Sida aynu la socono waxbarashada waa shayga ugu muhiimsan uu aadamuhu ku anfici karo noloshiisa tan qoyskiisa iyo mida bulshada uu la noolyahay,hadii aan u soo daadago dhubucda qormadeyda, wadankeena Soomaaliya waxa uu soo maray waqti loo aqoon jiray bari samaad oo macnaheedu tahay waayadii fiicneyd,waxbarashada iyo tasiilaadkuna ay ahaa jireen lacag la’aan (bilaash) oo ay waajib ahayd in uu waalidku geeyo caruurtooda iskuulada marki ay gaaraan xilliga waxbarashada oo ah 7 sano.

Taajir iyo faqiirna ay u sinaayeen helida wax barasho tayo leh ahaydna mid ka tilmaaman qaaradaan baaxada weyn ee Afrika, nasiib daro markii uu wadanka burburay bilawgii sagaashameeyadi wax waliba waa ay is badaleen, waxa isbadalay waxaa ka mid ah waxbarashadii tayada laheyd ee sida bilaashka ah ay ku helayeen ardayda soomaaliyeed, wadanka waxaa ka aas-aasmay iskuulo si gaar ah loo leeyahay oo meesha ka saaray manhajkii xooganaa ee soomaaliga una badalay manaahij laga keenay wadamada dariska sida Kenya iyo wadamada carabta, kuwaasi oo hoos u dhigay aqqoonta uu ardayga u yeela lahaa wadankiisa tusaale taariikhda manaahijtaas lagu dhigo ayaa ah wadamadaas aan horey usoo sheegnay.

Waxaad arkaysa arday kor ka yaqaana gobolada iyo dagmooyinka wadamadaas oo hadii aad weydiiso maagala madaxda gobolka Bakool ama Awdal ku dhahaya ma aqaan taasina waa qeyb weyn oo ka mid ah nasiib darada nagu habsatay, sidoo kale waxaa daaqada ka baxay waxbarashadii ardaydii kasoo jeeday qoysaska taakta daran ee la diriraya nolol maameedkooda oo ay danta ku qasabto in ay caruurtooda u diri kari waayeen iskuulada taasina waxa ay meesha ka saartay in ay sinaadaan ardayda ka soo jeeda qoysaska taakta daran iyo kuwa wax heysta, illaa xiligaan aan joogno dadka wax barta waa dadka wax haysta ama dakhligoodu yahay meel dhexaad, waxaana dhihi karnaa 60% da’yarteena ma heestaan waxbarasho,

Su’aasha ayaa ah siddee baan ku bad-baadini karnaa dhalinyadii waxbarasho la’aanta ku dhacday iyo kuwa hadda wadadaas kusii socda???


Fikirkaada Waa Muhiim