Cunno isu-dheelli tiran waxaa laga wadaa cunnada uu jirka ka heli karo nafaqadii ku caawin lahayd in shaqada sidii la rabo inuu u guto. Waa inuu jirka ka helaa tamar ku filan taasoo ak timaada qudaarta, furits-ka, miraha iyo protein-ka

eat-balanced-diet

Maxaa laga wadaa “calories”?
Badanaa dhakhaatiirta ka hadasho cunnada isu-dheelli tiran iyo cilmiga nafaqada waxay tilmaamaan mar kasta eraygaa “calories” oo lagu cabiro inta aad ka qaadan kartid cunto kasto nooca aad u baahan tahay.
Waxaa erayga “calories” laga wadaa cabirka tamarta eebe ku abuuray cunto kasta, sidaas awgeed wuxuu jirkaaga ka helaa tamartaas cunnada wuxuuna u adeegsadaa socodka, fakarka, neefsashada iyo waxyaabo kalaba. Waxaa lagu qiyaasaa in qof kasta uu u baahan yahay inuu helo 2,000 oo tamar maalin kasta si uu miisaankiisa ugu haayo meesha uu joogo.

Haddii cabirka intaa ka yaraado miisaankaagu wuu yaraanayaa, hadduu intaa ka batane miisaankaagu wuu kordhayaa, taasi macnaheedu waxay tahay wixii intaa ka badan jirku wuu keydinayaa oo miisaan ayaa ku fuulayo ama way yartahayoo jirka ayuu ka soo amaahanayaa sidaas ayuuna miisaanka ku yaraanayaa.

Qofka inta uu u baahan yahay maalintii waxaa la qiyaasaa da’da, jinsiga iyo shaqada uu qabto maalintii.
Saa daraadeed nimanku waxay u baahan yihiin tamar ka badan dumarka, dadka shaqooyinka culus qabtane waxay u baahan yihiin tamar ka badan dadka aanan shaqada culus qaban.

Waxaa jiro wax la yiraahdo “tamarta eberka ah” ama “empty calories” oo ah cunnooyinka aanan wax nafaqo ah jirka uusan ka helin laakin caloosha buuxiyo kaliya waana cunnooyinka u badan dufanka iyo sonkorta.
Cunnooyinkaas waxaa ka mid ah:

  • Doolsahda ama cake-ga
  • Cheese-ka ama caano farmaajada
  • Cabitaanada lagu magacaabo “energy drinks”
  • Cabitaanada aashitada leh ee la soo warshadeeyay
  • Ice-cream-ka
  • Pizza

Waa maxay faa’idada cunanda isu-dheelli tiran?
Cunnada isu-dheelli tiran waxay ka qeyb qaadataa in jirku u qabsado howshiisa sidii ugu habboonayd iyadoo wax culeys ah la saarin xubnaha kale ee jirka, waxayna ka hortagtaa nafaqo-darrida iyo cayilka, waxay kaloo yaraysaa halista cudurradaan:

Cunno kasta oo jirka gasho waxaa loo badalaa wax faa’ido u leh qeybo kala duwan oo jirka ka mid ah, sidaa awgeed waa inuu jirka helaa cunno dabooli karto baahida kala duwan ee jirka haddii ay ahaan lahayd isku dheeli tirta macaadinta, dheecaanada iyo hormooanda jirka iyo wixii murqaha, lafaha, xididada ama neerfaha u baahnaan lahayd, marka si baahdia loo daboolo waa inuu qofka qaatay maalintaas wax laga heli karo wax kasta oo jirka u baahan yahay, si taasi lagu gaaro waa in cunnadaadu isku dahfan tahay ama isku dheeli tiran tahay waana waxa aan uga hadlayno qoraalkaan.
Haddii aad hal cunno maalin kasta cuntid, cunnadaadu iskuma dheeli tirna oo waxaa kaa maqan qeybihii kale.

Sidee loo helaa cunno-isu dheelli tiran?
Qolo kasta waxay leedahay dabci ama caado u gooni ah oo ku saabsan xaga cunnada iyo nafaqada oo ay kala dhaxlaan, soomaalidu waxaa lagu tiriyaa dad ku liita xaga cunnada isu-dheelli tiran, maadaama miiska cunnada soomaalida ay ka maqan tahay cunnooyinka ugu muhiimsan isu-dheelli tirka.
Cunnadaas ayaa waxaa ah khudaarta ama cagaarka iyo fruits-ka.

Tusaale: badanaa qoysaska soomaalida subaxii waxaa lagu quraacdaa canjeero ka samaysan bur, waxaa badanaa lagu cunaa saliid iyo sokor, dad dhif aha ayaa hilib ama ukun ku cuna ama canjeelada ka sameeyo miro nafaqo leh sida qamadiga, gallayda iyo xubuubta kalaba. Duhurkii waa bariis ama baasto leh suugo, qoysas dhif ah ayaa ku darsada hilib. Habeenkii waxaa la cunaa digir ama wixii kaloo la heli karo ama wixii qadada ka soo haray. Taasi waa jadwalka ugu badan ee qoysas badan wadaagaan.

Qaladaadka kale ee jiro ayaa ah in dad badan ay aaminsan yihiin haddii aad rabto cunno isu-dheelli tiran waa in aad qarash fiican haysatid, taasina sax ma ahan. Qoysas badan oo naga faqrisan ayaa cunnadooda isu-dheelli tiran tahay oo ku nool wadamo naga faqrisan. Dad kale ayaa aaminsan in aanan qudaarta la sheego ama fruits-ka aanan joogto logoa heli karin suuqyada ama aananba abuuranin, taasina sax ma ahan sababtuna waa in aysan qiimo cunno ama nafaqo noogu fadhin, waana sababt aan u beeran la’nahay.

Tusaale ahaan: qudaarta ugu nafaqada badan waxaa lagu tilmaamaa koostada, wadanka waa laga helaa laakiin dad dhif ah ayaa isticmaalo, waxaa kaloo ka mid ah digirta qoyan ee cagaarta ah oo suugada lagu karsado oo gali karto booskii hilibka nafaqo ahaan, waxaa ka mid ah caleenta kabajka oo siyaabo kala duwan loo isticmaali karo oo faa’ido nafaqo leh oo wadanka qaarkiis laga helo, dadka badankiisne aysan aqoon u lahayn.
Cagaarka kaliya ay soomaalidu taqaano waa bagalka iyo ansalaatada mana ahan kuwa xag faa’ido ama nafaqo gaari kara kuwa aan kor ku soo xusay, wayna ka qaalisan yihiin oo cid kasta joogto uma heli karto.

Xagga fruites-ka hadaan u soo jeesto, waxa kaliya ee aan ka midaysan nahay waa mooska / muuska oo aan badanaa laga waynin miiska qadada, sidaas awgeed soomaalida badanaa laguma sheeko inuu ku yaryahay macdanka bootaasiyamka / Potassium-ka oo muuska ka buuxda. Laakiin waxa ka soo haray waa dhif in la cuno amaba looma arko cunto ee waa faakihaysi.

Xagga protein-ka iyo cunanda jirka dhisto waa iyadane mid aan fikrad qaldan ka haysanno, maxaa yeelay markii borotiin la sheego dadka waxay la aadaan kaliya hilib iyo digaag iyo kalluun, laakiin waxyaabo badan oo booskooda gali kara ama soo dhawayn karo oo ka raqiisan ayaa jira laakiin soomaalidu cunno uma taqaano. Waxaa ka mid ah: lowska, digirta, yicibta, sisinta, caanaha iyo wixii laga sameeyay sida cheese-ka iyo garoorka.

Xaga dufanka iyo saliidaha leh qiimo nafaqeed oo iyadane nagu yar markii laga reebo macsarada.

Talooyin:
Ogow nafaqada iyo tamarta laga helo cunanda kuma xirno tiro badnideeda iyo waxa aad cuneyso waynigeeda, waxaad kaloo ogaataa cunnada dabiiciga ah ama fesh-ka ah in mar kasto ay ka nafci badan tahay midda kale.
Ku dadaal in aad cunto gallayda, masagada, sisinta, caanaha, qudaarta, fruits-ka.
Ka fogow waxyaabaha burka ka samaysan iyo baastada iyo saliid caddayda.
Ka fogow haddii aad leedahay balwad sida qaadka, sigaarka iyo tubaakada.

Xigasho: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6256.0.html


Haddii aad qabtid su’aalo dheeraad ah iigu soo dir qeybta su’aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0


http://somalidoc.com

Fikirkaada Waa Muhiim