Maalin walba oo ay qoraxdu kasoo baxdo dhanka bari waxaan maqalnaa amaba aragnaa dhibaatooyinka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed qaas ahaan dhalin yaradda hadii ay ahaan laheyd dalka gudihiisa amaba dibadiisa.

Hadii aanu ku hor marno dhibaatooyinka ay dhalin yaradda kala kulmaan gudaha dalka aad ayeey u fara badanyihiin waxaana ka mid ah dayac,waxbarasho yari,daryeel la’aan iyo shaqo la’aan haysata badankooda taasi oo ku qasabta in ay sameeyaan falal aan wanaagsaneen amaba ay dalka nacaan juhdi badana ku bixiyaan sidii mar uun ay uga tagi laahaayeen dalka oo u raadsan lahaayeen nolol dhaanta mida ay ku jiraan, iyagoo qaarkooda waalidka ku qasbaan in ay dhoofiyaan dabeetana waalidku badanaa u gadaan hooygii ay ku hoyanayeen si ay riyadda  ugu rumeeyaan wiilkooda ama gabadhooda  ayagoo ku haminaya in ay  dib ugu gadi doonaan guryo, halkaana waxaa ka bilaabaan safar dheer aysan ogeen sida uu noqonayo ama meesha uu ku dhamaanaayo maadaama ay ka horeyso saxarro kulul,keymo bahalo badan iyo bad aan waxba reebeyn hadii lagu dhaco.

Dibadda: markii ay rafaad ku tagaan dhalinyaradeena meelihii ay ku hamminayeen waxa ay kala kulmaan wax aysan kusoo tala galeenin halkaasina ka qaada muraara dilaac,niyad jab, isla hadal iyo waali beertana sidaa ku galo badankooda, qaarka soo harana waxa ay ku noolaadaan nolol u baahan in  hoos laga soo dhiso ayagoo ay ku qaadato sanado badan helida sharciga iyo in ay shaqo ka helaan wadamadii ay tageen.

Hadaba dhalintaas dhamaaneysa miyeesan ahayn ubixii  barrito dhaxli lahaa dalka?

Miyeysan mudnayn in la koolkooliyo wax labaro shaqo helaan wadankooduna ugu noolaadaan nolosha ugu sareysa oo uu ruux bini aadan ahi ku heysto koonkaan dushiisa?

Nasiib darro ma aysan dhicin maadaama aysan jirin qorshe lagu badbaadinayo dhalinyarada sii cirib tirmeysa.

Hadii ay howshu sida ay imminka tahay kusii socoto waxaa hubaal ah in wadankaan ay ku yaraadaan Soomaalida uuna duul kale la wareego, waxaan qormadeyda kusoo afmeerayaa su’aasha aan ciwaanka uga dhigay ee ahayd,

Waa su’aal da’ weynee dalka yaa iskaleh?


Fikirkaada Waa Muhiim