Qaab-dhismeedka Ururka waa qaab loogu tala galay in loo dhiso ururka. Urur walbo wuxuu leeyahay qaab loo sameeyay iyo danihii loo abuuray. Marka laga yimaado danaha ururka loo sameeyo waxaa jiro dano kalle oo loo yaqaano Qaab-dhismeedka Ururka (Organization Structure). Marka horre aan isweydiiyo waa maxay urur, muxuuna qabtaa? Dabcan dad badan ayaa fahansan waxa uu yahay urur. Urur waxaa loo yaqaanaa koox abaabulan oo ka kooban labo qof illaa iyo wixii ka badan, sidda waaxda ganacsiga ama dawladaha. Urur waa koox dad ah kuwaas oo wadajir u shaqeeyaan qaab habaysan oo loogu talagalay ujeeddo la wadaago. Ururada waa inay leeyihiin hadaf la qeexi karo, halka ay u jeedaan sidda inay horumarin ku sameeyaan deegaanka markaas laga abaabulay ururkaas.

Tusaalooyinka ururada waxaa ka mid ah sidda

SYL TAYO Tuke Somalism
UN (United Nations) AU (African Union) IGAD
Hormuud telecome Dahabshiib Jubba Express
Hodan Global SOSTEC Isbitaalka Bahnano
Isbitaalka Madina Jaamacada SIMAD Jaamacada Barigga Afrika
Jaamacada Hargeysa Amal Express Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya
Salaam Somali Bank Puntland Post Radio Mogadishu
Air Somalia NationLink Telecom Somtel

 

Ururka hadduu yahay mid qeyri iyo mid faa’ido u dhisan dhammaantooda waxay leeyihiin dano u gaar ah. Danahaas si loo fuliyo waxay ururada u baahanyihiin waxa loo yaqaano Qaab-dhismeedka Ururka (Organization Structure). Qaab dhismeedka ururada wuxuu qeexaa qof walbo oo ka tirsan ururkaas shaqadiisa waxa ay tahay iyo dhammaan waajibaadka loogu baahanyahay shaqaalaha.

Business-Org-Chart-Full

Sidda sawirkaan ka muuqdo waa qaab dhismeedka ururada. Ururka walbo qaabkaas uma dhisno laakiin waxaan isdhihi karnaa waa tusaalaha ugu wanaagsan uu leeyahay urur. Dabcan markii la dhisaayo qaab dhismeedka ururka waxaa loo baahanyahay in dhinacyo badan wax laga fiiriyo sidda masuuliyadaha shaqsiyaadka loo dhiibaayo hawshaas. Sidda mamulka suuq geeyaha shirkada, maamulaha guud iyo midka ku xiga, maamulaha qeyraadka ururka iyo shaqaalada. Maxay kulla tahay fikirkaada Qaab-dhismeedka Ururka? Ma wanaagsantahay in ururka loo sameeyo Qaab-dhismeedka? Muxuuna soo kordhini karaa haddii loo sameeyo ururka?

 

Fikirkaada Waa Muhiim