Markii ciidamadu la wareegeen talada dalka 1969kii waxaa isbeddel ku dhacay nidaamkii tacliinta ee dalka maadaama mabaadi’ cusub oo dalku ku dhaqmayo lagu dhawaaqay. Xilligaan tallaabta uu kacaanku u qaaday dhanka tacliinta waxaan u kala qaadaynaa mid uu ku ammaanaa meelaha qaarkood halka lagu dhaliilayo meelaha qaar.

waxbarasho-620x338Waxaa jirta  ammaan badan oo lagu xusi karo xiligii kacaanka sida baahinta tirada dugsiyada gobollada iyo degmooyinka dalka, marxaladdaan waxaa dalka oo dhan la gaarsiiyey dugsiyada si mar qura gobollada iyo degmooyinka oo idili isula jaan qaadaan oo tacliin mideysan loo helo.

Qoridda afka Soomaaliga, qoridda afka Soomaaligu wuxuu mideeyey Manhajka waxbarashada marxaladaha aasaasiga ee dalka oo dhan. Waxbarashada lacag la’aanta ah, Waxbarashada xilligaas jirtay oo ahayd mid lacag la’aan ah waxay suuragalisay inay waxbarashada u sinnaadaan qaybaha bulshada oo dhan hodan iyo saboolba.

Soomaaliyeynta Manhajka waxbarashada ee marxaladda aasaasiga ah manhajkii waxbarasho oo la soomaaliyeeyey wuxuu sahlay waxyaabo fara badan oo dahsoonaa iyo in la isu soo dhaweeyo kala duwanaanshihii luuqadaha waxbarashada, abuuridda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed(J.U.S). Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (J.U.S) waxay soo saartay aqoonyahanno badan oo  taqasusyo kala duwan heystay  isla mar ahaantaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax taray.

La dagaallanka Jahliga. Waxaa tusaale wanaagsan u ah Ololihii Horumarinta Reer Miyiga ee lagu ciribtirayey jahliga oo uu ugu horreeyo wax qoris iyo aqrin la’aanta, taasoo ciribteeda la mahdiyey.

hadaba dhanka dhaliisha ayaa waxaa ka mid ahaa in tacliinta oo ku soo koobatay gacanta Dawladda, Faafidda Laaluushk, Qaraabaysiga iyo Kooxaysiga oo nidaamka waxbarasho xilliyadii cimriga kacaanka ugu dambaysay ku batay.  Fasaadka akhlaaqeed oo ka muuqanayey hay’adaha waxbarashada. dhoofka aqoonyannadu dalka uga hayaameen. Daryeel la’aanta Macallinka Soomaaliyeed, dabbaqidda Nidaamka Waxbarasho ee Markiisamka. Soo saaridda qaraarkii shaqada qaranka ee labada sano taasoo dhalisay in ardaygii maskaxdiisa ka mayranto wixii uu soo bartay.

Waxbarashada Soomaaliya xiligii burburka ama waqti xaadirkan Sida ay u jirtay xilliyadii hore dhaliil iyo ammaan nidaamyadii waxbarasho ee xilligaan ka horreeyey ayuu nidaamka wax barasho ee hadda jira uu leehay dhanka san iyo dhan u baahan in la saxo.

Dhanka Ammaanta Hay’adaha gaarka loo leeyahay oo gacanta ku hayo waxbarashada dalka waxaa ka mid ah  tartan wanaagsan oo u dhaxeeya hay’adaha waxbarashada gacanta ku hayo si loo helo waxbarasho tayeysan. Kororka Jaamacadaha ahliga ee dalka, deeqaha waxbarashada dibadda ee ardayda Soomaaliyeed oo aad uga badan xilliyadii hore. Wacyiga diiniga ee ardayda maanta oo aad uga sarreeya kuwii hore.

Dhanka Dhaliisha ayaa waxaa lagu sifeeyn karaa  burburka baahsan ee soo gaaray hay’adihii waxbarashada sida wasaaraddii waxbarashada iyo tii tacliinta sare, maqnaanshaha kaalintii xukuumadda ee ku aaddanaa kormeerka hay’adaha waxbarashada, macallimiinta tababaran oo aad u yar, Kala duwanaanshaha dhinaca manaahijta dugsiyada shaqeeya waddaniyadda iyo aqoonta beey’ada Soomaaliyeed oo aad ugu yar ardayda maanta, hadaba si kastaa oo ay dhaliil u lahaato marxalada  bur burka ee waxbarashada Soomaaliya aynu u cuskan karnaa murtida oraneysa  Ceeyri Ceeymo ma diido.

Fikirkaada Waa Muhiim