Waxaa dhawaan aqoonyahanada caafimadka gaar ahaan kuwa ku xeeldheer cilmiga nafaqada (nutrition) soo saareen 10 wax oo hadii la cuno ka qayb qaadanayo yareenta miisaanka jiirka ama ridida cayilka iyadoo la raacinaayo orodka iyo( aalmiitaada )

boorash

  • Boorashka : waa cuntada ugu fiican ee cuno qofka doonaya inuu miisaanka iska dhimo,waayo waxa uu kamid yahay cuntooyinka baalka leh ee u fiican caafimaadka caloosha.

tufaax

  • Tufaaxa : tufaaxa waxa uu kamid yahay miraha ugu badan ee cilmi barista lagu sameeyay ,natiijadi kasoo baxday ee ku aadan faaiidooyinkiisana waxay aheed mid aad u wanaagsan, tufaaxa waxa uu kaa caawin karaa inaad miisankada dhintid.

kaabsh

  • Kaabashka : waxa uu kamid yahay cuntooyinka faaiidooyinka leh ee  ka qayb qaata ridida miisaanka jirka, waxaa kamid ah inuu badiyo kaadida ,daraasad aya xaqiijisay iyadana inuu burooynika iyo kansarka waxa keena uu siwayn uga hortago.

saliid

  • Saliid olive-ta : xeeldheerayaasha caafimaadka waxay xaqiijiyeen in saliidan ay muhiimad u leedahay jirka bani adamka taas oo yareesa cholestrolka jirka

loos

  • Looska : badso cunista looska waayo waxay yareeynaysa caloosha iyo xaaydha ku sameysmata qofka, daraasad ay jamacda purdue university samaysay waxay ku sheegtay in dadka cuna looska ay muddo dheer gaajo aysan qaban marka loo eego kuwa cuna doolshaha.

shuklato

  • Shuklaatada madow: dad badan aya aaminsan in shuklaatada madow ay mug weyn leh ku yeelatay dhimsita miisaanka.

sanjabiil

  • Sanjabiisha : oo xad macquul ah lagu darsada shaaha ama biyaha caadiga ah waxay keenta in jirka iska dhimo xaydhii saarneyd meelaha qaar sida caloosha.

blueberries

  • Blueberries :miraha yar yare e canabka u eg waxay yareeyaan cholestrolka.

fishoil

  • Saliida kalluunka : cilmi baaris ay sameysay jamacdda south Australia in hadii qofka uu badsado isticmalka saliida kaluunka ay badanayso fursad dhimista jirkiisa.
  • Ukunta : waxay gacan wayn ka gaysata dhimista miisanka, ukunta waxa kujira nafaqooyin muhiim ah , cilmi baaraysha jamacda Louisiana state university ayaa sheegay in dadka ku quraacda ukunta subuxi uu miisan aad u wayn ka dhaco marka loo eego kua aan ku quraacan.

Fikirkaada Waa Muhiim