Suukh-gaynta waa eray ballaaran oo loo isticmaallo in lagu tilmaamo habka xiriirka ka dhexeeya shirkadda iyo macaamilka. Suuq-gaynta waa qabsashada oo ka mid ah hawlaha iyo ganacsiga isticmaalka hay’adaha iyo ururada oo leh ujeedo si ay u abaari karaan isbedel waqti-gaaban ama saldhig joogto ah.

Waxaa jira qeexid badan oo ku saabsan suuq-gaynta. Macnaynta fiican ayaa la dhihi karaa “waa nooc macaamilka iyo qanacsanaanta ee baahida macaamiisha”

Waxaa kale oo la dhihi karaa Suuq-gaynta “waa hab bulshada ay shakhsiyaadka iyo ururrada ka helaan waxa ay u baahan yihiin oo ay doonayaan iyaga oo la abuuro iyo isweydaarsiga qiimaha dadka kale”

Kotler iyo Armstrong waxa ay ayaguna qeexidda asalka ah saareen ay leeyihiin suukhgaynta waa “in la aqoonsado muhiimadda ay leedahay xiriirka waqtiga dheerka ah ee macaamiisha, taana waxaa lagu gaarayaa Maamulida xariirka macaamiisha” (Customer relationship management) CRM.

Suukh-gaynta waa xirfado kalla duwan ee dhammaan ay ka qeyb qaataan noocyada kalla duwan ee ganacsi sidda:

  1. Ganacsi ka ganacsi GKG (Business to business) B2B iyo
  2. Ganacsi iyo macaamiisha GIM (Business to customers) B2C

Ganacsi-ka-ganacsi GKG ama (Business to business) B2B waa waxyaabaha ama adeegyada laga iibiyey ganacsi ama ururada kale. Waxyaabahani waxaa badanaa loo yaqaan alaabta warshadaha kaas oo ka mid noqon kara dun loogu isticmaalo soo saaridda dhar rakiban, sidda qalabka oo baaxad weyn, diyaaradaha, mashiinada wax soo saarka iyo sahayda qalliinka sida waraaqaha, qalimaanta, iwm doorar badan ayaa u baahan, aqoon farsamo ama sayniska ku takhasusay. Ganacsiga noocaan ee loo yaqaano ganacsi ka ganacsi GKG waa ganacsi inta badan ay isticmaallaan dawladaha iyo ururada waa weyn oo ay isku dhaafsadaan allaabaha waa weyn sidda qalabyada wax soo saarka leh iwm.

Adeegyada Suuq-gaynta noocaan ah waxay leedahay qaab mashtumac ah (tusaale ahaan amaahda, talo sharci, iyo wakhtiga firaaqada ah) iyo in ganacsiga (IT, latalin canshuurta, hubinta iyo xisaabaadka, qorista, bixinta tababarka).

Ganacsi iyo macaamiisha GIM (Business to Customers) B2C waa ganacsi soo iibsado allaabo, si allaabtaas ugu sii iibsato macaamiil kale sidda dadka deegaanka oo kale ama shaqsiyaadka. Ganacsigaan waa ganacsi ku salaysan in lahelo macaamiil ku filan si faa’idada laga rajeynaayo in laga helo oo ay u rumawdo. Waxaana ka mid ah iibsiga gawaarida, raashinka, cabitaanka waxyaabaha nadaafada sidda saabuunta, shaambada, waxyaabaha musqusha lagu dhaqo, warqadaha postada, mobeelada, labtop-yada, iyo waxwalbo oo ay bulshada isticmaasho maalin walbo oo ay ka mid tahay sidda maqaayadaha yar-yar iyo kuwa waa weynba.

waamaxay suukh gayntaSuuq-gaynta waxaad sameyni kartaa markii aad doonayso inaad kor u qaado in si fiican laguu aqoonsado. Tusaale ahaan haddii aad doonayso in aad hesho macaamiil kugu filan waxaad u baahantahay inaad sameyso suuq-gayn fiican, waxaadna ku samayni kartaa suuq-geyntaas sidda TV-yada, boorarka, emailada, idaacadaha, shabakadaha iyo ciyaaraha wareega ee lagu dheello degmooyinka.

TV-yada markii aad rabto inaad xayaysiin ku samaysato marka horre waxaa wanaagsan inaad isweydiiso TV-gee ugu wanaagsan haddii ay noqoto inaan xayaysiin sameysto? Inta badan waxaa wanagsan inaad doorato Tv-yada loogu daawashada badan yahay, waa inaad ogataa sawabta TV-gaas loogu daawasho badanyahay? Waxaa kale oo muhiim kuu ah adiga inaad taqaano macaamiilka aad rabto inuu kuu imaado waa noocee? Ma dhalinyarada miyaad diirasadda saaraysaa, dadka waaweyn, caruurta, haweenka?

Su’aalahaas waxay kaa caawinayaan inaad gaarto go’aan wax tar leh si aad u hesho macaamiil badan. Marwalbo ku dadaal siddii aad ku heli lahayd su’aalahaas jawaabtooda. Ogaaw haddii aad hesho su’aalahaas jawaabtooda waxaa kuu suurta gal kuu noqonayso inaad fahanto halka aad diiradda ku saari rabto ganacsigaada iyo qaabka aad doonayso inaad u hesho macaamiil badan. Marwalbo la soco in macaamiil fiican aysan ku imaanin si fudud.

Boorarka waa weyn, boorarka xayaysiinta xittaa wuxuu u baahanyahay inaad wax badan ka ogaato sawabta aad u dooratay inaad boor dhejiso iyo halka aad ku dhejinayso. Magaaladda aad ku nooshahay halka ugu badan ee ay joogaan macaamiilkaada ku dheji boorkaada.

Marwalbo oo aad ogtahay halka ay joogaan macaamilka aad u baahantahay waxaa kuu suurta gal ah inaad fahanto qaabka aad rabto iyo qurxinta boorkaada aad qeyb libaax ka qaadani karto.

Waxaa jira wax loo yaqaano “email marketing” waa qaab aad ku suuq-geynayso allaabtaada adigoo isticmaalaayo emailka. Waxaa kaloo jira waxaa macquul ah inaad haysato emailada macaamiishaada oo aad marwalbo ugu dirto emailkooda marwalbo oo ay kusoo garaan allaabo cusub. Arintaan waa muhiim inaad wax badan ka ogaato iyadana.

Arinta ku salaysan idaacadaha, markii aad doonayso inaad sameyso xayaysiinta inta badan waxaa wanaagsan idaacadaha waa haddii aad ku samaynayso gudaha Soomaaliya. Deegaanada sidda Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Kismanyo, Baydhabo waxaa kunool dad badan oo aad u dhagaysta idaacadaha. Xitaa degmooyinka meel walbo in laga dhagaysto ayaan aminsanahay. Xayaysiiska idaacadaha gudaha Soomaaliya waxay soo kordhini kartaa wax badan.

Haddii aad doonayso inaad ku xayaysiisato shabakadaha, marka horre waxaa wanaagsan inaad isweydiiso shabakadee (website) dad badan soo booqdaan maalin walbo. Maxay tahay faa’idada aad ku qabto haddii shabakadaas aad ku samaysato xayaysiis? Ma tahay meel ay joogaan macaamiilkeyga? Dhammaan su’aalahaas waxay kaa saacidi karaan go’aanka wanaagsan ee aad ka qaadani karto ku xayaysiinta shabakadaha.

Gudaha wadanka oo kale waxaa jiro ciyaaro wareeg ah oo la qabto. Ciyaarahaas waxaa lagu qabtaa degmo walbo oo ka tirsan gobolada dalka. Haddii aad sponsor ka noqoto waxa arkaayo ganacsigaada dad badan oo daawanaayo ciyaarta meesha ka socoto. Qaababkaas waa qaabab ay isticmalaan shirkadaha waa weyn ee dunidda. Maxaa yeelay kubada cagta ayaa ah ciyaaraha aadka loo xiiseeyo yar iyo weynba.

Gaba-gabadii suukh-gaynta waa shey u baahan in marwalbo si fiican loogu fiirsado markii aad ku dhaqaaqayso. Waxaa ku baxo qarash badan wakhtiyada la sameeyo xayaysiin. Inta aad qarashkaas oo dhan aadan gelin waxaa kuu wanaagsan marka horre inaad diirada saarto maxay tahay faa’idada kuugu jirto haddii aad intaas ku bixiso. Marwalbo ku xisaabtan faa’idada iyo jeebkaada waxa ku jiro. Aad ayay ugu wanaagsantahay xayaysiinta laga fiirsado midda aan laga fiirsanin. Marwalbo ka fiirso xayaysiinta aad sameyno. Nasiib wanaagsan!

Fikirkaada Waa Muhiim