Fin doobka ama fin qooqa sida dadka qaar u yaqaanaan waxa ay ka soo bixi karaan sanka ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna keena barar markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.

Daraasado caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in malabka iyo qorfaha aay daaweeyaan xanuuno badan, waxaana ka mid ah xanuunada Wadnaha, Curuuqda dhiiga (Arthritis), Hargabka, Calool qushqushka, Xoojinta difaaca jirka, Daalka, Finanka wajiga iyo qaar kale oo badan.

Daawadan waxa laga sameeyaa isku jir ka kooban malabka iyo budo qorfe la ridqay. Isla markaana waxa la xaqiijiyey in aanay daawada malabka iyo qorfuhu lahayn wax dhibaato daawo ah. sababta oo ah waa wax dabiici ah oo aan kimiko ku jirin ama aan laga samaynin.

Haddaba waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa sida malabka iyo qorfaha loogu daaweeyo finanka wajiga waxaad u baahantahay malab, qorfe budo ah baaquli iyo malqacad amaba qaado.

Qaabka loo Isticmaalayo: Hal qaado oo qorfe budo ah ku shub baaquliga, ku dar 2 qaado oo malab ah, si wanaagsan iskugu qas, kadibna wajiga mari oo u daa mudo 15 daqiiqo ah kadibna biyo qandac ah iskaga dhaq maalin kasta ayaad isticmaali kartaa. Mar kale waxaad isku qasi kartaa 1 qaado oo huruud ah, 1 qaado oo malab ah iyo 2 qaado oo caano ah kadibna wajiga iyo qoorta si wanaagsan u mari adigoo isticmaalaya burush sababtoo ah haddii faraha isticmaashid ciddiyaha ayaa jaalle ku noqonaaya oo huruuda ayaa ku dhageysa, udaa mudo dhan 10 daqiiqo kadib iska mayr asbuuci 2 jeer ayaad isticmaali kartaa way ka baaba,ayaan finanka iyo nabraha wajigaada kasoo baxay waxaadna dareemaysa markaas nadiif iyo dhalal aaad u nuuraya.

Fikirkaada Waa Muhiim