Qofka dhinaca xun wax ka eegaa waa mid necbaysta dunida dhamaanteed. Wuxuu dunida ku arkaa indho shar badan, oo meel kaste fool xumo u muujinaya. Ubuxu waxa uu u noqdaa geed wada qodax ah, timirtu waxay isugu badashaa toon waxaanu ka dhadhansadaa qadhaadh,  waa mid wajigiisu xun yahay, mana jiro wax rajo oo uu qabaa, Waxaa intaas u dheer farxad la’aan waxaanu ku jiraa cabsi joogta ah.


“Fakhriga waxa uu u arkaa mid aan waligii laga dhamaanayn, gaajadana mid waaraysa, xanuunkana mid aan laga bogsan. Bugaagta dadkaasi akhristaan waxa ka buuxa kuna qoran  geeri, xanuun, fakhri, fashilaad, iyo bur-bur”


Maalinkii waxa uu dhintaa dhawr jeer wuu gaajoonayaa xataa isaga oo dharagsan waana faqiir isaga hanti haysta maxaayeelay shaydaanka ayuu raacay. Waxaanu ugu yeedhayaa fakhri iyo xumaan, waxaa se wanaagsan in uu xasuusto balanqaadka Alle (SW) ee ah inuu ducada aqballo taasi kaliya ayaa ka faydaysa xumaanta iyo xiqdiga ka buuxsamay qalbigiisa iyo culayska dunida ee uu garbaha iska saaray.

Akhriste noloshu waa kulba dhinaca aad wax ka arkaysid, waxkasta dunida dhinac xun iyo dhinac wanaagsanba way leeyihiin. Hantiilayaasha imisaa is daldalay oo nafta iska jaray, akhriste yeelo qanaacad aad ku qancaysid wuxu Ilaahay ku siiyey. Noloshu waa imtixaan lagugu imtixaamayo baahi iyo hantiba, akhriste haddii aad doonaysid inaad farxad iyo niyad wanaagsan ku seexatid bilow inaad wax kasta dhinaca wanaagsan ka fiirisid.

Fikirkaada Waa Muhiim