Donald Trump waa shaqsi u dhashay dalka Mareykanka. Wuxuu tartan ugu jiraa doorashada madaxtinimada ee dalkaas Mareykanka sanadkaan 2016. Waa shaqsi ganacsade ah, waana shaqsi ka mid ah taajiriinta Mareykanka. Donald Trump ayaa cambaareen badan usoo jeediyay masuuliyiinta waqtigaan xilka haayo ee dalkaas Mareykanka sidda madaxweyne Barack Obama. Wuxuu sheegay in ururka isku tilmaamay qilaafadda Islaamiyiinta ee ISIS ama Daacish sidda aad u taqaano, aas-aaskiisa waxaa ka dambeysay ama sameeyay xog haayihii horre arrimaha dibidda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton, waxayna fikirkaas isla sameeyeen madaxweyne Obama.

Sidda ay qortay wakaalada loo yaqaano The guardian oo laga leeyahay dalkaas Ingariiska “They’ve created Isis. Hillary Clinton created Isis with Obama,” Trump said.

http://www.theguardian.com/us-news/2016/jan/03/hillary-clinton-and-barack-obama-created-isis-says-donald-trump

Aragtida ku salaysan dhaqaalaha Mareykanka, Mareykanka wuxuu dhaqaallo xoogan ka helaa Sacuudi Carabiya. Maalmahan dambe waxaa la dilay Sheekh Shiica ah oo aad loo yaqaano, waxaana lagu dilay dalkaas Sacuudi carabi. Sawabta loo dilayna ayaa ahayd in lagu helay falal argagaxiso sidda ay sheegeen dowladda Sacuudi Carabiya. Sheekh Nimir Al-nimir ayaa dilkiisa waxaa laga banaan baxay dalalka sidda Iiraan, Bakistan iyo meelo kalle oo aan sidaas usii badneen. Dilka Sheekhaan ayaa keentay in la gubo safaaradda Sacuudi Carabiya ee dalkaas Iiraan. Waxaana kasoo baxday hanjabaad ka timaaday dowladda Iiraan. Arrintaan ayaa ka hadlay Donald Trump wuxuuna ku tilmaamay in danaha Mareykanka uu ka leeyahay Sacuudiga madmadow ay gelini karto qilaafkaan cusub ee ku aadan labadaan wadan. Wuxuuna tilmaamay in Iiraan ay halis ku tahay danahii Mareykanka.

Waxaa la sheegaa in Mareykanka abuuray ururo badan oo argagaxiso ah asigoo fiirsanaayo danahiisa dhaqaalle.  Global Research (Centre for Research on Globalization) waxay qortay qoraal ay ugu magacdartay (America Is Created Al-Qaeda and the ISIS Terror Group) “Mareekanka wuxu abuuray Alqaacidda iyo ururka Islaamiga”

Iyagoo faah-faahin ka bixinaayo waxay yiraahdeen: ‘’America is using ISIS in three ways: to attack its enemies in the Middle East, to serve as a pretext for U.S. military intervention abroad, and at home to foment a manufactured domestic threat, used to justify the unprecedented expansion of invasive domestic surveillance.’’

“Mareykanka wuxuu u isticmaalayaa ISIS saddex siyaabood: In ay weeraraan cadowgooda Bariga Dhexe, si ay ugu adeegsadaan mar-marsiisyada Mareykanka ee faragelin xagga milatariga dibadda, iyo in gudaha wadankooda lagu abuuro khatar, si loo helo qiil  ballaarinta gelidda gudaha wadamadooda.”

Waxaa kalle oo jirra wakaaladaha kalla duwan ee reer galbeedka qorayaan sidda:

The Insider news article:

“CIA created al-Qaeda and gave $3 BILLION to Osama bin Laden”

“…..The US government trained, armed, funded and supported Osama bin Laden and his followers in Afghanistan during the cold war. With a huge investment of $3,000,000,000 (three billion US dollars), the CIA effectively created and nurtured bin Laden’s al-Qaeda terrorist network using American tax-payers money. Afghanistan is one of the world’s poorest countries, where such an enormous sum of money would have had extraordinary value.”

“CIA ayaa abuuray al-qaacidda oo siisay $3 bilyan Osama bin Laden”

“….Dowladda Maraykanka ayaa tababartay, hubaysay, heshay oo taageertay Osama bin Laden iyo xulafadiisa oo ku sugnaa Afganistan (Afghanistan) intii lagu jiray dagaalka qabow. Iyadoo maalgelin-weyn ee $ 3,000,000,000 (saddex bilyan oo doolarka Mareykanka), CIA ay si wax ku ool u abuurtay iyo waxa kobciya shabakad argagixiso Bin Laden ee Al-qaacida lana isticmaalayo  lacagta canshuur bixiyahasha ee Maraykanka oo fa’iido leh. Afganistan waxay ka mid tahay wadamada aduunka ugu saboolsan, halkaas oo ah wadarta sidda weyn ee lacag badan oo qiimo leh keenayso.”

BBC news article:
“…Bin Laden left Saudi Arabia in 1979 to fight
against the Soviet invasion of Afghanistan. The
Afghan jihad was backed with American dollars
and had the blessing of the governments of Saudi
Arabia and Pakistan. He received security
training from the CIA itself.”

“… Bin Laden wuxuu ka tagay Sacuudi Carabia sanadkii 1979 si ay ulla dagaalamaan duulaankii Soofiyeetii ee Afganistan. Jihaadka Afganistan ayaa lagu taageeray doolarka Maraykanka oo lahaa barakada dowladaha Sacudiga Carabiya iyo Pakistaan. Waxa uu helay tababarka ammaanka CIA naftigeeda. “

ABC News article:
“In the 1980s, bin Laden left his comfortable
Saudi home for Afghanistan to participate in the
Afghan jihad, or holy war, against the invading
forces of the Soviet Union – a cause that,
ironically, the United States funded, pouring
$3 billion into the Afghan resistance via the CIA.”

ABC News maqaal:

     “Gudaha sanadkii 1980, bin Laden wuxuu ka tagay gurigiisa raaxada Sacuudi asigoo aaday Afghanistan si ay ugu qayb galaan. Jihadka Afganistan, ama dagaal qudduus ah, oo loogu soo horjeedo soo duulimaadkii Ciidamada Midowga Soofiyiinta – sababtoo ah, Waxaase xusid mudan, in Maraykanka maalgeliyay, ku shubtay, $ 3 bilyan iska caabinno ay Afganitanka ay bixinayso CIA. “

Dhamaan jabhadahaasi waxay ku dhaqmaan caadooyin iyo dhaqamo xun-xun oo ka soo horjeeda diinta Islaamka, waxay dabargooyaan dhammaan dadka shicibka ah, waxaan la arag dagaal weyn oo ay ku qaadeen  dawladaha gaalada ah, sida ISIS ama Daacish waxaa dhawr talaabo u jiraan dawlada Yuhuuda, balse lama arag wax dhibaato ah oo ay u gaysteen. Waxay dhibaatooyinka u gaystaan waa dadka masaakiinta kunool deegaanadaas. Dhaqanada iyo caadooyinka ay ku dhaqmaan jabhadani ayaa ah kuwo cadayn u ah siday uga fogyihiin diinta Islaamka.

Edward Snowden oo ah nin la shaqayni jiray sirdoonka Maraykanka, qaybta Hay’adda Ammaanka Qaranka “National Security Agency” (NSA) ayaa  waxaa uu sheegay “in sirdoonada Maraykan, Yuhuuda, iyo  Ingiriiska ay mudo dheer qorsheeyeen samaynta ISIS ama Daacish, waayo waxay ugu talo galeen in la sameeyo cadaw u dhaw dalka Yuhuuda, si ay caawimada dawladaha reer galbeedka siiyaan Yuhuuda u joogsan. Waxaa kalle oo ay u sameeyeen si ay u xadaan siliida kujirta barigga dhexe. Waxay taas cadaynaysaa in ISIS ama Daacish maalintii iibiyaan in ka badan 25,000 barmiil oo saliid ah, oo waxay ka helaan dhaqaalle gaaraya illaa 1.2 Milyan oo Dollarka Maraykanka.

Waxaa kallee oo Snowden sheegay in hogaamiyaha Daacish ama ISIS ee Abubakar Al- Baqdaadi ay tababaro ay siiyeen sirdoonka Yuhuuda siddoo kalle, wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa uu qormo uu kaga sheekaynayo Abu Bakar Al Baqdaadi sheegay in qabsashadii Maraykan ee Ciraaq ka horre uu ahaa macalin jaamacadeed, 2004 ayaa la xiray dibna loo ma arag illaa 2014 ka hor. Waxaa xilligaan sheegtay in Al-qaacida Ciraaq ay u dooratay in uu noqdo Amiirka Muumin. Hadaba mudada la wayay waxaa la sheegay in sirdoonka  Yuhuudu tababaro siiyeen Abubakar Al Baqdaadi.

Jabhadaha argagixisadu waxay isticmaalaan qalabyo aad u horumarsan, waxay haystaan hub noocyada ugu casrisan, waxay qabaan tababarada ugu wanaagsan ee sirdoonada la siiyo. Waxay leeyihiin shabakad sirdoon ah oo meelo badan joogaan. Waxaa isweydiin mudan, jabhadaha dunida oo dhan raadsato ama ka mamnuuca ah, siday u heli karaan waxaan oo dhan, ha noqoto hub casri ah oo ay ku dagaalamaan mise qarashaadka kalle oo iyaga ku baxa?

HILLARY CLINTON oo ka hadlayso inay ka mid ahayd dadkii sameeyay Ururada Alqaacida (Islaamiyiinta) ah iyadoo wali tilmaamayso danaha loo sameeyay. Waxayna leedahay waxaan u sameynay danaha Ameeriko!!!!!



Madaxweynaha Ruushka oo asigana tilmaamayo in Ameeriko ay ka dambeysay sameynta urarada qasay wadamada Islaamka

Fikirkaada Waa Muhiim