Waa maxay cudurkan ?
viruska Zika waa nooc kamid ah fayriska kaneecada ay gudbiso, markii ugu horaysay waxa lagu ogaaday dalka Uganda sanadku marku ahaa 1947 oo daanyeerada Rhesus-ka loo yaqaan laga helay kadibna laga helay goor dambe aadanaha 1952, isla wadanka Uganda iyo Jamhuuriyadda Tansaaniya. Kadibana waxa uu la soo dhacay cudurkan dadkii daganaa Africa, labada Ameerika ,asia iyo badweynta hindiya sikastaba ha ahaatee nooca fayriska waxaa la yiraahdaa (Flaviviridae) sidaha cudurka fayriska waa Kaneecada, taas oo sida caadiga ah aan qaniinin dadka subaxa iyo galabka meesha ay ku sameysmaana ama ay ku abuurmaan Lama yaqaan ilaa hadda

zika222

Calaamadaha iyo astaamaha cudurkan:

Xilliga cudurku ama (inta u dhaxeysa marka uu cudurka ku dhaco qofka ilaa ay calaamadaha kasoo baxayaan ) ee fayriska Zika ma cadda, laakiin waxa ay u badan tahay inuu ku fido dhowr maalmood guduhood . Calaamadahiisa waxay la mid yihiin astaamaha cudurkasta oo uu fayris sababo, waxaana ka mid ah qandho, finan, indho xanuun iyo muruq xanuun, xanuun wadajir ah, kaar- iyo madax xanuun. Sida caadiga ah, calaamadahan waa khafiif waxayna socota muddo inta u dhaxaysa laba maalin ilaa toddoba maalmood gudahood. Inta lagu jiray cudur dillaacaan baaxad weyn oo ka dhacay Polynesia ee dalka farasiiska iyo Brazil sanadki 2013 iyo 2015 siday u kala horreeyeen ayaa maamulayaasha caafimaadka qaranka brazil ay soo gudbiyeen jiritaanka suurto galnimada ah ee cudurkan maskaxda ku rido waa( virus Zika ) kaas oo samaysanya cudur is-difaaca jirka ah (autoimmune ). maamulka caafimaadka Brazil ayaa sidoo kale xusay in dhawaan sii korortay heerka infakshanka fayraska Zika kaas oo kusii badanaya dadweynaha guud iyo inay kor u kacday tirada caruurta ku dhasha madax yarida ee cudurkan qaba . Si kastaba ha ahaatee waxay sheegeen inay u baahan yihiin in baaritaan dheeraad ah la sameeyo si ay u fahmaan xiriirka ka dhexeeya ilmaha ku dhasha madax yarida iyo viruska Zika. Sidoo kale in la sahamiyo sababaha kale ee suuro galka ah ee uu cudurkan keeno.

Ka Hortagga:
viruska cudurka Zika. Ka hortagiisa waxay ku xirantahay in la yareeyo tirada kaneecada joogta deegaanka (ka hortaga meelaha ay ku taranto kaneecada ) iyo in la yareeyo soo gaadhista dadka taas oo loo adeegsanaayo sunta lagu buufiyo kaneecada iyo isticmaalka (maro kaneeco). Waa in fiiro gaar ah la siiya dadka aan awoodin iskana ilaali karin cudurka sida carruurta yaryar, kuwa jirran iyo dadka waayelka ah laguna caawiyo qaabka ay uga hortagi lahaayeen.

Daaweynta:
Sida caadiga ah cudurka viruska Zika waa khafiif oo uma baahna daaweyn gaar ah. Waa in qofka qaba cudurka zika helaa nasasho weyn, inuu cabo cabitaan ku filan, iyo in laga daweeyo xanuunka iyo qandhada oo uu isticmaalayo daawooyin caadi ah. Hadii ay qofka xaaladiisa sii xumaaneyso waa inuu raadiyaa daryeel caafimaad oo dhameestiran, Hadda lama hayo wax tallaal ah oo loogu talagalay cudurkan.


Fikirkaada Waa Muhiim