Marka ugu horreysa waxaan ku bilaabaynaa qeexidda kalsoonida nafta waxa ay tahay. Kalsoonida nafta waa dareen shakhsiyeed oo muujinaya qiimaha qofka naftiisu u leedahay dadka dhexdooda, kalsoonidan ayaa waxa ay tahay dhaqaaq iyo deggenaansho, qofkuna waxa uu u dhaqmayaa si dabiici ah isaga oo aan waxba ka welwelaynin, qaab dhaqankiisuna isaga ayaa xukuma, oo qof kale ma xukumo, waxayna ka soo burqataa gudihiisa, cid kalana wax uma yeeriso, haddiiba uu jiro qof wax loo yeerinayo micanaha waxa ay la mid tahay inuusan kalsooni isku qabin, middaana qofka waxa ay ka yeelaysaa inuu u dhaqmo in kormeer lagu hayo oo kale, dhaqdhaqaaqiisuna ama dhaqankiisu waxa uu noqonayaa mid aan dabiici ahaynin welwelkiisuna waxa uu ahaanayaa mid joogta ah marwalba uu kulan yeelanayo ama uu go’aan qaadanayo.

Kalsooni qabku dabcan waxa ay tahay waxyaabo aan ka helno bii’ada nagu hareeraysan oo aan ku kornay qof ku dhashaana ma jirto noocuu doono ha ahaadee, inkasta oo ay jiraan dad aaminsan isla markaana ka soo yeerta cabashooyin ka mid ah in ay arrintan kalsooni darada ah ay ku dhasheen balse middaa xaqqida ka fog.

Marka hore waxaa waajib ah inaan ogaano sababaha keena kalsooni  la’aanta nafta, ka hor inta aynaan raadin xalkeeda waa inaan ogaanaa waxa dhibka kalsooni  la’aanta nafta  keenay dabadeedna aan helno daawada munaasibka ku ah.

Waxaa jira sababo badan oo arrintan keenta, waxaana ka mid ah :

  1. Baqdin arrimaha qaar iyo mowqifyo kusoo wajaha adiga oo markaasi dareemaya in dadka hareerahaaga ah ay diiradda saarayaan dacfigaaga kuna kormeerayaan dhaqaaq kastaoo aad sameysid.
  2. Cabsi iyo walwal kaaga yimaad dhaqan aan horey lagaaga baran oo caadadana khilaafsan si aysan markaasi dadka kale kuu eedeynin ama kuu yareysan.
  3. Adiga oo is dareensiinaya inaad tahay qof daciif ah oo aan waxba qabsan karin dadka kale hortooda xitaa aad is dareensiinaysid inaadan waxba ahaynin ama aadan waxba soo siyaadin karin, badanaana qofka la dhibtoonaya fekerka guracan oo noocan ah oo isu arkaya inuu yahay qof xaqiir ah naftiisana sidaa ku qanciyo oo waxba qabsan waayo si dhab ah ayuuna sidaa u noqonayaa iyada oo ay tahay middan wax aad looga xumaado.

Midda labaad ayaa waxa ay tahay   mushkiladda ugu khatarsan taasi oo ah mid ku burburinaysa, duminaysana tamar kasta ooh al abuur leh, sidaa darteed marka hore waa inaad joojisaa xaqiridda naftaada iyo kelmadaha qaarkood oo silbiga ah oo dhib weyn u geysan karta shakhsiyaddaada, kuwaasi oo ka mid ah : doqon baan ahay, faashil baan ahay, daciif ayaan ahay, hadalada noocan ah waxa ay khatar weyn ku tahay nafsadda burburna u geysan karta isaga oo aan qofka aanu dareemaynin ee waa inaad ogaataa in kelmadaha noocan ay ku baabi’inayaan waxna aadan qabsan karin, sidaa darteed haddii aad caadaysatay hadaladan waa inaad hadda joojisaa si aad u badbaadiso naftaada iyo isticmaalkeeda oo ka ciribtirtaa gudahaaga  waayo waa burburiye kula deris ah, waxayna naafo ka dhigaan kartidaada iyo awoodahaaga dadnimo, hana ilaawin inaad xaddido isha ay ka soo burqanayaan mushkiladahan dareenyarida leh. La soco Qeybta 2aad……….


 

Fikirkaada Waa Muhiim