Madaxa hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujiyay qiimo dhimista lagu sameeyay mushaarka ciidamada AMISOM. Qiimaha laga jaray mushaarkaan ayaa ah 20%. Qiimo dhimistaan ayaa timid sanaadkaan 2016 sidda uu shaaciyay Golaha amaanka Francisco Caetano Jose. Wuxuu sheegay in arintaan ay leedahay sawabteeda hoos u dhaqaalle oo ku yimid wadamada qaarada Afrika, iyadoo loo anaaneeyo qiimaha badeecadaha.

eu

Mr Jose ayaa ugu baaqay dowladda Britin inay raadiso xalkale oo lagu taageero karo AMISOM. Midowga Yurub ayaa ku bixiyo mushaaraadka AMISOM 200 milyan oo doolarka Mareykanka ah. Waxaana la sheegaa in qarashkaas la bixiyo sanadwalbo. Go’aankaa kasoo yeeray midowga Yurub ayaa cadeenaayo in askariga ka tirsan AMISOM uu qaadani doono bil walbo 828 doolar.

Bal su’aasha meesha taallo ayaa ah, Maxay midowga Yurub u maal gelini waayeen ciidamada Soomaaliyeed. Maxaa yeelay waxaan ka wada marqaati nahay in ciidamada  AMISOM dad badan dhibaato u geysteen oo ayna ku guul dareysteen inay hantaan amniga dalka oo dhan. Ciidamadaan ma ahan markii ugu horeysay oo loo diro Soomaaliya waxaa kalloo horey loogu diray wadamada qaarada Afrika kuwa ka mid ah.

Hadalkan oo loogu qiil sameynayey ama marmarsiiyo loogu raadinayey qabsashada qaawan ee Xabashidu dalka ku wada  marooqsatey, iyadoo loo fiirinayo in xabashidu deris la tahay Soomaaliya, sidaas darteedna cid uga xaqleh aysan jirin inay faragelin Military ku sameyso!, taasi waxaa lagu tilmaami karaa hadal aan waxba ka bedelyn  ujeeddooyinka gurracan iyo danaha gaarka ah ee xabashidu ka leedahay Soomaaliya, dhanka kale ujeedada ciidamada Afrika miyaan la dhihi karin waxaa lagu daboolayey ciidanka Xabashida ka joogaey gudaha Soomaaliya, oo gaarayey ilaa 8000 (sideed kun) oo askari, taas macnaheedu waxey tahay iney isla egyihiin ciidamada ka imaanaya dalalka Afrika iyo ciidanka Xabashida ka joogey dalka!!!.

Waxaa kale oo jira baaq ka soo baxay qaramada Midoobay, bartamihii bishii Novembar ee sanadkan, oo lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyo xasuuqa ay gaystaan AMISOM, balse dib ma u maqasheen wax warkiisa wada? Meeshii lagu sheegay ayaa isna loga tagay, halkaan waxaan rabaa inaan Soomaalida dhaliilo, Soomaaliyeey codkaagii maxaa ku dhacaay? Xabashi sidaad ugu mudaharaadey maxaad ugu mudaharaadi la’ dahay AMISON? Mise way idiin kala duwan yihiin? Dilaa waa dilaa mar walba magacaad rabto u baxshi!.



Fikirkaada Waa Muhiim