Nolosha waxay soo martaa xanuuno iyo dhibaatooyin badan markii loo fiiriyo aragtiyada bulshooyinka ku nool caalamka, ayaa ah

Ma ogayn inaan ahay indha kuushii indhaheeda oo ay aniga i fiirsanaysa, mana dareensanayn arrinkaas. Waayo waxaan ahaa wiil yar oo fud fudud, waxna aanan fahmi Karin.

mid kalla duwan. Sawabtoo ah kalla aragti duwanaanshaha bulshooyinka  ayaa ah mid ay ku kalla duwanyihiin casharadii ay ka soo mareen xagga nolosha. Qisadaan waa qiso dhab ah, oo ay ka dhacday mid ka mid ah dalalka carbeed. Waxayna dhexmartay hooyo isha la’ayd iyo wiilkeeda oo markaas lagu qiyaasay 9 illa 10 jir meelahaas.

Hooyadaani iyo wiilkeeda waxay ku wada noolaayeen hal meel (1 guri) balse wiilkaan yari aad ayuu u dhibsani jiray in ay timaado hooyadiisa meesha uu taaganyahay, sidda hadduu la taaganyahay caruurta ay isla dhigtaan iskuulka.

Hooyadaani waxay ka shaqeyni jirtay iskuulka uu dhigto wiilkaani yar. Waxay ahayd shaahleey, waxay shaah u karini jirtay macalimiinta iskuulka. Taasi oo wiilka ku qasabtay inuu dhibsado ama karaahaysto hooyadiisa.


Maalin maalimaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday in hooyadii oo shaqadeeda soo dhamaysatay oo rabtay inay wiilkeeda soo fiiriso xaalkiisa bacdamaa ay aad ugu xiistay wiilkeeda ayay waxay ugu timid fasalkiisa, balse wiilka waxay ku noqotay xaalad uusan filanaynin, aadna wuu ugu xanaaqay hooyadiisa. Markii la gaaray maalintii xigtay ayaa ardaydii waxay jees jees ku yiraahdeen wiilkii iyagoo ku dhahaayo “hooyadaa isha ayay la’ayd iyo waliba hadalo kalle oo jees jees ah”.

Wakhtigaan wiilka wuxuu ahaa arday dhigto dugsiga dhexe. Maalintii xigtay ayuu wiilkii yaraa qolka ugu galay hooyadiisa si uu ugu sheego waxyaabaha uu tabanaayo oo culeys ah. Qisadaan ayaa waxaa si rasmi ah ugu sheekeeyay wiilkaan yar hadaladda uu ku hadlay waxaa ka mid ahaa “hooyadey aad ayay ii jecleyd wakhti kasto waxay xiisayni jirtay inay aragto muuqaalkeyga iyo sidda aan u muuqdo maalinkaas balse aniga waxan ahaa qof aad u dhibsada inay timaado meesha aan taaganahay, anigoo ka cararaayo inay igu ceebeyso dadka kalele”

Wiilka markuu go’aan ku gaaray inuu u sheego hooyadiisa waxa uu tabanaayo ayuu qolka ugu soo galay hooyadiisa kuna yiri “”Maxaad ii ceebeysataa, waxaan ku sigtay inaan nafta iska jaro markaad madarasada timid ee aad fasalkayga iigu soo gashay, waan karhay araggaaga oo aan dhibsaday, waana inaan kaa tago oo aan meel fog kaa aado si aanan u fadeexoobin” sidda wiilka uu sheegay wuxuu yiri “Waxaan hooyo kula hadlay erayo cul culus oo aanan ogayn saamayntooda intay qalbigeeda ku reebi karaan. Ma garanaynin hooyo waxyaabo badan oo ay dareensan tahay, waayo waxaan ahaa qof hilmaansho kaga sugan waaqica dhabta ah.

Xataa ma ahayn wiil fikira oo xaqiiqda raadiya. Waxaan isu arkayay nasiib laawe maadama ay haweeney il la’ i dhashay. Erayadaas kul kulul oo idil inta aan kula hadlayay hooyo waxay fiirinaysay hoos, wax hadal ahna iima aysan celinin” asigoo wali hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Waxyar kama soo wareegin inaan nasiib u yeesho jeer aan helay safar ubaxaya magaalo kalle oo aan raacay, si aan uga weji qarsada habarta isha la’.

Ma ogayn inaan ahay indha kuushii indhaheeda oo ay aniga i fiirsanaysa, mana dareensanayn arrinkaas. Waayo waxaan ahaa wiil yar oo fud fudud, waxna aanan fahmi karin.

Diinteenna suubban aqoon sidaas ah uma lahayn, mana garanaynin wax la yiraahda ixtiraam waalid iyo xuquuqdooda. Dhibta iigu weynse waxay ahayd inay i dhashay haweeney il la’ oo ay inamada facayga ah igu caayaan. Muddo kadib waan guursaday oo aan noqday nin leh guri gaar ah oo goonni udegen. Waxaan noqday aabbe oo aan yeeshay carruur, waxaanna galay nolal cusub iyo farxad. Waxaan u baxay farxad aanan horey u heli jirin, waanna ilaaway hooyo oo aan ka nastay.

Maalin maalmaha kamid ah ayay hooyo timid gurigeyga si ay iisoo booqata bacdamaa aanay muddo sanado ah i arkin. Waxay iiqabtay hamuun iyo xiiso gaar ah, waxayna dartay usoo jartay masaafa aad u dheer. Tilmaan iyo dhib dheer kadib waxay timid albaabkii gurigeyga oo ay soo garaacday. Markii aan ka furay carruurtaydii ayaa waxay billaabeen inay kuqoslaan oo isheedu ay farta ku ishaaraan. Aad baan u xanaaqay dhulka ayaana ila wareegtay, anigoo aan cara degin baan inta dib u laabtay haddana aan soo laabtay markale, markaasaan erayadan kulul kala dul dhacay anigoo leh ”Maxaad iigu timid adigoonan isoo ogeysiinin?

Maxaad carruurta iiga cabsiinaysaa iyo aad rucbiga ugu rideysaa? Katag halkan inta aan kuujeedo”. Hadal dabacsan oo aad u hooseeyo ayay igu tiri:- Ii cududaar, waayo waan qaldamay in badan, waayo waxaa dhacday jid qaldan inaan soo qaaday oo aan ku hungoobay, wayna iska baxday.

Maalintaas wixii ka dambeeyey ma aanan arag hooyaday, warkeeduna ma helin jeer markii dambe fariin ay iiga timid asxaabtii aan isku dugsiga ahayn, kuwaasoo ii fidiyey casuumaad heer sara ah bacdamaa aanan sanado badan is arkin. Xaaskayga waxaan usheegay inaan safar gaaban u baxaya oo aan soo laaban doono si dhaqsiya badan, wayna i yeeshay oo ay I sagootisay. Markii aan tegey magaalladii kale ee ay saaxiibaday iyo hooyoba deganaayeen, waxaa isoo dhaweeyey asxaabtaydii oo isharfay oo i sooray.

Intaas kadib ayaa mid dhalinyartaasi kamid ahaa wuxuu iisheegay in hooyaday ay dhimatay isla isbuucan gudahiisa. Haba yaraatee wax ilin ah uma qubin geeridii ku timid hooyaday, mana u murugoonin, waxaaban dareemay farxad iyo rayn rayn, balse wuxuu saaxiibkey igu war geliyey inuu ii haya dhambaal ay hooyadii iigu talo gashay oo ay ku tiri ”Sii wiilkeyga markii uu yimaado magaalladan ama aad aragto”.

Waxay dhambaalkaasi qortay ka hor maalmo yar inta aanay dhiman. Wuxuu durba ii keenay saaxiibkey dhambaalkii, oo anna si degey ayaan dhambaalkii u furay, wuxuu u qornaa sidatan. ”Wiilkeygii qaaliga ahayoow!! hooyo muddo warkaagu ma aanan helin mana doondoonin, waa aan ka xumahay hooyow inaan gurigaaga imid oo aan carruurta kaa argagax geliyey, waxaan kaa codsanayaa inaad iska kay saamaxdo waxaana kuu rajaynayaa farxad waarta.

Aad baan u farxay markii aan maqlay in aad imanaysa magaalladan, balse sariirta ayaan kasoo dul kici waayay, waana kudhici waayay inaan wejigaada hor istaaga. 

Waxaan wiilkeygow kaaga warramayaa ilma nimadaadi markii ilma yar adigoo la cayaaraysid isha lagaa dhaawacay dabeetana ay kusoo dhacday, markaasoon isheyda midig kuu siibay. Sidaa oo ay tahay waan farxay oo aan aad ugu qancay waayo waxaan noqday wixii ay hooyo ahayd. Waxaa i farxad gelin jirtay mar waliba wiilkeyga quruxda badan ee la wada haweysto inuu isheydii qiimaha badnayd ku xaragooda. Inkastoo iley la ii arkayay haddana waan ku faraxsanaa arrintaas, waana ku faani jiray, waayo waxaan ahaa hooyo wax dhashay. Sidaa oo ay tahay waan ku jeclahay hooyo, kuwaar farxad. …………

Waxaan aqristaha sharafta leh weydiinayaa bal maxay kulla tahay qiimaha hooyo ay leedahay iyo diinteena sidda wanaagsan ay ugu hadlayso qiimaha hooyo? Door intee la’eg ayay ciyaartay hooyadaan sheekadaan ku xusan? Maxaa cashir ah oo aad ka baratay sheekadaan?  Hooyo waa lama huraan Illaahay hanaga dhigo kuwii waalidkooda baari u noqda.

Aamiin Yaa Rabbi!

Fikirkaada Waa Muhiim