Waa barnaamij aan inkuugu soo gudbini doona asigoo qoraal ah. Barnaamijkaan wuxuu ka koobnaani doonaa illaa 3 illaa afar qeybood, qeyb walbana waxay si toos u sharaxi doontaa guud ahaan waxa aan kaga jeedo sirta nolosha. Sirta noloshu waa hal-ku-dheg isticmaalkiisu ku badanyahay bulsho waynta ku hadasha afka Soomaaliga iyaga oo leh qofkaa hebel sirta nolosha ayuu fahmay oo ay dhici karto in ay ulla jeedaan ama ka wadaan mid ka mid ah macnayaashan,

  • Wixii dantiisa ah ayuu ku foofaa wax aan dani ugu jirinna kuma habsaamo, si fiican ayuu noloshiisa u maareeyaa haddii ay tahay nolol ahaan, aqoon ahaan, dad la dhaqan ahaan, dhaqaale ahaan iwm. 
  • Waxa uu leeyahay karti ama awood qarsoon (potential power) oo uu danihiisa ku fushado baahidiisana ku garto.
  • Waxa uu xariif ku yahay sidda wax la isu waydaarin karo dadkana wax looga dhamaysankaro (negative sense). 

Macnayaashan wey isku dhadhaw yihiin balse kan u danbeeyaa uu yahay mid dhinaca khaldan loogu macneeyay ereyga “sirta nolosha”, ayaa dadka intiisa badani u fahmaan in ay ka turjumaan eraygan “sirta nolosha”. Lama odhankaro dadku waa wada khaldanyihiin oo sadexda arimood ee horeba waa arimo loo baahanyahay in qof walba laga helo.

Waxa aan qoraalkan ama maqaalkan uga jeedaa bal in anigu waxa aan u fahan sanahay “sirta nolosha” aan la wadaago bulshada akhrisata maqaal kaygan iyo sidoo kalle in aan wacyi galin ahaan uga faa’iidaysto, waayo waxa aan jecelahay in bulshada aan kasoo jeedaa noqoto mid fahanta sirta nolosha oo aan gadaal ka tilmaamidoono! Waxa aan ku yar horayn lahaa tusaalayaal nolosheenna ka mid ah oo qof waliba arki karo ama dareemi karo in aan wax ka tilmaamo taas oo gogol xaadh u noqondoonta dulucda iyo ujeeddada aan ka leeyahay “sirta nolosha!”

Fikirkaada Waa Muhiim