Inta badan dadkeena Soomaalida ahi waa dad aad u firfircoon qaas ahaan dhanka Ganacsiga oo horumaro badan ka sameeye gudaha dalka iyo dibadiisa, Soomaalida waa dad shaqeysta oo jecel in ay ka gaaraan horumar dhanka ganacsiga ah, laakiin ganacsiga markii la bilaabayo waxa uu kaaga baahanyahay in aad u fiirsato waxa aad dooneyso in aad ka ganacsato tusaale in aad gasho suuqa oo aad soo ogaato waxa ay dadweynaha u baahanyihiin hadii ay ahaa laheyd khidmad ama badeeco kadib aad si dagan uga fiirsataa goobta ku haboon in aad ka hir galisid Ganacsigaada cusub.

Laakiin badanaa Soomaalida waa ay ku fashilmaan markii ay ganacsiga bilaabaan oo waxaad arkeysaa in sanadkii uu qofku isku dayo ilaa dhowr isku day oo uu ku abuuranaayo Ganacsi fashilkaasna waxa keena waa ganacsigii oo aadan si qoto dheer loo qorsheyn loona fiirsan waxa haboon in aad ka ganacsato.

Sidaa la wada socono Soomaalida waa dad aad u maseer badan oo maseerkoodu galay Ganacsiga taasi markaan leeyahay waxaan uga go leeyahay in hadii ay arkaan qof macaash ama faaiido ka sameeye badeecad ama adeeg uu bulshada u qabtay waxaad arkeysaa in lagaga daba daysanaayo oo la isla dhex maraayo ninkii hebel ahaa Ganacsi aan caadi ahayn ayaa u kala socda oo baabuur ayuu soo dajiyaa tusaale ama dukaan ayuu ka sameestay xaafad hebel, markaas ayaad arkeysaa in ganacsigii laga bada galayo oo dukaankii yaraa oo xaafada cusbeed uu ka furtay laga daba furayaa dhowr iyo toban dukaan halkaasina waxaa ku qasaaraya dhamaan intii dooneysay in ay wada faa’iidaan.

Ma dhahayno waa xaasidnimo ee waxaa u geysay aqoon darro oo ma ku xisaabtamin waxii gadaal ka imaa kara hadii kuli hal meel la wada galsho hantida.

Aniga oo ah qoraaga maqaalkaan waa ay i qabsatay oo waxaan u soo arkay baraatikaal kadib markii aan 2sano gudahood aan abuuray in ka badan 5 ganacsi kuligoodna aan dhihi karo maku faa’iidin laakiinse waxa ay ii noqotay cashar lama iloobaan ah oo waxa aan ka bartay ayaa ah in ganacsiga uu u baahanyahay ka fiirsi iyo muddo dheer in aad ka fakartid waxa aad rabto in aad sameeyso sidoo kalana aad kala tashato dad khibrad u leh Ganacsiga si aad ugu guuleysato horumarna aad uga sameyso Ganacsigaas.

Ma oranayo waxa ay ahaayeen ganacsiyadaas aan sameeyey wada koobi oo dad aan ka maseeray laakiin waxa ugu weyn oo i qabsaday ayaa ahayd dag dagta, soomaalida ayaa ku maah-maahda ( dagdagsiimo door ma dhasho).

waxaa haboon in ay dadka doonaya in ay sameeyaan Ganacsi in ay ka fakaraan waxa imaa kara ganacsigaas faa’iido ama qasaaro goobta ay ka furayaan iyo in ay la imaadaan fikir ganacsi oo anfaca naftooda iyo mida mujtamaca. 

Fikirkaada Waa Muhiim