Waa qeybtii 1AAD


Ilma nimadiisi waxuu aha wiil aad u fir-fircoon  faraxadna ,  wajigiisa laga dheehan karo waxuu ku soo bar baaray nolol  mel dhaxaad ah. waxaa soo korisay ayeeydii waxeeyna mar walba jacleed faraxdiisa iyo horumarkiisa sida aay waalid waliba uu u jacel yahay  ubadkiisa. Khaalib waxuu noqday ruux aay bulshda jaceshahay dhan waliba lagu na daydo waxuuna lahaa dareen,  aad u sareeyo   kaas oo u suura galiyay in aay dadka wada jacladan mid yaqaan iyo midaan aqoon waxuuna  ahaay sama -fale

Khaalib waxuu gaaray heerkii qaangaarka kaa oo noloshiisa wax badan ka badalay. Waxuu daganaa xaafad lagu magacaabo Indhaceel ee ku taala dagmada Bula-burted dadka xafada dagan dhamantood waxeey ahaayeen bulsho isku duuban oo aad u jacel deegaankooda. Dhalinyarad dagmadaas  dhamantoot waxeey ahaayen dhalinyara aad isugu dhaw  iskana war qaba.

Waxaa soo guuray oo casimada soomaliya ka soo baqoolay. Qaali oo aheeyd garbadh ilahey u dhiibay qurux iyo dabeecad waxeey  aheed gabdh nolosha wax badan ka fahan-san waayo waxeey la nooleed . qooys oo aay qaraab yihiin taa oo sababtay ineey noqota gabar  fikir-dheer waliba waaya arag ah dhibaatoyinka qof waqtigeeda oo kale soo wajahan taqaan sida loo xaliya.

 Qoyska Qaali waxaa la waay muuqooda waayo ,maba soo baxaan marwalibane lama arko dadka xaafdane waa ay la yabanayeen waayo xafadu waxeey aheed xaafad ku dhisan is dhaxgal iyo iska war qab  Khaalib oo malin durur ah cad-ceedana aad u kulushahay. socda wadad marta guriga Qaali   ayaa arkay gabar da” aadiisa  ah oo aad u nuureeysa.  

Waxuuna ka dareemey ineey wax raadineeysa waxuuna ku yiri: “walal ma u baahan tahay wax caawimaad ah?” Iinteey eegtay ayeey ku tiri:” waxan ahay soomali waxana ku hadlaa afkeeyga hooyo waxaan jogaa dhulkeyga wax  caawimad ah makaga baahni !” waxuu ku war celiyay “waad mahadsantahay”  waa uuna iska sii tagay malintii danbe waxaa uu la kulmay saxibadiii oo ku murmaayo guriga lama dagano hadii la dagan yahayane dhalinyara madagano khaalib intuu ka dhax galay yuu ku yiri:

Anaa arkay gabar asaageen ah balse hadalkii sanba xuma ayeey u gidineysaa waxaan u maleynayaa ineey dhaawac gudaha qabto?” intee ku qosleen asxaabtiisi ayey ku dhaheen waxaa tahay mush-kilad abuure ee naga daay maalayacniga.

Malin kale ayaa waxa wadda ku kulmay Khaalib iyo Qaali  weey is eegeen kadib marku la siman yahay garabkeda ayuu ku yiri: “waan ku salami laha hadii aadan ka xumaneynin?”  Waa uu sii socday  inteey dib u milicsatay ayeey ku tiri: “Inankoow”  Waa uu soo laabtay waxuuna ku yiri:” magaceygu waa khaalib adigne?”Inteey ugu jawabin su aashiisa ayeey ku tiri: “Waxaan raba inaad doobi melahan iga tilmanto?”  Intuu  qoslay ayuu ku yiri: “Waa kaas marka ayey ku tiri :”magaceygu  waa Qaali”  waxuu yiri: “halkee ka soo guurteen?”  markaa ayey ku tiri “muqdisho”  “ka intee?” dagmada hodan . waa aay kala tageen Qaali waxaa aay la yabtay wiilka qaabka aay ula dhaqantay iyo siduu wanag ugu badalay

 Waxeey noqdeen laba qof oo is garanaayo muqalka iyo magac ba.  Dhowr malina waa aay shekeysteen oo waxeey ku kulmeen si kadis ah balse mar waliba Khaalib waxaa ku tagnaa muruga o uu ka daremayay Qaali waxuuna la.aay qaab o uu u weeydiiyo waxuuna ku  mash quulsanaa hab xeeladeeysan oo uu ku ogaan lahaay gabdha waxa ka qaldan ee ka dhax guuxaayo.

Malintii danbe waxaa  wadada kaga  hortimid Qaali oo murugeysan waliba  Indhaheedu aay ilma ka daadaneeyso waxaa dareemay Khaalib oo u nuglaa mar waliba xagaa iyo Qaali. Wey salantay   asagoo yaaban oo fikiraayo ayuu waxuu gaaray  go,aan kaa  oo ahaay inuu ogaado waxa jira ee gabadha  aay la ciishooneeysa dagdag ku qaatay waxuuna ka fasax qaatay, Qaalii waxuuna weydiiyay inuu u bahanhayhay inuu weydiya su aalo dhowr ah  qali markiiba waxeey   ku tiri “maxaad iga dooneeysay markaas ayuu qoslay oo ku yiri “waan ku dhibayaa  waxaana rabaa inaan arin yar kula wadaago ma ii ogo laaneysaa ayuu yir?” inteey yaabtay ayeey ku tira “haa”.

 Markaa ayu dhahay ina keen dhanka Beertaas waxeey  fadhiisteen meel aad u jawi dagan  waxuu  ku dhahay maxaa kugu dhacay manta ma faraxsanid adna waxaad ku nuureysaa  faraxada  ee ii sheeg waxa jira ? Waxeey isku dayday ineey daboosho balse waa aay awoodi weysay   waxeey halmar cod gaaban ku tiri “qoys waliba intii dhibta agtaala” waa uu yaabay waxuuna garan waayay su asha xiga ee uu weydiin lahaa.  Waa uu  dhoola cadeyay waxuuna bilaabay inuu ugu sheekeya  qisooyin badan oo cibara qadasho leh oona ah kuwa dhiira galin balse intaba horeey  ayeey u maqashay   oo waxaa horey loo yiri  (Dhibane dheeftii asaa og ) waxuu ka codsaday asaga oo hoos madaxa geeynaa ineey  wax un fahan siiso waxeeyna tir: waxba kama faa ideeysid.  Ee naga daay waqtiga  yeey inaga qaadinee markaa ayuu ku yiri “wax waliba waxaa iga muhiimsan inaan meeshan ka kaco anoo wax og  fadlan walaltinimadeena darteet  iigu sheeg?”

Waxeey tiri waxaan ahaay sadax jir markii ay Hooyadeey geeriyootay waxaana waayay Abaheey isla waqtiga oo asna ku geriyooday shil baabuur   hada arinta ma ahan inaan ka murgaya ajasha waalidkeyga ku timid balse waxaa jira arinkale  oo ka duwan taa ……………………………………

 

QEEBTII 1AAD EE SHEEKADII 5 SANO KADIB SACABADA HOORSO!! 

                                      LASOCO QEEBTA 2AAD EE SHEEKADA



Fikirkaada Waa Muhiim