Cilmiga waa wax soo jireen ah hadana jiro, jiri doona inta ay adduunkaan dhisanyahay. Cilmiga wuxuu leeyahay qiimo aad u sareeyo. Cilmiga waa nuurka nolosha aadanaha, waxaana la ogaaday cidwalbo inta ay ka cilmi badantahay cidda kalle inay ka nolol fiicantahay, inaad ku arkayso qofkaas dhaqan wanaag, wuxuu marwalbo jecelyahay horumarka bulshadiisa iyo guud ahaan dalkiisa. Wadan walbo waa inuu lahaadaa cid u fakarta oo wadankaas ka illaaliso dhibaatooyinka soo waji karaayo. Wadan walbo wuxuu leeyahay aqoonyahaano u fakaro, kana shaqeeyo danaha guud ee dalka iyo dadka.


“Aqoonyahaanka dhabta ah, ma ahan midka ku fakara sidduu u heli lahaa lacag iyo maal adduunyo ee marwalbo wuxuu jecelyahay inuu ka shaqeeyo horumarka ummadiisa, wuxuu dareemaa in marwalbo masuuliyad ka saarantahay bulshada ku xeeraarsan, waxaa lagu dareemaa inuu yahay shaqsi ka dhex muuqdo bulshada markii ay timaado wax qabadka ummada iyo dalkuba iyo guud ahaan qoyskiisa iyo caruurtiisa”


Cilmiga wuxuu leeyahay qiimo badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin. Haddii aad tusaalooyin fiic-fiican soo qaadano waxaa ka mid ah qof aqoonyahaanka ah wuxuu danta naftiisa iyo danaha ummada wuxuu ka jecelyahay marwalbo inuu ka horumariyo danaha ummada. Tusaalooyinka fiican ayaa ah wadanka Mareekanka dadkiisa waxaa la sheegaa inay yihiin dad muwaadin nimada ay ku dheertahay. Dalkooda si wanaagsan ayay u jecelyihiin markii la is bar-bar dhigo wadamada kalle ee caalamka sidda kuwa Afrika iyo qaar ka mid ah qaarada Aasiya.

Wadanka Mareekanka 33 boqolkiiba ayaa sanadkiiba ka qalin jibiso jaamacado, waxaana lagu qiyaasay wadanka ugu sareeyo caalamka ee dadkiisa jaamacadaha ka soo baxa.

Hadaba sidda aan la wada socono waxaa jirta dhalinyaro badan oo maanta ku jira waxbarashadii jaamacada oo ah dad cilmi raadiyo balse waxay u badanyihiin kuwa cilmigaas u baranaayo dano gaar ah iyo siddii ay wax ugu cuni lahayaan naftooda. Qofka hadduu yahay jaamici waxaa wanaagsan in marwalbo uu fahmo danaha guud ee cilmigaan uu usoo bartay. Cilmiga waxaa loo bartaa siyaabooyin badan oo ay ugu weyntahay in lagu shaqeysto oo faa’ido lagu helo sidda lacag mishear fiican leh.


“Waxaa wanaagsan qofka inuu cilmiga u barto inuu wax ugu qabto naftiisa iyo guud ahaan danaha dalkiisa iyo dadkiisa. Ogaaw kuna soo toos marwalbo cilmiga waa shey qaali ah, waxaana barto qofkii ku dadaallo oo garto qiimaha cilmiga” 


Cilmiga wuxuu leeyahay ama uu qofka kusoo kordhiyaa inuu qofkaas ku noolaado farxad, kalsooni badan iyo reyn-reyn. Haddii ay timaado go’aan qaadashada naftiisa wuxuu qofkaas marwalbo dareemaa inuu asiga kaligiisa tashani karo asigoo cid aan la tashanin. Inkastoo wada tashiga fiicantahay, hadana aad ayay u wanaagsantahay markii aad kaligaa tashani karto. Maxaa yeelay qofka markuu kaligiisa tashani karo waa mar cilmi iyo aqoon ay ku jirto. Waxaa laga yabaa qofka inuu soo maro nolol waayo aragnimo ay ku jirto sidda rafaadka soo maray qofkaas.

3710_533943763453044_6291992681842123487_n

Guud ahaan cilmiga marwalbo wuu ku anfacayaa, marka koowaad naftaada ayuu anfacaya, marka labaad wuxuu wax badan cilmiga ka bedelaa guud ahaan noloshaada iyo hab-dhaqankaada. Cilmiga hadduusan noloshaada iyo hab-dhaqankaada wax ka bedeli waayo cilmi ma ahan midkaas. Cilmiga waxaa wanaagsan inuu naftaada iyo guud ahaan noloshaada wax badan ka bedeli karo. Cilmiga markuu naftaada waxa badan ka bedelo ayaad adigana bulshada wax badan ka bedeli kartaa. Haddii aad doonayso inaad horumar iyo nolol wanaagsan hesho cilmiga raadi oo haka caajisin. Noqo qof cilmiga ku kalsoon. Marwalbo oo aad cilmiga raadiyo waad helaysaa. Farxad ku noolaad waligaa!!


 

Fikirkaada Waa Muhiim