Fadlan la soco qeybihii horre 1aad, 2aad, iyo 3aad

waxaa muhiim ah in aan sharaxaad ka bixiyo qaar kamida kalmadaha aan iticmaali doona inbadan sida “guul” oo kalle horta maxaad guul adigu u taqaanaa? Bal hadaan ku waydiiyo. Maxaanse anigu ulla jeedaa kalimada “guul?

Jawaabtaada hadda ma maqlaayo, laakiinse waxaan su’aasha hore wadiiyay kumanaan dad ah oo adiga kulamid ah, intooda badana waxay ku jawabeen ‘Guushu waa lacag, baabuur, wacan, maal badan, kaqalinjabinta jaamacad magacleh, guursiga gabar ama will qurxoon, yeelasho magac wayn’ iyo waxyaallo kalle oo dhamaantood ku ag wareegaya in qofku uu hello maal iyo magac. Marka sidani masaxbaa? Dadkani ma runbaysheegeen? Adiguse malaqabtaa intaas?

Waxaan rabaa in aan kuu sheego in dadkani ay dhamaantood khal danyihiin guushuna ay tahay shay ka duwan waxaas dadku ay ku jawaabeen. Dadku wax aysan iswaydiidnin ayaa meesha kujira taas oo ah  horta maxaa dadka ku kalifay oo ku xabaaraya in ay doonaan waxyaalahan aynu kor kusooo xusanay sida lacagta, magaca iyo wixii lamid?

Maxaase keenaya in dadku ay waxyaalahaas guul u arkaan? Jawaabtu waxaa weeye, dadku waxay raadinayaan, maal iyo magac iyaga oo rajaynaya in hilaataanka waxyaalahaasi ay u keeni doonaan in qofku uu farxo!. Haa, waa sidaas dadku waxay doonayaan waa in ay farxaan oo kali. Wax kalle oo ay dadku doonayaan lama arko. Waxa subixii afarta hurdada looga toosayo ee shaqada loogu kalahayo, ee loo ganacsanayo, ee loo guursanayo, waa in la farxo oo kali ah!. Marka halkaas waxaa kaaga cadaaday, in waxa aad waligaaba baadigoobka ugu jirtid uu yahay in aad faraxdid. Maadaama aadan wali helin wax farxaad joogta ah ku galiya, wali waxaad wadaa baadi goobkaagii adiga oo hadba waxcusub iskudayaya.

Marka soo iguma raac sanid in guushu tahay farxada? Marka markii aan isticmaalo kalimada “guul”, waxa aan kahadlayo sidaas u fahan oo ogow in aanan lacag iyo waxyaalahaas kahadlaynin ee aan kahadlayo gusha dhabta ah. Marka hadii aan guushii sidaas usoo qeexnay, soo marabtid in aad agootid sidii aad ku gaadhi lahayd guushaas dhabta ah?

Hadaba waatanaaye dhagayso, Si aan arintan kuugu fududeeyo, waxaa muhiim ah in aan markasta oo aan wax kuusheego aan islamarkaasba kuu cadeeyo, micnihiisa dhabta ah iyo micnihiisa aan dhabta ahayn intaba si aynan u dhicin in aad fasiraad qalad ah raacdid. Si aan arintaad u gaadho waxaan maqaalkaga u qaybinayaa odhaahyo aadmarko ugu horeeya eed akhrido isdhihi kartid odhaahdani sax manoqon karto, laakiinse markii aan kuu sharaxo waxaa aan odhaahdaas ula jeedo ayaad sifiican u fahmi doontaaa insha’allah.

Hadaba wataanaa oraahdii ugu horaysay “sida ugu fudud ee guusha lagu gaadho waa  daadcadnimada” waxaan kuleeyahay oo aan kuu sheegayaan in miisaanka guushaadu ay ku qiimaysan tahay daacad’nimadaada, sidaas darteeda, guushu waa daadcadnimada. Dadka bini aadamka ah waxaa oogu farxad badan oo oogu dagan kooda ugu daacadsan.

Marka maadaama ay guushu tahay farxad ninkii daacad ah ayaa guulaystay. La’aanta daadcadnimadu, waa jiro qalbiga kudhacda, waana jiro mida ugu xun. saamayntiidu kuma koobna qalbiga iyo nafta ee waxay baabi’isaa jirka sida bakteeriyada iyo infakshinku ay ubaabiyaan oo kale. Daadcadnimo la’aantu waxay qofka ku keentaa in uu noqdo dhagar qabe had iyo jeer dadka iska ilaalinaya, oo aan cidna ku kalsoonayn, jirka dadka noocan ah ma nasto oo qofku wuxuu afar iyo labaatan saac kujiraa isdifaacid iyo isgiijin. Inta badan qofka aan daacada ahayn waxaa uu isku dayaa in uu iska dhigo qof uusan ahayn, isaga oo ka baqaya in la ceebeeyo ama magiciisa hoos loo dhigo. Wax kasta oo uu sameeyo waxa ay u habaysan yihiin qaab uu ugu talo galay in uu dadka kale isugu muujiyo in uu yahay qof xariif ah oo iyaga kasareeya ama lasiman.

Waxa uu u socdaa si ay ku jirto isqaadqaadid iyo kabad’badin, waxaa uu u hadlaa si ismuujin ah oo kibir lasocdo isga oo caaya amaba liida dadka kale si uu isagu isku saraysiiyo. Cabsidiisa ugu wayni waxay tahay in loosheego in uu khaldanyahay, hadii ay sidaasi dhacdana waxaa uu bilaabaa in uu xanaaqo, isaga oo muranka iyo isdifaacida siiwada kadib markii uu gartay in uu khaldanyahay. 

Qofka noocaan ah dhiiga ayaa had iyo jeerba kacsan, qalbigiisu ma nasto neerfayaashiisuna markasta way dikaamayaan. Markaas ayuu wuxuu u baahdaa in uu helo wax uu xanuunka iyo warreerka kaga nasto. wuxuu shitaa sigaar, ama wuxuu iska badiyaa kafeega, ama qaad uyuu doontaa, amaba daroogooyin kale. Halkaas waxaa ooga bilaabma talaabooyinka shaydaanka, isga oo ay badantahay in uu siiraaco ilaa uu ka halaagsamo.

Taasi waxaa weeye dhibaatada ay daacadnimo la’aantu u keeni karto dhinaca bulshada. Dhinaca kale, qofka aan daacada ahayn, waxaa uu markasta isku dayaa in uu raadiyo in uu khayaamo noloshiisa. Kasoo qaad in aad tahay arday wax baranaya maxaa kugu dhici kara hadii aadan daacad ahayn?

Marka ugu horaysa waxa dhacada hadii aadan daacad ahayn in aad doorato koorso ama boroogaraam khaldan. Sabata oo ah qafka aan daacada ahayn waxaa uu marwalba raacaa hawadiisa, oo waxaa uu dooranayo ma’ahan wax si caqliyaysan oo daacad ah loogasoo fakaray ee waa wax dadka loogu talogalay in lagu marin habaabiyo. Waxaa laga waabaa in aad jeceshahay in lagu yidhaahdo, injineerkii, dhakhtarkii, qoraaagii, wariyihii ama aqoonyahankii. Sidaas darteeda waxaa laga yaabaa in aad boroogaraamkaaga ku salayso hadba magicii aad doonaysid in dadku kuugu yeedhaan.

Fikirkaada Waa Muhiim