Is ixtiraamka iyo mahad celinta ayaa ah laba shey oo qaali ah aadamaha keenana Isfahan aad u weyn oo dhex mara bulshada”


Ixtiraamka:

Is ixtiraamka ayaa ah mid ku weyn diinteena islaamka oo ah wax lagu daydo waxa ugu wanaagsan, waxaa lagaa doonayaa qof weyn iyo mid yarba in aad ixtiraamtid si adiguna aad u hesho si la mid ah sidaasi, somaalida is ixtiraamka aad ayee ugu fiicantahay markii xaqiiqda laga hadlo oo waa dad aad isku ixtiraama intooda badan waxaa jira tiro yar oo aan waxba ka garanayn ixtiraamka laakiin qof walbaba geedkii uu beerto ayuu guranayaa oo hadii aad geed tiin ah beertid waa khalad in aad ka sugtaa miro macaan.

Mahad Celinta:

Mahad celinta waa qeyb weyn oo nolosheena ka mid ah oo haddii aan ka tagno wax badan naga halaabayaan , waxaa ka mid ah mahad celinta waxaa ugu weyn waa mida Alle oo mudan in aan had iyo jeerba ugu mahad celinaa nimcooyinka faraha badan oo uu noogu deeqay,  sidoo kale waxaa jira nuuc kale oo mahad celinta ah oo ah in aan dhexdeena aan isugu mahad celina wax walba haba yaraadaane, xadiith laga wariye nabigeena Muxamed (NNKH) ayaa micnihiisu ahaa ( qofkii aan dadka u mahad celin Allah uma mahad celiyo)  diinteena suuban ayaa na faraysa in aan u mahad celino ruuxii noo sameeya isxaan haba yaraadaane waxa uu kuu sameeyey.

“Hadii aan u soo daadago bulshadeena soomaaliyeed ma ahan bulsho aad iskugu mahad celisa  oo maba lagu soo tarbiyeen badankooda in ay isku mahad celiyaan”

Maalin maalmaha ka mid ah anigoo saran gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho ayaa nin dhalinyara ah ii dhiibtay boorso yar oo kuwa laptopyada lagu qaata ah maadaama uu fadhi ka waaye baska uuna rabey in uu qabsado sida iiga muuqatayna uu dagdagsanaa, markii meeshuu rabay gaaray ayaan siiyay boorsadiisa kadib ayuu intuu ii dhoola cadeeye si wanaagsan iigu mahad celiyay, aad ayaan ugu farxay maadaama uu iigu mahad celiyey wax kayar 5 daqiqo oo aan u hayey boorsadaa taasi oo dadka intooda badan aysan sameynin amaba aysanba garaneyn mahadcelinta waxa ay tahay iyo waxa ay faa’iideyso intaba,

Kadib ayaa waxaa iga soo fakatay oraah (haddii dadka oo dhan sida ninkaan oo kale ahaa lahaayeen wax badan ayaa wadankeena iska badali lahaay), wiil i garab fadhiyey ayaa I dhahay maxuu kuu qabtay? Waxaan ugu jawaabay wuu ii mahad celiyey ee boorsadii uun iskama uusan qaadan, markaas ayuu intuu igu qoslay iigu jawaabay maxaa hadda ka haysaa oo aad ka faa’iiday?

Aad ayaa ula yaabay oo niyada iska dhahay dadkani soomaaliyeed intooda badan maba qiimeeyaan mahad calinta, ama waxa ay u arkaan wax daciif nimo ah in ay u mahad celiyaan qofkii wax uun u sameeya, halka dunida mahad celinta ay ka tahay wax aad u qiimo weyn oo lagu soo tarabiyeeyo caruurta si hadhow marki ay weynaadaa ugu dhaqmaan ficilaas wanagsan,

Hadaba miyeysan mudneen in aan is ixtiraano qaarba qaarkeen, iskuna mahad celinno si aan u noqono dad Alle barakeeyo?

Fikirkaada Waa Muhiim