Qabiilka waa calaamad ka mid ah calaamadaha lagu aqoonsado soomaalinimda waana muhimada koobaad oo dad badan oo soomaali ah ay siiyaan juhdi badan si ay aqoonsi badan iyo tix galin u gaarsiiyaan qabiilkooda. Qabiilka waxa uu astaan u ahaa bur burkii dowladnimada iyo in ay lunto qaranimadii soomaaliya walina waxaa jiro ififaale muujinayo in qabyaaladii ay sii fideyso xili dad badan oo soomaali ah ay aaminsanaayeen in xiligii qaSbiilka laga gudbay.

Hadaba waxa isweydiin mudan in qabiilka uu yahay wax lagu faani karo? jawaabta oo inta badan ay soomaalida ka xishoodaan ayaa noqoneyso maya oo waliba waa jaahilnimo hadii uu qof qabiil ku faano.

Dhalinyarada oo ah laf dhabarta dalka iyo dadka ayaa laga rabay xilikan in ay ka foojignaadaan qabiilka balse hadane waxaa muuqato in ay ayagu yihiin kuwa ugu horeeya ee qabiilka ku faano oo tixgalin siiyo.

qaar ka mid ah dhalinyarada waxa ay marka ugu horeyso oo aad is barataan ay kaaga bilaabayaan su;aalo ay ka mid yihiin xagee somaliya ka dagnaan jirtay? deegaanka aad ka soo jeedo waa xagee> iyo su;aasha sadaxaad oo ah qabiilkee tahay.

Inta badan dhalinyarada ka soo hayaamay dalka oo ku sugan qurbaha ayaa wax ay yihiin kuwa uu ku faafay qabiilka waxaana sheekadooda ka dheehan kartaa marka aad dhageysato qaabka uu qabiilka u sii fidayo, waxaana aad mar walba maqleysaa hadalo ay ka midyiin midkii xumaa oo reer hebel ahaa meeshaa ma waxaad u maleysaa meel hebel oo isbaaro idin taalay iyo hadalo aanan ku qancin oo kuwaa ka sii xun.

Waxaa la mid ardayda wax ka barto jaamacadaha oo ayaga la islahaa waxa ay mustaqbal wanaagsan u horseedi doonaan dalka balse xaalkoodu yahay mid liida waxa ayna mar walba isweydiiyaan ardayda jaamacada kula dhigato waa qabiilkee. Si kastaba ha noqotee falanqeynta qabiilka ayaa ku batay dibadaha waxaana xitaa ay soomaalidii mareysaa in ay qabiilada braan ajnabiga ay la noolyihiin.

Wax yaabaha kaa yaabinayo ama aad ka nexeyso waxaa ka mid ah markii qof safar ah uu soo kalo dal shisheeye oo soomaali aan eheyn qofka ugu horeeyo oo somaaliga ah waxa uu hadal uga bilaabayaa yaa tahay? halkii uu ku caawin lahaa muslinimo iyo soomaalinimo, markaa ka dib waxa u furan qofkaas in uu sheeko qabiilkiisa markaasaa waxa laga yaabaa qofka ugu wanaagsan in uu yiraah qabiilkiina xaga ayey u badanyihin halka midkii aanan naxariis leheyna uu yiraahdo qof kama garanoyo qabiilkaada.

Runtii waa sumcad daro iyo dulinimo in aan maanta wali isku sii faquuqno qabiil anagoo mareyno xili ay aduunyada horumartay oo ay nabad ku damaashaadeyso.Waxaa isweydiin mudan mar hadii u dalkii abaarahay oo nabad aysan ka jirin qurba joogtiina ay qabiil ku hal qabsadeen mala samata bixin karaa dalka?

Jawaab ka fiirsi mudan oo qof walba uu ka dharagsanayahay ayaa noqoneyso maya walow dadka qaar ay wali moodaan in uu xalka ku jiro qabiil.

Dulinimda nagu habsaday ayaa waxa shacabka soomaaliyeed ay uga bixi karaan in ay si wanaagsan uga run sheekaan diinta islaamka oo kaliya hadii kalane waa mid sii daba dheeraan doonto.

waxa aan la dar-daarmayaa dhalinyarada in ay badalaan dabeecadohooda qalafsan oo ay ku caadeysteen ka hadalka qabiilka una badalaan qaranimada waa sida uu xaalku ku jiro.

Dhalinyaro caqligu ha shaqeeyo fahamku ha sareeeyo adinkana waxaa tihiin tusaalihii dalka ee waxaad horseed u noqotaan qaranimada iyo nabada.

Dad badan ayaa waxa ay hadalkooda ku soo cel celiyaan Tixidii c/laahi suldaan timacade mahad ha ka gaadhee oo eheed (qabyaalad dugsi ma leh waxey dumiso mooyaanee) balse hadane ma’ahan wax uurka jiro ee waa hadal oo kaliya.

dad badan oo ka mid ah hormuudka bulshada sida saxafiyiinta iyo abWaanada ayaa hada waxa ay ku biireen qabiileystayaasha maadaama hada waxa walba lagu xiray qabiil qabyaaLAdana meel walba ay gashaya.

Xaqiiqdii waa aafo weyn oo ku habsaday shacabkeena mar hadii qabyaaladii ay ka hormartay qaranimadii hadii uu qabiilka saan usii caan baxanaa waxaa mar kale mugdi gali doono qaranimadii dalka oo dhan.

Isboortiga oo ah halka ay inta badan ku kulmaan dhalinyarada is dhex galkana laga dhaxlo waxa uu isku badalay qabil, waligaa ma maqashay koox hebel taageeri maayo waayo waxaa taageero reer hebel waana u nacay, wax yaabaha la’arkay ayey ka midtahay.

Ma rumeysantahay in warbaahinta ay noqotay meel qabiil? dad badan ayaa waxaa arkeysaa ayagoo ku dhahayo ma aqrinayo web-kaas waayoo waxaa lagu qoraa dan qabiil marka aad si tixraacdana waxaa kuu soo baxaa waxa jiro in ay runyihiin, halka qaar website-yada lagu caayo qabiilo gaar ah.

Hadaba waxaa muuqato in saameyn weyn uu qabiilka ku yeeshay dhalinta somaliyeed joogta ah mana muuqato sabab looga bixi karo maadaama dhiig mareenka dadka uu qabiilka hada wado u noqday, balse waxaan dar-daarminayaa, dhalinyarooy in qabiil uusan eheyn wax lagu hormari karo ee meel kale ha loo weeciyo arinkan.

waxaan rabaa in aan halkan ku xuso astaanta muhiimka u ah dhalinyarada waana (tribalism provides no shelter, only causes ditruction) waa muhim inaad ila fahantan xumaanta qabyalada.


Fikirkaada Waa Muhiim