Caafimaadku waa sheyga ugu qaalisan ee aynu haysano, nimcadiisana waxa garan uun qof uu xanuun ku ciirsadey, in la ilaashado waa lafdhabarta nolosha haddaba waxa jira cuntooyin aan la isticmaalin wakhtiyada qaar sababo caafimaad awgood.

Wakhtiga habeenkii sideedaba waa laga digtoonaada in la cuno cunooyinka culus ee dheefshiidka wax yeelaynayaa, waxaana la yidhaahda waa in wakhti hore la cuno cuntada, ugu yaraan waa iney laba saac ka horeysaa wakhtiga aad seexaneysid.

Haddaba qormadan waxeynu kusoo qaadaneynaa cuntooyin ay tahey in laga dheeraado habeenkii, waxaana ka mid ah.

Cuntooyinka Kulul: cuntooyinka lagu badiyey filfisha, basbaasyada noocyadooda kala duwan iyo wax kastoo kuleyl ka dhigayaba waxey ku sababaan qofka laab-olol (laab-dilaac), habeenkoo dhan guba oo u saamixi waaya inuu si nafisa uga bogto hurdada.

indexiiii

Biisada (Pizza): calooshu waxey u baahantahey iney nafisto oo ay nasato wakhtiga aad hurudo, cuntooyinka ay biisadu ka midka taheyna waxey ku keenaan iney shaqo badan qabato, taasi oo keeni karta cilad ku timaada wakhtiyada danbe.

 pizza

Istrawberiga iyo tuutka: midhaha yar yar ee ku jira ayaa dhex fadhiista laalaabka midhicirada, kaasi oo cilado ku keena midhicarada, wallow ay fiican yihiin khudradahani waxay hawlwadeenada caafimaadku ku taliyaan in maalintii la cuno.

strawberry11

Macmacaanka: ka dheeraw cunista macmacaanka wakhtiyada habeenkii, waxey keeni kartaa suus ilkaha ku dhasha, sidoo kalena riyooyin xun xun (Nightmare), diraasad la sameeyay 10 kii qof ee macmacaanka habeenki cuna 7 ka mid ah waxey ku riyoodaan riyooyin argagax leh.

choco

Makaroonaha: waxa la sheega inuu makaroonuhu ka sameysan yahey maadooyin keena laab-olol, habdhiska dheefshiidkana aanu urooneyn.

macaroone

Fikirkaada Waa Muhiim