa tacliinta iyo wax barashada. Sidaas daraadeed waxaa la oran karaa tacliintu waa waddo loo maro tarbiyadda. Marka ardayga wax la barayo, macnaheedu waxaa weeya waa la tababarayaa. Ama waa la tarbiyeeyay.

Tarbiyadda qaybeheeda ugu muhiimsan wuxuu qofka ka helaa qowskiisa iyo mujtamaciisa. Markii uu qofku dhasho, hooyada ayuu ka bartaa wax yaabo badan oo ay ka mid tahay luqada. Xooga ka dib wuxuu ka bartaa wax yaabo diinta la xiriira. Markii uu cunugu guriga ka baxo oo ciyaalka da’diisa ah la ciyaaro wuxuu sii bartaa dhaqanka iyo caadaadka mujtamacaas. Mas’uuliyadda qaybta ugu muhiimsan ee diyaarinta insaan wanaagsan halkaas ayay ka bilaabataa.

 
ows_138473865637724Halkaas ayaa waxaa ka biloowda tababarka iyo dhisidda qofka ee asaasiga ah. Waa shay abuur ah, oo Allihii caalamkaan abuuray ugu talagalay inay si joogta ah u dhacdo tababarka waalidku tababaro ciyaalkiisa. Arrintaas aadanaha kaliya ma ah, oo dhammaan nooluhu wuu is tababaraa. Shinbirtu waxay bartaa ilmeheeda sidii ay u noolaan lahayd iyo sidii ay ula qabsan lahayd caalamka ay ku soo biirtay. Libaaxa iyo dhammaan xayawaanka ugaarsada waxay ilmahooda u tababaraan sidii ay u ugaarsan lahaayeen, iyo siddii ay cadawgooda uga taxadari lahaayeen iyo siddii ay uga dhuuman lahaayeen ama isaga difaaci lahaayeen. Marka tababarka da’yarta la tababaro waa shay fitri ah ama dabeeci ah oo Alle noolaha ku abuuray si ay u jiraan ama noloshooda u sii wataan.

03bae751fdb2b12bbef5da3e03677720bbf70ec6905263975cb3a40a4b6390bd_fullTababarkaas ugu horeeya ee ilmuhu ka barto waalidkiisa waa kan ugu muhiimsan. Wuxuu xiriir la leeyahay qaabaynta nafsadda cunuga. Haddii uu waalidku yahay mid ka dhisan xagga garashada iyo xagga awoodda wax haynta waxay saamaynaysaa tababarka iyo dhisidda nafsada ilmaha. Haddii waalidku uusan macluumaad badan ka hayn nolosha iyo waxa ay u baahan tahay iyo wax yaabaha la xiriira caafimaadka nafsadda iyo jirka ee cunugiisa ilmaha arintaasi way saamaynaysaa.

Haddii waalidku leeyahay awood xagga dhaqaalaha ah iyo haddii uusan lahaynba ilmaha noloshiisa iyo tababarkiisaba way saamaynaysaa. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Wiil dhashay waa reerkiisa wax la qabe” Macnuhu waxaa weeye ilmihii reerka ku soo kordha wuxuu wax la qabayaa reerka intiisa kalle oo ay ugu horayso hooyada. Marka cunugaasi wuxuu noqondoonaa marba sida reerkoodu yahay. Xagga wax haynta iyo xagga wax fahamka iyo xaddaradda labadaba.

“Cunuga Soomaaliga ah wax badan ayuu ka bartaa guriga ama qooska uu ka dhashay sidda luuqada, diinta, dhaqanka, caadaadka iyo wixii la mid ah. Waa inaan xusuusano, inaan xusnay tababaridda ilmuhu inay tahay shay dabeeci ah oo noolaha oo dhan ka dhexaysa. Waxaa kalle oo ku jirra tarbiyadda caruurta oo ay tahay in la xuso jacelka”

Jaceylku wuxuu ka mid yahay, siraha waawayn ee Alle caalamkaan ku dhisay, sidda ay ku timid iyo waxa uu yahayna aan wax badan la aqoon ama aan laga daraasayn. Kaliya waxaan aragnaa cunug kasta oo dhashay inuu ku dhasho ama la dhasho jaceyl. Jacaylkaasi kama imaan ficil ama shaqo waalidku qabtay, ama inta laga fikiray go’aan lagu gaaray ee wuxuu ka yimid awoodda Alle ee aynaan wax badan ka aqoon sidda ay u shaqayso.

“Binna’aadanka oo kali ma lahan jaceylka ee wax kasta oo nool, xittaa xayawaanka waxaa lagu dhallaa ama ay la dhashaan Jaceyl Alle huwiyay oo Alle korka kasaaray si ay u kafaala qaado siddii uu u kori lahaa ama u noolaan lahaa. Haddii ilmaha dhashay ee xayawaanka ah jaceylkaas Rabaaniga ah ma haystaan kafaalo qaad ama isku hallayn rasmi ah ee ku saabsan noloshiisa”

Alle wuxuu ku kafaala qaaday taranka iyo socoshada nolosha inuu soo raaciyay noolle kasta jaceyl kufilan oo lagu daryeelo.

State_Higher_Education2013
Soomaalidu fursad uma helin xaddaarad fog iyo tacliin badan midna. Waxaan ahayn dad xoola dhaqato ah oo dhul aad u wayn ku kala firirsan. Noloshanaduna waxay ku tiirsanayd xaywaanka iyo dhirta. Xooluhu waxay u baahan yihiin dhul aad u balaaran oo ay daaqaan. Haddii xoola badan oo dad kalla duwan leeyihiin isagu yimaadaan deegaan gaar ah waxaa ka dhammaanaya daaqi iyo dhirtii xooluhu u baahnaayeen. Marka qofka xoolaha leh gaar ahaan raggu waa inay difaacaan danta xoolohooda ee xagga daaqa iyo biyahay ku saabsan. Markaas waa in la fogeeyo oo meesha laga saaro xoolaha dadka kale leeyihiin gaar ahaan kuwa ay kalla fog yihiin deegaan ahaan. Sidaas ayay u jirtay illaa haddana u jirtaa inaan ku dagaalno maslaxadda xoolaha oo anaga maslaxaddanadii nolushu ku jirto. Wali waxaan ku jirnaa inaan difaacno maslaxadda xoolaha. Wakhtigaan hadda ah dagaalada ugu ba’an ee qabiilada Soomaalida dhexmara waxay ku salaysan yihiin tuulo la dagay ama barkad meel laga qotay, Sababta arintaasi ay had iyo jeer dagaal u kiciso waa maslaxadda xoolaha oo la illaalinaayo si maslaxadda dadka loo ilaaliyo.

“Nolosha sidaas ku dhisan tarbiyo iyo tacliin isma keeni karaan. Tacliintu waxay u baahantahay wada jir iyo iskaashi. Tarbiyaddu waxay u baahantahay kubaro aqoon leh iyo sal iyo deegaan. Waxay kalle oo ay u baahantahay maal galin caruurta la maal galiyo oo tacliintii iyo noloshii loo sugo”

Waxaas oo dhan suura gal ma ahayn nolosha Soomaalida. Sidaas ayaan aseegeen uga harnay. Markii gumaysigii reer Yurub Afrika yimaadeen, dadkii ay gumaysteen qaarkood waxbay bareen. Soomaalidu waxay ka mid ahayd ama ay kali ku ahayd inay ka shakiso iskuulada gumaysiga. Maadaama dhaqanka luuqada iyo diinta lagu kalla gadisan yahay. Sidaas ay Soomaalidu uga danbaysay, ummadihii kale ee lagumaystay ama waddammadooda la qabsaday.

Soomaalidu inta badan ma aysan garan mana qiimayn illaa iyo hadda qiimaha wax barashada iyo dawrka ay nolosha ku leedahay. Dadka reer miyiga ah, ama ku nool meelaha dagaaladu halakeeyeen duruuftu maba u saamaxayso inay tacliin ka fikiraan.

Laakiin hadda waxaan naqaanaa dad Soomaali ah oo caruur badan aabbe u ah oo aan haba yaraatee iskuul u dirin. Nimankaasi, waa baayac mushtar hanta leh, isla markaasna aqoonta diinta Islaamka ku xeel dheer. Caruurtiisii quraanka kaliya ayuu baray. Sababta uu sidaas u yeelay waxaa weeye wuxuu garanayaa muhimmadda iyo qiimaha waxbarashada quraanka kariimaka ah. Laakiin wuxuusan haba yaraatee qiimaynaynin tacliinta caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee dunidaan laga isticmaalo. Fikraddaasi aad ayay ugu xeel dheertahay mujtamaca Soomaalida. Xittaa kuwa wax barta waxay u badantahay inay u bartaan warqad ayaa la iswaydiinayaa oo shahaado ay la iska rabaa markii aad shaqo ama magac u baahato ee aysan si dhab ah, u fahamsanayn muhimmadda wax barashada iyo kaalinta ay nolosha ku leedahay.

“Qiimayn la’aantaas awgeed ayaa waxaa Soomaalida ku badan dad madax noqda oo la doorto iyaga oo aan lagu xerin ama lagu xujayn wax tacliin ah”

Waxaaba ka muhiimsan tacliinta qofka mas’uulka ah qabiilkiisa. Haddii uu is leeyahay ama u haysto inuu ka dhashay reer la yaqaan oo badan way ku filantahay in jagadiisa la diyaariyo. Kow iyo laba ma aha dadka sidaas nolosha ku qabsaday. Maxay qiima ah oo ay leedahay tacliintu markaas?

Marba haddii uu qofku xoollo badan helaayo madax noqonayo, magac yeelanayo, muxuu isagu dhibayaa inuu wakhti dheer ku bixiyo waxbarashada. Maalin ayaan xoogaa sheekaysanay nin dhallinyaro ah oo reer Kenya ah. Hadal ayuu igu yirri. “Somalis doesn’t have reason to learn” Wuxuu ulla jeeday wuxuu arkay dad badan oo adduunyo kalla rogaaya oo aan wax aqoon ah lahayn, oo wax walba loo sheegayo ama loo turjumayo.

Fikirkaada Waa Muhiim