Jaceylku waa rabitaan ku beerma qofka, waxaana qof kasta oo wax jecel lagu gartaa astaamo gaar ah oo inta badan soo ifbaxa xilli dambe oo jacaylku daaro ka dhisto qalbigiisa misana qalbigeeda. Hase yeeshee qofna ma jecla in sahal loo ogaado sirtiisa jaceyl oo wuxuu daneeyaa inay isaga oo kaliya ku koobnaato. Haddaba astaamaha lagu garto qofka wax jacel aad ayay u fara badan yihiin, laakiin waxaan is ku xuseynaa inta aan is leeyahay way ugu muhimsan yihiin. Maxaa yeelay qofwalbo wuuka warqabaa qofka wax jacel nooca oo u dhaqmo misana muuqaalka hogaansan oo qofkaas sitto.


Ugu horeyn waxaa lagu gartaa in uu hiyi kaco marka lagu soo hadal qaado arrimo ku saabsan qofka dhigiisa ah ee uu jecel yahay, waxaana wajigiisa durba kasoo ifaya dareen farxadeed iyo muusoobid, wuxuuna xilli kasta sii jeclaystaa ka sheekeynta iyo falanqeynta arrimaha ku saabsan qofka uu jecel yahay, wuxuuna mar walba ku dadaalaa illaa waqti in ka sheekeyntiisa ama ka sheekeynteeda la sii wado si uu ugu raaxaysto hadal heynta lamaantiisa.

Haddii wax xumaan ah laga sheego markiiba wuu xanaaqayaa oo ka damqadaa, wuxuuna bilaabaa amaba isku dayaa in uu difaaco ama uu u ceeb asturo, haddii uu awoodi waayana goobta ayuu isaga tagaa.

Astaamaha kale oo lagu garto qofka wax jecel waxaa kamid ah xiiso gaar ah oo uu mar walba u haayo la kulanka qofka uu jecelyahay, laakiin layaabka jaceylka lagu arkay ayaa waxa uu yahay qofkii aad jeclayd ee aad ku haminaysay la kulankiisa ama la kulankeeda ayaa qacda horre marka aad aragto aad ka naxaysaa muuqaalkiisa oo waxaad dareemaysaa xanfaf kaa asiiba bu`da hoose ee caloosha. Mararka qaar waxaad illoobaysaa qorshe badan oo aad rabtay in aad uga faalooto ama aad kala tashato oo waxaa dhacaysa inaad sheeko caadi ah oo jaceylku kaasoo tufaayo aad kula haasawdo oo aadan qorshe muhim ah kalla munaaqishoon. Shaqsiga wax jacel waxa uu mar walba tixgelin iyo karaameyn gaar ah siyaa qofka uu jecelyahay mana ogolaanayo in saxar qalad ah ama dhibaato yar soo gaarto, haddii isaga uu dhibaateysan yahay tiisa uma muuqato ee qofka uu jecelyahay midda heysata ayaa u muuqata oo la weynaata tan isaga heysatana umaba jeedo.

Qofka wax jecel wuxuu u dhego nuglaadaa qofka uu jecelyahay, una dabacsanaadaa, deeqsi ayuu u noqdaa, wuuna u naxariistaa, mar walba isagoo isku dayaya in uu qanciyo jaceylkiisa.

Jaceelka asal ahaantiisa wuxuu ku qurux badan yahay inuu yahay mid gurigaada galo. Jaceelka inka dhaxeeyo adiga iyo xaaskaada. Dhabta ayaa ah Soomaalida wey ku yartahay jaceelka guriga, waxaana wanaagsan adiga iyo xaaskaada inaad ku wada noolaataan jaceel iyo farxad joogto ah. Jaceelka runta ah waa midka gurigaada galay, jaceel adiga iyo caruurtaada iy xaaskaada. Kuna dadaal siddii aad ugu guulaysani laheed jaceelka gurigaada. Waa guusha dhabta ah.


Fikirkaada Waa Muhiim