Ciidamadaan ma ahan markii ugu horeysay oo loo diro Soomaaliya waxaa kalloo horey loogu diray wadamada qaarada Afrika kuwa ka mid ah. Waxaa bishii December ee sanadkii 2003-da ka qarxay gobalka Darfur, ee ku dhaca galbeedka Suudaan dagaallo qaraar, gobalkaan oo ay wada dagaan dadyowga madawga ehee dhulka loogu yimid iyo Carabta ku timid socotada, ka dibna ka mid noqday dadka deegaanka, dagaalladaan oo keenay qaxa ku dhawaad 2.5 (laba malyan iyo bar) kana carareen aqalladoodii iyo tuulooyinkii ay daganaayeen, ka dib markii dab la qabadsiiyey, sidoo kalana ay ku naf waayeen in ka badan 200.000 (laba boqol oo kun) oo qof, sii socoshada xasadaraddaan waxey keentey iney soo farageliyaan Midowga Afrika, oo bartamihii sanadkii 2004-ta u soo direy ciidan gaaraya 7.500( tobokun iyo shanboqol), oo ka qeybqaata howsha nabadilaalinta.

Waxaa in badan la hadal hayey, in dalkii dhibaato ku habsato ay habboon tahay inuu faragelin ku sameeyo dalka deriska la ah, siyuu xasilooni ugu soo celiyo, iyadoo tusaale loogu soo qaadanayey Madaxweyne Museveni oo dalka ay u gacan gelyeen ciidamo Tanzanian ah, siddoo kale dalka Burundi oo qalalaaso ka dheceen waxaa soo afjarey faragelin Military oo kaga timid dowlada K/Afrika, aan ugu danbeysiinno dalka Sera lion oo ay xasiloonidiisa gacan weyn ka geysatey dowlada Nigeria.

 

Hadalkan oo loogu qiil sameynayey ama marmarsiiyo loogu raadinayey qabsashada qaawan ee Xabashidu dalka ku wada  marooqsatey, iyadoo loo fiirinayo in xabashidu deris la tahay Soomaaliya, sidaas darteedna cid uga xaqleh aysan jirin inay faragelin Military ku sameyso!, taasi waxaa lagu tilmaami karaa hadal aan waxba ka bedelyn  ujeeddooyinka gurracan iyo danaha gaarka ah ee xabashidu ka leedahay Soomaaliya, dhanka kale ujeedada ciidamada Afrika miyaan la dhihi karin waxaa lagu daboolayey ciidanka Xabashida ka joogaey gudaha Soomaaliya, oo gaarayey ilaa 8000 (sideed kun) oo askari, taas macnaheedu waxey tahay iney isla egyihiin ciidamada ka imaanaya dalalka Afrika iyo ciidanka Xabashida ka joogey dalka!!!

Ciidanka Afrika ee jooga Muqdisha, magaca uu wataa waa ilaalin nabad, sugid ammaan iyo kala dambayn soo celin, balse miyaad aragteen waxaa oo dhan? Hubaal in magacan waanagsani dad badan sirayo, gaar ahaan dunida, iyagoo dhadhansanaya ujeedka magacu wato, iskana dhaadhicinaya inay yihiin geesiyaal naftooda u huray sidey nabad uga dhigi lahaayeen dalkan loo caasha waayey!, rajo fiican, adduunkuse ma eegay waxa ka dhacaya gudaha dalkka?

Weydiintan waxay i soo xasuusin, waraaq sir ah oo laga helay midawga Afrika oo muujinaysa in Soomaaliya xasuuq ka dhacay!, haddana laba iskama waraysan, oo sideedii ayaa looga tagay, ama meeshii laga helay lagama qaadin, waaba yaabee nabaddii ay sugayeen ma waxay nqotay: layn shacab? Midani waa mid taariikhda gali, ee may sidaan isu dhaamaan?!.

 

Waxaa kale oo jira baaq ka soo baxay qaramada Midoobay, bartamihii bishii Novembar ee sanadkan, oo lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyo xasuuqa ay gaystaan AMISOM, balse dib ma u maqasheen wax warkiisa wada? Meeshii lagu sheegay ayaa isna loga tagay, halkaan waxaan rabaa inaan Soomaalida dhaliilo, Soomaaliyeey codkaagii maxaa ku dhacaay? Xabashi sidaad ugu mudaharaadey maxaad ugu mudaharaadi la’ dahay AMISON? Mise way idiin kala duwan yihiin? Dilaa waa dilaa mar walba magacaad rabto u baxshi!.

 

Hab dhaqanka AMISOM, wuxuu xaqiijinayaa hirgalinta danaha kalla ah:

Sii joogtaynta dhibaatada Soomaaliya: maxaa yeelay waxay dhinac ka noqdeen dhibaatada dalka, waxaanba dhihi karnaa waxay abuureen dhibaatooyin horleh!, sida eedayn la xiriirta beeridda cudurka dilaaga ah ee AID-ka, dhanka kale habkan ay wax u wadaan dhibaato ma ahane xal kuma imaanayo. intaa waxaa sii dheer xasuuqa ay maatada rayidka iyo marasta la eegtaan habeen iyo dharaar, iyagoon waxyeelin nabaddiidka iyo kooxaha hubaysan!!!

Xasuuqa shacabka: qiyaas ahaan ciidamada AMISOM, maalintey duqayn gaystaan, waxay ugu yaraan dilaan 15 qof, oo ka dhigan inay bishii dilaan in ka badan 60 qof!, haddaa ma nabad ayey ilaalshaan mise shacab ayey xasuuqaan?!

Burburinta dhaqaalaha: arintani waa bannaantaal, u fiirso markii madfac ku soo dhoco, Bakaaraha ayey u jawaabaan, waa yaabe ma Bakaaraha ayaa madfaca rida? Kaba dhig in dhanka Bakaaraha laga soo riday, ma dawbaa in waa san Bakaaraha duqayn lala duljoogo? Tani waxay kuu muujin ujeedka laga leeyahay duqaynta suuqaa, ee ah cuuryaamin dhaqaale!.


Fikirkaada Waa Muhiim