Waxaan ognahay in damiirku uu san ogolayn gumeysi, in sharaftu ogoleyn ceebeynta, in xaqa uusan ogoleyn dulmiga, in nabaddu eysan ogoleyn colaadda!!!

Maantay taariiqdu waa 13ka Oktoober 2019ka, waxa aan qalinka uqaatay in aan marqaati ka’ahay Jahliga iyo cadowtinimada Dalkeenna Soomaaliyeed ey u maleegayaan kuwa nagu Af’ iyo Diir ah, kuwa naguleh waan idin ladhalannay hadana halaqa iyo bahallo galeenada nagu soo hagayo, kuwa leh war aan dalkeenna cadowga kadifaacanno hadane cadowgi noosoo horseeday ee raba in aan gumeysi ku noqonno.

Shalay ayay ahayd markii Magaalada Kismaayo roog cas oo nabad iyo jacayl katurjumaayo loogu fidiyay cadowga Soomaaliya (Adan Barre Du’ale), aqristow gar ayaan rabaa in aad ila naqdo “Sanaddu waa 2009kii,  Xaaji Xasan oo kamid ah odoyaasha deegaanka ayaa waxaa gurigiisa u soogalay askar Itoobiyaan ah waxa ey xabado kuridieen caruurta waxa eyna kufsi iyo jirdil kusameeyeen 2 gabdhood oo uu dhalay Xaajiga sidoo kale waxa ey gowraceen 3 wiil oo da’doodu udhaxeyso 17-9 jir, aad ayuu u xanuunsaday Xaajiga.

Laakiin awood iyo itaal ma’uusan ulahayn oo uu ku difaaco caruur waxa uuna ahaa oday da’diisa ey gaareyso 73jir, muddo 3 maalin ah kaddib waxaa weerar xooggan lagu soo qaaday askartii Itoobiyaanka ahayd waxaa ku dhacay kala-firdhad iyo jahwareer, waxaa guriga Xaji Xasan soo galay askari katirsanaa kuwii dhibaatada xooggan ugeystay Xaajiga oo kulahaa Soomaali urayo ayaad tahay!!!

Tolow Xaajiga Maxaa La gudboon??? Ma’in uu qariyo oo uu ula dhaqmo sida walaal ladhashay mise waa in uu ogyahay in uu cadowgii shalay yahay ee aan naxariista lahayn.

Bal-Kawarran Siyaasiyiinta Soomaalida Qaarka Ah Sida Askarta Itoobiyaanka Ahayd Oo kale?

Marka aad muuqa kafiiriso waa dad oo waliba waa Soomaali, Marki aad maankooda fiirisana waa Masas aad u mariid badan aadna ujecel in ey cunaan hilbaha dheylada ah ee ,Dhallinyarada Soomaaliyeed, taas waxa aad ku ogaaneysaa marwaliba oo ey hadlaan waxa ey leeyihiin

“Dalka nabad kama jirto, Dowladda Soomaaliyana quus ayaan kataaggannahay, haddii ey isku daydo in ey dib usoonoqotana waxaa dhici doono dhibaato adag” warkaas macnihiisa waa dagaal ayaa billaaban doono, oo kolley iyagu dagaal galimaayaane yaa u gali doono??

Waxa kaliya ey rabaan waa in ey sunta mariidka leh oo ey carrabka kuwataan mariyaan Maskaxaha Dhallinyarada Soomaaliyeed!!! Oo Dhallinyaradu hubka qaadato sidi xaabadiina dabka lagu shido!!! Laakiin waaba haddii aan kayeelno.

Siyaasiyiintu waxa ey dhibaato walibo u maraan oo ey juhdi kasto ubixiyaan waa in ey wax helaan uun?

Waa calooshod u shaqeystayaal, taas waxaa cadeyn u ah, marki ey xilka horay usoo qabteen musiibo iyo mushkilado maahane wax xal ah ma’aysan keenin, xitaa dadka iyaga ugu dhow wax tayo leh ugama eysan tagin oo ey birri ku taageeri karaan iskaba daa Dalka oo idil e”.

Shacabku/ Dhallinyartu Waxa ey Matalayaa Xaaji Xasan?

Siyaasiyiintana Calooshood Ushaqeystayaasha Ahna Waxa Ey Matalayaan Ciidankii Itoobiyaanka ahaa Ee Xaaji Xasan Dhibaateeyay??

Dhallinyaradeenna Maxaa Nalagudboon:

  1. In hormarkeenna iyo howl-maalmeedkeenna eysan naga mashquulin dadka jihada kadhuntay, maxaayeelay annaga ayaanalaga rabaa Jihada qalloocan in aan toosinno.

  2. In aan ognahay Dalkaan in aan annaga leennahay, oo waa in aan muwaadiniin dhab ah unoqonnaa ciiddeenna.

  3. Waa in aan ahaanno tiir aan kaliicin Diinta, Dhaqanka iyo Afkeennaba, sababtoo ah intaas ayaan ummad kunnahay.

 

Mahadsanidiin

Fikirkaada Waa Muhiim