Tallaabada ugu horreysa ee lagaa doonayo inaad ku faantid ayaa waxa ay tahay inaad tahay qof insaan ah oo ilaahay caqli ku galadaystay oo ku toosan wixii ilaahay faray, oo aad diiday inaad raacdo waddada sheydaanka iyo gacan yarayaashiisa, kana digtoon cadowga Islaamka kaasi oo caqligiisa ka tagay oo dhabarkiisa iska mariyey.

Midda xigta waxa ay tahay: Waa inaad sabab u noqotaa kor u qaadida kalsoonida naftaada ku qabtid, haddiise aad dareentid dulmi ama xaqirid oo kaaga imaanaya ehelkaaga ama qaraabadaada, ama asxaabtaada, ama cid kalaba xaaladdaada waxba kama beddelayso, ee ha u jilcin kuwa noocaasi oo kale oo usoo tafaxaytay burburinta naftaada iyo kalsoonidaada, hadaladoodana maaha inaad dheg u dhigtid ama sabab u noqdo duminta kalsoonida naftaaada ee waa inaad ka takhalustaa fekerka noocaas ah oo madhalayska ah kuna beddeshaa mid ka wanaagsan, isku day inaad bedeshid kelmadaha xun kuwaasi oo ku batay maqalka dhegahaaga, naftaadana waa inaad bartaa kelemado dhiirigelin leh oo markaasi siyaadinaya awoodaada nafsadaadana hagaajinaya raaxadeedana kor u qaadaya.

Naftaada waa inaad ku qanacsataanaa kuna qancisaa inaad tahay insaan karti iyo awood leh, waa inaad daaha ka qaadaa awoodahaaga aad leedahay, sabata oo ah waxaad leedahay kalsooni aad u sarreysa laga bilaabo maantana waa inaad dibadda soo dhigtaa.

Midda saddexaad: Waa qanaacadaada iyo aaminsanaantaada kaamilka ah kuwaasi oo ah inaad tahay insaan kalsooni sare leh, sababta oo ah marka aad ku dheggen tahay caqligaaga waxa uu sii dhalayaa oo uu jawaab ka bixinayaa ficiladaada, haddii aad caqligaaga ku koriso afkaaro silbi ah   waxaad noqonaysaa qof silbi ah oo mayada marwalba hortaalo, haddii caqligaaga ku korisid afkaaro wax ku ool ah waxaad hubaal noqonaysaa qof wax tar leh, mustaqbal ifayana leh awoodna u leh dhisidda shakhsiyad sare leh oo dadka kalana kugu faanaya.

Naftaada waa inaad jeclaataa oo aad ka fogaataa inaad karaahsato ama inaad hoos u dhigto, ha ku fekerin waxyaabihiin guracnaa ee hore kuu soo maray ama inaad dib u soo celiso waayo wixii tagay waa tagay, “wax tagayna tiigsimaad malaha,” marnaba ha isku dayin inaad dib u soo celiso waxwalba oo guracnaa ee ku soo maraya oo ka mayro wixii ku soo maray. Isku day inaad farxad geliso naftaada oo wanaag ku kobci nafsadaada, waayo waxaa tahay insaan naajax ah oo hal door iyo karti dheeraad oo khaasi ah leh.

Waa inaad saamaxdaa qofkii kugu khaldama, ama si xun wax kaaga sheegay hadda ama hore, ha noqon qof xanaaq dhow ama sahlada umuuraha, u dulqaado qofka ku dhalleeceeya, qofkasta oo ku dhalleeceeya maaha qof ku neceb, haddii sidan u fekertid waxay kuu horseedaysaa dareen naaqis ah, hana u qaadan qofkasta oo ku dhaleeceeya inuu yahay cadowgaaga, hana u dareemin wax walba ay dhahayaan dadka in uu dhib yahay, sidaa maaha ee marka hore haka yeelin arrintan inay ku saameyso ee aqbal una mahadceli dhanka ay dhalleeceyntu ka soo gocotay islamarkaana fahamsii inuu khaldan yahay, hana ka yeelan hadalada dadka kale inuu si silbi ah kuu saameeyo waayo afkaaraha iyo rayiga dadku waa ay ka duwanaadaan, haddii aadan arkin qof cajabiya qaab dhaqankaaga waxaa jira kuwa cajabiya, haddii aad ku fashilintid howshan waxaad ogaataa inaad mid kale ku najaxaysid, hadalka dadka maaha waxyi la aamino ama la rumeeyo ee ka yeelo wax caadi ah, wixii ku cajabiyo qaado wixii aan ku cabina wixii wax tar leh ka qaado inta kalana hawada raaci.

Sidaan soo sheegnay naftaada marnaba cidna ha barbardhigin oo ka digtoonow middan sababta oo  ah waxay dumaynaysaa wixii la dhisay oo dhan, ha oran aniga ma lihi hebel waxa uu Alle uu siiyey oo kale ee waxaad xusuusnaataa inuu qof waliba uu leeyahay wax uu kaga duwan yahay qofka kale, mana jiro insaan kaamil ah ee waa inaad ogaataa in waxa uu alle uu ku siiyey uu misana uusan siinin dadka kale, waa inaad u noolaataa sida insaan kariim ah oo xaalkiisa la mid yahay malaayiin bashar qof waliba boos ayuu leeyahay adigana booskaaga ayaad leedahay, oo ka fogow inaad aamintid inaadan koonkan waxba ka ahayn ee waxaa tahay makhluuq ilaahay karaameeyey oo ka fadilay in badan oo khalqigiisa ah.

La Soco Qeybta 4aad uguna dameysa.

Sidee Lagu Xoojin Karaa Kalsoonida Nafta Qeybta 4aad ITukesomalism.com

Fikirkaada Waa Muhiim