Cunista maandooriyaha qaadka ayaa si ba’an ugu sii faafeysa dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ugu badan ee qaadka isticmaala ay u badanyihiin da’da dhallinyarada, in badan oo dadkaasi ka mid ah waxa uu qaadku gaarsiiyaa inay mar walba joogteeyaan oo ay qabatimaan, inta badanna ragga ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa ugu badan ee isticmaala, waxaase jira dumar aan tiro badneyn oo iyana maandooriyahaasi isticmaala. Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada midoobey ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in 70% dadka isticaamla maandooriyaha qaadka inay yihiin dadka dhallinyarada ah ee ka hooseeya da’da Sodomeeyada.

Inta badan dhallinyarada qaadka isticmaasha waxay isugu yimaadaan goobo marfeshyo ah oo ay ku khiyalaan, iyagoo marka ay ruugayaan qaadka isticmaala cabitaanno kulul iyo shaaha, waxaana afar saacadood illaa todobo saacadood oo waqtigooda ka mid ah ku dhumiyaan cunista maandooriyahani halista ah.

Qaadka Soomaaliya laga isticmaalo waxaa laga keenaa dalalka Keenya iyo Itoobiya, inkastoo aan tirakoob rasmi ah laga heyn dhaqaalaha Soomaalida uga baxa qaadka, ayaa haddana daraasad ay sameysay Xarunta Ganacsiga iyo deegaanka Mareykanka Sanadkii 1993 waxay ku sheegtay in Hal Milyan oo doollar Sanadkii Soomaalida ay ku kharash gareeyaan qaadka uga yimaada dalka Keenya.

Tv-ga K24 ee laga leeyahay dalka Keenya ayaa barnaamij gaar ah oo bartamihii sanadkii 2011 uu ka sameeyay qaadka Soomaaliya loo soo daabulo wuxuu ku sheegay in maalin walba dowladda Keenya ay qaadka ka macaashto dhaqaale ka badan 11 Bilyan oo lacagta Keenya ah oo u dhiganta ku dhawaad 130 Milyan oo doollar. Waxaana jirta in maalin walba dowladda Keenya ay labaatan tan oo qaad ah u dhoofiso Soomaaliya, halka tobon tan oo kalena ay u dhoofiso dalka Ingiriiska oo ay ku noolyihiin Soomaali badan oo isticaamaasha maandooriyaha Qaadka.

Saadaq Cabdi Cadaawe oo ah dhaqaalo yahaan Soomaaliyeed ahna maamulaha guud ee isbitalka Bahnano (Bahnano Hospital) ayaan weydiiyay anigoo la sheekeysanayo qarashka ku baxo qaadka. Wuxuuna ii sheegay in kharashka dhaqaale ee Soomaaliya uga baxa qaadka sida maalinlaha ah loogu soo duubay uu sanadkii ku dhowyahay 200 oo Malyuun oo doollar, iyadoona ku dhawaad kala bar lacagtaas ka mid ahna ay ku baxdo qaadka laga isticmaalo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Saadaq in arrintaasi ay saameyn ballaaran ku yeelaneyso dhaqaalaha dalka oo markii horeba gebi dhacleynayay, isagoona tilmaamay in haddii dhaqaalahaasi loo weecin lahaa mashaariicyo oo kale oo hormineed ay shaqooyin u abuuri laheyd boqollaal Soomaali ah.

Qaadka waxa uu halis badan ku hayaa ammaanka, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka qaadka cuna ay yihiin kuwo hubeysan, taas oo ku kallifeysa inay sameeyaan tallaabooyin ay amaanka ku carqaladeynayaan si ay u helaan dhaqaalaha yoomiga ah ee ku baxa qaadka oo qiyaastii dhan $20. Dhinaca kale qaadku waxa uu sababaa inay qoysas badan bur buraan, kadib marka ay luqanta isku galaan ragga maandooriyahaas isticmaala iyo haweenka ay qabaan, waxaana mukhayiliinta lagu eedeeyaa inaysan biil ama masruuf ku filan siin qoysaskooda. Si kasta oo ay ahaataba mujaahidiinta Soomaaliya ayaa gobollada ay ka taliyaan waxay kala dagaallameen maandooriyaasha noocyadooda kala duwan gaar ahaan qaadka, iyadoo natiijo wanaagsanna ay kasoo hooyatay tallaabta ay ku dhaqaaqeen. Waxaa muhiim ah inay fahmaan dhalintaan muhiimada ay leedahay inay dhowraan wakhtigooda qaaliga ah oo ay maanta haystaan, wakhtigaas oo aan barito soo noqoneynin marnaba. Haddii ay gartaan inuu yahay muhiim wakhtiga, waxaan hubaa inay noqonayaan kuwa ka qeyb qaatta hormarka iyo kor uqaadista wadankooda, sidda aan in badanba aan aan ka tilmaamay oo aan hadana ka tilmaami doona faa’idada ay leeyihiin dhalinta meel walbo ay joogaan dunidaan.

Waxaana hubaal cad loo hayaa in diinta teena inna farayso in wakhtiga muhiim yahay, dadkana waxay u kalla hormar badan yihiin sidda ay wakhtigooda u kalla hormariyaan. “waxaa muhiimsan inaan isweydiino side lagu ciribtiri karaa cunista qaadkaan baahsaday wadankeena, qaasatan dhalinyarada?”

Sidda aan ka wada warqabno, cunista qaadka wuxuu saameeyay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed. Dalalka deriska ah iyagana wey naga iibiyaan sidda xoolaha cowska u cuno oo kalle ayaa la korfadhiyaa habeen iyo maalinba. Maxay ugu duwanyihiin Soomaalida dalalka deriska oo iyaga ka iibiya qaadka? Waxaan soo qaadanayaa qodobo yar-yar oo aan isleeyahay waa lagu joojini karaa cunista qaadka:

  1. Qodobkaani ugu horeeyo ayaa ah inay isgartaan dadka cuna qaadka naftooda qasaaradda ay ku suganyihiin. Dalalka deriska iyaga ma cunaan qaadka mise? Haa wey cunaan balse sidda Soomaalida camal umma cunaan. Waxaana ka soo galo dhaqaalo xoogan sidda aan ku soo xusay qoraalka kor. Dhab ahaantii cidwalbo wey ka faa’ideysatay bur-burkii Soomaaliya balse wali waxaad moodaa inaysan wali samrin muwaadiniintii Soomaaliyeed oo dalkooda wali u taagan inay kor u qaadaan oo ay caalamka la tartami karaan. Anaga qaadka dhulkeena kama baxo, balse waxaa wanaagsan in dhalinta Soomaaliyeed dib u fakiraan oo ay isweydiiyaan cidda faa’idada ku qabto cunista qaadka. Cunista qaadka waxaa faa’ido ku qabo dadkale oo marwalbo jecel ka shaqeynta ama bur-burka wadankaada adigana ogaaw inaad tahay ubaxii wadanka sugaayay. Kawaran haddii aad meel qaad iyo sigaar la fadhiisato waqtigaada meeshaas ku lumo maxay tahay faa’idada kugu jirto. Dhabtii wax faa’ido kuguma jirto ee adiga naftaada ha baabi’inin.
  1. Qodobka kalle oo qaadka lagu joogini karo waa in la helo dowlad awood leh oo joojini karto cunis qaadka, in canshuurta lagu badiyo dadka keenaayo qaadka mise gabi ahaanba la mamnuca cunis qaadka qofkii asigoo gadaayo la arko la xero oo sharci rasmi ah loo dejiyo. Sidda wadamadda qaar Sacuudi Carabiya oo kalle waa mamnuuc in qaad lagu iibiyo. Sharciyada noocaan oo kalle ayaa ah mid dadka iibiya qaadka inay ku bedeshan inay iibiyaan waxyaallo kalle. Kii cunaayayna hadduu waayo meeshii qaadka laga iibsanayay wuxu ku qasbanyahay inuu iska dhaafo. Haddii aan tusaalooyinkaani ku sii dheeraado waxaa ka mid ah in wasiirka arimaha gudaha iyo hurumarinta Dowlada Itoobiya ayaa wuxuu mar warbaahinta ka sheegay in loo baahan yahay in laga hortago dhibaatada qaadka wadanka gudihiisa, gadistiisana laga xakameeyo dhalinyarada wixii 18 jir ka yar iyo sidoo kalle in canshuur xad dhaaf ah lagu soo rogo dadka wadanka gudihiisa qaadka ku gada. wuxuu kaloo sheegay in loobaahan in Kor loo qaado qaadka wadanka dibadiisa loodhoofiyo kaasoo wadanka soogaliya lacag laguqiyaasay $280 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Hadaba waa su,aale waayo wadamada dalka dibadiisa ah oo uu wasiirku kahadlayo oo qaadka Itoobiya loo dhoofiyo? Waxaan shaki kujirin inay Soomaaliya kamid tahay wadamada qaadka Itoobiya loo dhoofiyo oo wasiirku kudhawaaqay in la kordhiyo, hadaba waa maxay dowga u furan dowlada Soomaaliya, si ay uga hortagto dhibaatadaan faraha badan oo uu qaadku ku haayo Soomaaliya, caafimaad ahaan, dhaqaalo dumis ahaan, iyo dhalinyaradii usoo kici lahayd mustaqbalka Soomaaliya oo la oran karo qaadku midiyuu u afaysanayaa, si loo xakameeyo lacagta adag oo qaadka ku baxaysa, ma haboontahay qaadka inta xalkale loo helayo in lasameeyo ( Regulation ) ama xakamayn dowlada una tixgaliso qodabadaan hoos ku qoran.
  2. In si loo yareeyo lacagta adag oo wadanka kabaxaysa lana lasameeyo waxa layiraahdo (Business Exchange) oo dalka Itoobiya loodhoofiyo kaluun, Cusbo, Hargo, Beeyo IWM.
  3. Wasaaradda waxbarashadu inay iskuulaadka hoose dhexe iyo Sareba laga bilaabo wax layirahdo ( Drug Awareness ) Si looga digo Jiilka Sookoraya khatarta qaadku leeyahay.In hooyooyinka qaadka gada lagu dhiiro galiyo inay furtaan kabaro yar-yar oo gada qudaarta iyo sharaabka ,IWM.
  4. Hay’adda Daryeelka Soomaaliya ay u sameeyso barnaamijyo lagu taageerayo dhaqaalle ahaan, hooyooyinkaas si ay u helaan masaariiftooda, hay’adda daryeelka waa inay ugu yaraan garab istaagto hooyadii iska daysa iibinta Qaadka, taageertana mudo lix bilood ah inta ay isku filnaansho ka gaarayso, barnaamijkaas oo lagu bilaabi karo 100 hooyo sanadkii.

Qofwalbo oo muwaadin Soomaaliyeed wadanka wuxuu ku leeyahay xaq, diintaada waxay kugu leedahay xaq, dadkaada waxay kugu leeyihiin xaq, qoyskaad iyo qaraabadaada waxay kugu leeyihiin xaq. Dhammaan siddii aad masuul ugu noqoni laheed waa inaad gabaha si fiican u gashataa. Ogaaw cunista qaadka waxbo kuguma soo kordhinayso ee waxaad soo kordhinaysaa culeys ku yimid qoyskaada iyo dhammaan bulsha weyntii aad ka dhalatay. Ogaaw waqtigaada waa kuu qaali hana ku ciyaarin.

Fikirkaada Waa Muhiim