Dhibaatada Balaastiiga uu ku haayo Dunida ma ahan mid lagu soo koobi karo hal qormo laakiin waxaa isku dayeenaa in aan iftiimino ama aan wax ka bayaanino qaar ka mid. Balaastiiga dhibaatooyinka uu sababo waxaa ka mid ah: Deegaanka oo wasaqooba, dhirta oo qalasha, xayawaanka oo cuna dabadeetana ku dhintaan.


 

Deegaanka oo Allah subxaanuhu watacaalaa in uu aadamaha ku noolaado uguna diyaariyey wax allala iyo wixii ay ku noolaa lahaayeen sida : Cunada, Biyaha, Hawada i.w.m. Dadka laga rabo in ay ilaashadaan waa anaga oo ka illaashadaan wax walbo oo dhib ku keeni kara sida Balaastiiga oo qormadeena ku saabsantahay , wasaqda ku timaada.

Deegaanka waxaa qeyb weyn ka qaata Balaastiiga kaasoo sababa caafimaad darrada, waxaa arkaysaa in dunida si aad ah looga isticmaalo qaas ahaan wadankeena Soomaaliya oo aad arkeyso in xitaa Raashinka bisil oo hadana kulul lagu qaato taasoo sababi karta in ay cuntada iyo bacda oo balaastiig ah ay isku dhalaasho kadibna markii la cuno sababi karta cuduro badan sida Kansarka.

Dhirta oo ah nimcooyinka ugu weyn oo allah inoogu deeqay waa meesha aan ka helno qeybta ugu weyn eek u tiirsantahay nolosheena taasoo ah in dhirta aan ka helno cuntada, iyo miraha, waxaadna arkaysaa in mararka qaar balaastiiga (bacda) laanti ay qabsato ay qalasho.

Xayawaanka oo ka mid ah nimcooleyda aan aadka uga tiirsanahay misina aanan ka maarmin hadii ay ahaa laheyd hilibkooda ama caanahooda ayaa ka mid ah kuwa balaastiiga uu ku hayo dhibta ugu weyn maadaama ay tahay dhulka uu yahay saxankooda ay wax ka cunaan hadii uu balaastiiga iyo cowka waxa ay sababtaa in sanadkii kumanaan kun ay u dhintaan dhibaatada ay sababto balaastiiga darteed.

Allah subxaanahu watacaalaa waxuu quraankiisa ku leeyahay ((ما أصابكم من مصيبة فبما كسبت أيديكم oo micnaheedu yahay waxii idin asiibo oo musiiba ah waa wax aad gacmihiina ku kasbateen ), miyeesan aheyn in aan anaga hadii aanu nahay binii aadamka aan deegaankeena wasaqeenay oo aan keeni weynay wax fiican oo aan ku badalno waxa xun si aan u badbaadino nafsadeena iyo mida noolaha aan ku intifaacno, Ugu danbeentii waxaa nala gudboon in aan deegaanka ka ilaalinaa waxii ku keeni kara dhibaatada.

Sidoo kallana waa in aan xakameynaa isticmaalka balaastiiga oo aan isku daynaa wax kale oo booskoodi noo gali kara sidii danbiisha oo dhaqankeena aheyd laakiin sanadyadii danbe aa ka guurnay isticmaalkeeda iyo in aan isticmaalno waxa milmaayo markii la isticmaalo kadib oo deegaanka dhibaatada u keeneenin, sidaasi darteeda waa in aan dhamaanteena anagoo isku duuban aan u istaagnaa ilaalinta deegaanka si aan caafimaad iyo nolol wanaagsan ugu noolaano anaka iyo jiilasha naga danbeeyo.

Fikirkaada Waa Muhiim