Luuqada Soomaliga waxa ay u kala baxdaa Maay iyo Maxaa tiri, inkastoo ay jiraan lahjado kale oo badan oo badankoodu ka jiraan koofurta Soomaaliya laakiin markii Af soomaali lasoo hadal qaado waa maay iyo maxaa tiri. Qormadaan ayaan jeclahay in aan u iftiimiyo dadweynaha inta aan garanaynin lahjada maay-maayga.

Lahjada Maay-maayga waxaa looga hadlaa dhul aad u baaxad weyn oo ka tirsan dalkeena Soomaaliya qaas ahaan goboladda Baay,Bakool, iyo qeybo badan oo ka mid ah goboladda Shabeellaha hoose, Gedo iyo Jubbooyinka.

Lahjadaan ayaa leh inta ay leedahay lahjada maxaa tiriga sida maahmaahyada gabayadda  geeraarada IWM.

Barashada lahjada Maay-maayga ayaa la dhihi karaa mid aan fududeen oo hadana aan adkeyn, tusaale dadka ku nool goboladda koofureed ee dalka kasoo bilaabato gobolka Hiiraan ilaa Jubbada hoose waa ay u fufudahay  in ay bartaan waliba badankood waa ay fahmaan xitaa hadii ay ku hadli Karin, balse dadka ku dhaqan Goboladda dhexe iyo waqooyi ee dalka waxaan oran karna waa ay ku yara adagtahay maadaama ay ka fogyihiin  mandiqadda juquraafi ahaan looga hadlo lahjadda Maay-maay inkastoo wax kasta la baran karo hadii la isku taxalijiyo oo soomaalida lagu tilmaamo dad aad u maskax furan markii lala barbar dhigo dadyoowga caalamka.

Qormooyinka  soo socdo ayaan idinkugu soo gudbin doonaa  qaabka ugu fudud aad ku bara karto lahjada maay-maayga, maahmaaho maaymaay ah oo aan ku fasiri doono lahjada maxaa tiriga haduu alle ka raali noqdo.


 


 

Fikirkaada Waa Muhiim