Dhibaatooyinka Soomaaliya waxay noqdeen arrimo soo jireen ah. Soomaaliya waa dal ku sugnaa dhibaatooyin aan halkaan lagu soo koobi Karin,balse waxaan isku dayayaa inaan soo koobi karo qaabka dhibaatooyinkaas xal loogu heli karo, Insha Allah. Soomaaliya waxay cagta ku haysaa horumar la taaban karo wakhtigaan la joogo, haddii la is bar-bar dhigo wakhtiyadii horre ee hogaamiye kooxaadka. Waxaa jiri jiray dalka in qabyaaladda ay noqotay mid lagu bur-buriyay dalka iyo guud ahaan bulshada qeybaheeda kalla duwan.

Waxaa lagu tuntay dad badan xaqqa ay lahaayeen, sidda maalkooda, dumarkooda, naftooda iyo in lagu ciyaaro dadnimadooda. Wakhtigaan la joogo waxaa dalka ka jirta dowlad federal ah oo ku dhisan qaab gobol. Waxaana wali adag in ummadda Soomaaliyeed laga dhaadhiciyo nidaamka federalka. Waxaadna moodaa dowladaan ku dhisan nidaamka federalka inay ka wanaagsantahay hogaamiye kooxaadkii horre dalka ka jiri jiray.

Ma tahay dowladaan dalka ka jirta mid u wada simanyihiin dhammaan bulshada Soomaaliyeed, mise cidwalbo oo tirsada magaca ummad Soomaaliyeed? Su’aashaas jawaabteeda kuligeena waanu wada ogsoonahay, waana Maya. Kama jirto dalka Soomaaliya dowlad u wada simanyihiin dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Sanadkaan 2016 waxay ummadda Soomaaliyeed la hayeen rajo ah in dalka ka dhici doonto doorasho qof iyo codkiisa, laakiin wa ay ku guuldaraysteen arrintaas madaxda ka taliso dalka.

Xal u helista ummadda Soomaaliyeed ma ahan wax sidaas u adag haddii aad ka fiiriso dhinacyaha aan aniga wax ka arko. Waxaa macquul ah inaad iga aragti duwantahay. Ummadda marwalbo wey kalla aragti duwanaani karaan, hadana waxaa wanagsan in wada hadal iyo ismaqal lagu xalini karo waxalbo oo aan isku af fahmi weyno. Waa qodobka ugu horreeyo oo ay Soomaali u baahantahay. Waxaan marka tilmaamayaa qodobada aan is leeyaahay wey ka maqantahay ummadda, waxaana ka mid ah:

Wada hadal: Soomaali waxay u baahantahay inay barato wada hadalka ku salaysan Diin Islaam. In bulshada wada hadal ku dhamaystaan waxwalbo waxay dhaxal gal u tahay ubadka kalle soo koraayo inay wax badan ka bartaan qoomiyadaha hadda jira. Bulshada sidda ay u kalla xigmad iyo waayo aragsanyihiin ayay marwalbo u wada hadlaan. Haddii ay dhacdo in bulshada gacan ka hadalkeeda bato waxaa adkaanayso jiritaanka bulshadaas. Wada hadalka wanaagsan waxay ku tiirsantahay sidda ay bulshada ugu korto maskaxdeeda, afkaarta wanaagsan iyo guud ahaan heykalka dadnimado.

Joojinta qabyaaladda: qabyaaladda waa kanser Soomaaliyeed, ahna cudur soo jireen ah, wakhti dheerna haayo qoomiyadda Soomaaliyeed. Haddii aan nahay ummad ku af tirsado diin Islaam, waxaa wanaagsan inaan ku dhaqano waxa ay nafarayso diinteena. In bulshada qabyaaladda laga wacay geliyo waa waxyaabaha muhiim u ah bulshada inay si fiican u fahmaan iyo dhibaatada ay gaysatay. Meelaha waxbarashada waa goobaha ugu muhiimsan in wacaygelinta lagu bilaabo. Bulshada guud ahaanteeda waxay u baahantahay wacay gelin. Waxaana wanaagsan in la helo qof ku fiican in fikirkiisa iyo aragtida uu sido dadka ku shubi karo. Qabyaaladda waxaan is dhihi karaa waa waxyaabaha hor joogo qarannimo Soomaaliyeed. Inta ay jirto 4.5 umma malaynaayo in ummaddaan ay gaarayso horumar. Ummaddaan waxay ku soo jirtay dhibaatooyin oo ay qasabtay qabyaaladda. Waxaana la yaab badan in qof aqqoonyahaan ah, laga dhaadhiciyo caqligii baadiyaha. Dadka madaxda dalka haysto iyaga ayaa ka koow ah dadka ogaaladay in 4.5 wax lagu qeybsado. madamaa ay yihiin dad aqqoonyahaaniin waxaa wanaagsan inay noqdaan dad aragti dheer leh oo meel dheer wax ka arki karo.

Ummadda marwalbo waxa wanaagsan inay leedahay dad u fakira oo ka arramiyo danaha guud ee dadka iyo dalka. Haddii aysan jirin dad qaab wanaagsan u fakira waxaa adkaanayso jiritaanka qoomiyadaan sii socoto ee maanta loo yaqaano Soomaaliya.

In la rumeeyo qarannimada dalka: Waxaan ka wada marqaati nahay qaranimo ma timaado illaa ay dadkiisa diyaar u yihiin. Haddii qarannimo la rabo waa in loo wada diyaar garoowaa. Qiimaha qaranimo waxay timaadaa markii ay ummadda wada fahmaan muhiimada ay u leedahay inay yeeshaan qaranimo loo wada dhanyahay. Qaranimada waa shey ay Soomaali u wada baahantahay maanta. Hadduu qaran jiri lahaa maanta ma jiraan gumeysi, in dhulkeena lagu soo duullo, in gabdhaheena AMISOM kufsadaan wali iyadoo Soomaali wada joogto dunidda dacaladiisa, hadduu qaran jiri lahaa ma jireen in 4.5 wax lagu qeybsado, hadduu qaran jiri lahaa ma jiraan baarlamaan kuraasta isku garaaco, hadduu qaran jiri lahaa aqqoonyahaankeena lagama dhaadhiciyeen 4.5, hadduu qaran jiri lahaa caruurteena iyo dumarkeena kuma dhammadeen badaha, hadduu qaran jiri lahaa nagulama tilmaameen qaran guul daraystay, burcad badeed. Qarannimada qiimaha ay leedahay Soomaali miyay wada ogtahay mise cid gaar ah oo kali ayaa og? Dad badan ayaa og maanta qiimaha ay leedahay qarannimada. Qarannimada waa shey muhiim u ah dhammaan ummada, waana xalka iyo kalla dambeynta ay gaarto ummada haddii ay aminaan ama ay fahmaan qiimaha qarannimo. Aan wada rumeyno qarannimo.

In taariikhda dib loo deriso: in taariikhda dalka iyo dad ay leeyihiin la deriso wey fiicantahay. Ummada haddii aysan laheen taariikh iyo meel ay dhaxal ka dhiganayso waxaa adkaani karayso jiritaanka ummada. Waxaa wanaagsan in taariikhda la deriso oo wax badan laga barto sidda dhibaatada gumeysiga dalka ku hayay, dhibaatada ay leedahay qabyaaladda iyadoo tusaalooyin badan loo sameynaayo. Waxaa wanaagsan in ummada wax badan ka bartaan gumeysiga wakhtigaan dalka uu ku suganyahay.

Waxaan hadalkeyga kusoo gabagabaynayaa in marwalbo loo baahanyahay isku xernaanshaha bulshada iyo rumeynta qarannimo. Rumeynta qarannimo waxay sarre u qaadaysaa jiritaanka umma. Haddii la doonaayo in ummada xal loo helo waa in lalla yimaado aragtiyo horey loogu gudbi karo arrimihii ka dhacay dalka. In la dhiso bulsho waxay qaadanaysaa wakhti aad u dheer. Haddii aysan dhisneen bulshada waxaa adkaanayso in la dhigo qarannimada. Qarannimo kuma timaado jawiga ay bulshada ka bur-bursanyihiin caqiido ahaan.



Fikirkaada Waa Muhiim