Muslimiintu waxay haystaan diinta islaamka, taasoo macnaheedu yahay nabad iyo isdhiibid. Qofka muslinka ahi waa qof diintiisa darteed u doortay u hoggaansamida Ilaahay. Sida islaamku dhigayo Ilaahay rusul ayuu dadka oo dhan u soo diray. Nebigii ugu horreeyay wuxuu ahaa nebi Adan(cs) kii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa nebi Maxamed(csws).

Ilaahay wuxuu soo diray kutub dhowr ah. Kuwaasi waxay soo kala degeen waqtiyo kala gooniya, kuna soo degeen umado kala gooniya. Quraanku waa kii ugu dambeeyay wax Ilaahay soo dejiyo. Quraanka waxaa loo soo dejiyay dadka oo dhan waxaana lagu dhaqmayaa illaa qiyaamaha. Quraanka waxaa lagu soo dejiyay nebi Maxamed(csws) wuxuuna u qoranyay sidii uu u qornaa markii uu soo degay ee nebigu(csws) noolaa.

Quraanka iyo xadiisyada (wixii nebi Maxamed(csws) laga soo wariyay in uu yiri/sameeyay) ayaa la tixraacaa marka dadka diiniyan iyo mooraal ahaanba loo waaninayo. Shareecada islaamka iyo habka sharciyada islaamkaba halkaas ayaa laga soo xigtay. Kadib geeridii nebiga(scws) waxaa aasaasmay mad-hab dhowr ah. Afar kuwaas ka mid ahi waa kuwa ay muslimiinta badankoodu illaa hadda kala raacsan yihiin. Mad-habtan si siman ayaa laysugu raacsan yahay. Horumarka bulshada casriga ahi wuxuu haddaba la yimi su´aalo cusub oo jawaabo u baahan.
Culumada muslimka ayaa su´aalahaa kaga jawaaba fatwooyin. Fatwadu waa hab culumadu kaga jawaabaan arrimahaa waxayna ku salaysan tahay quraanka iyo axaadiista. Meelaha laga soo xigto fatwooyinku waa badan yihin, fatwooyinku waa kala du-duwanaan karaan, kala duwanaantoodu meelaha laga soo xigto ayay ku xiran tahay.


Fikirkaada Waa Muhiim