La soco qeybtii 1aad ee ka horeysay qeybtaan………..

             Qeybtaan waa qeybta 2aad………………….


Aamus naan gaaban dabadeed hal-mar ayeey xoog u neefsatay waxeeyna iska baadhay awood aay ku gudbiso waxa ka dhax guuxaya oo uu Khaalib na aad u daneeynaayo, halmar ayeey cod gaaban oo leh xabeeb ku tiri “Waxaan la noolahay. Qoys caddaaladu aay ku yartahay danina aay I baday waxaan la kulmaay dhibaatooyin kala gadisan kalana duwan hooyada, guriga waa ruux marwaliba ii quurin indhaheeda. Wax waliba oo xumaan ah na aniga ayeey ila jeceshahay ineey igu soorto waxaa jira habla ilasiman da,ahaan balse ayaga waxaa u nool hooyadood taa oo wax waliba oo aay ku riyoodaan u rumeeysa  waxeey haystaan wax waliba oo aay nolosha aay u baahan la haayeen  sidda inla ga fikira in loo fikira wax barsha lagu dir­qinaayo balse aniga waxaan hay jaariyada ama {shaqaalaha guriga} wax xaquuqa  kuma lihi  taa ayadoo jidha ayaa hadane waxaan qabaa hagar damooyin aan dhamaan malin waliba .

Inta kahor, waxa igu dhacay in malin xaaska adeerkey  yar-la dhashay inoo soo martiyay  kaa oo ka imaaday magaalo fog. waxaa dhacay arin manta hadii aay walid keeyga nolaan lahayeen aay wax weyn noqon laheed. Balse  garab laanta I haysa dareteet loo aasay lagana dhigay wax kam jiraan iyo masabidasho aan hadalka guntiisa kuusii wadee waxeey tidhi waxa ii yimid yarki la dhashay xaaska adeer waxuu ii sheegay inuu leeyahay xaas madaama uu ka fog yahayna u baahan yahay qof sii maweyliso waxan ku iri “Intaan inaad dhantaan ku moodayay”intuu igu qoslay ayuu gacmah ila soo galay waxuu isku day inuu awood igu maquuniyo waan ka biya diiday balsa waxaa jujuub kii iyo handadaadiisi  maqlay oo arkay gabadh guriga jogtay oo yared  markuu arakay ayuu I daayay oo iga tagay  waan ciil ooyay,riin iyo taah guhaad aan iga  go‘in ayaan waday wax ila hadla maan arag  oo igu yiraahda “maxaa ku helay” waxaa I maaday adeer keyga oo ah ruxa guriga leh kaa oo aniga  dartii aan u joga guriga waan u sheegay waxii igu dhacay waxaa timadi   xaaskiisa wiilkana la dhalatay weey qeeylisay waxeeyna ka dhadhicisay inaan aheen dulmane ee aan ceeb la wareegaayo  hadaladii aay ku hadleysay waxaa  aay I gaarsiiyeen heer aan dhaho wax ma qabo ee sidaan igu daayo un adeerna waxba kamuu dhihin  waxuu galay qolkiisii waxaa ii soo laabtay xaaskii adeer oo igu sii jees jeestay.

Manta iyo umuurteeda waxaa xali guriga laga waayay dahab dhan 88 garam oo lacag ahaan ($3256) lamana garanaayo cida qaadatay haba ahaatee waxaa sakay hurdada iga kiciyay qeeylo oo lagu dhawaaqaayay Qaali ayaa qaadatay iyo hadala kale waan soo kacay waxaan filayay wax fudud halmar ayaa leygu yiri     “naa dahabkeyag dheeshaas ku qaadan meysid” waan ar gagacxay waxaan kala garan waayay dadkii I hortagna iyo muqaladooda dhagaheeyga ilaa hada waxaa ka yeeraayay . Hadaladii waxaa mar qudha hadlay adeer oo go aan qaatay waxuuna igu iydhi  “wax waliba oo dhacaaa tani ma ahan mid lagaa yeelaayo waa inaad 24 saac gudahood ku keentaa dahabkaas hadii kale waan ku xerayaa” AFKII BAA JUQDA GABAY

Dadkoo idilna waa aay iga wada aamuseen oo waxaan wayay midh qudha oo igu dhaha waxa la sheegaayo maxaa ka jirdha? Ilma aan joogsi leheen wadna garac cabsi ku jirta  wal wal iyo  colool xanuun  iyo inaan dareemayo inaan ahay qofka dunida u nasiib xun waayo aniga waxaaba I soo radsada mar waliba mushkilada  mana aqaan waxaan ka yeelo waxaan hada  rabay inaan banaanka u soo baxo si aan u nafiso waqtigana waan eegaay oo waxaan haystaa waa 24 saac un oo hada  ku guda jirno  markaan soo labistay oo aan soo bixi raba waxaa I hor istaagtay xaaska adeer oo igu tidhi “waxaad sidataa dahabkeygii waan ku baaranyaa” waxeeyna ii baartay si aan hadal ku sheegi Karin waliba baaritaan oo kaliya ma aheeyn nee waxaa la socotay caay iyo handadaad

Waxaan sameeyana ma garanaayo magaladan cid kama aqaan  yaab yaab dhaafay  dhafoora taag ayaa ka soo haray Khaalib  waxuu war dhan ku bilabaay ma rintaan ma arintaan…………….intuu kali meel fadhiisayay ayuu axuu la sheekeystay naftiisii isag oo u sheegaaya waxeey waaya soo martay xasuustisii 


Fikirkaada Waa Muhiim