Buumbuuninta aragtida Siyaasiga qalafsan inta badan yaa lagu yaqaan? Muujinta hadalada qaar ka dhaca ah ee siyaasiyiinta qalafsan kuwaasi oo la mid ah kuwii Soomaaliya u bilaabay nidaamka jabhadeysi ee burburiyay dowladnimada Soomaaliyeed.

Waxaa dhawaanahan soo if baxayey warbaahino website-yo iyo Telefishino qaar kuwaasi oo lagu laaluusho ka hadalka wax walba oo dhaawici kara dowladnimada iyo madaxdeena qaranka.

Aan isweydiinee warbaahinta maanta jirta ma waxay noqotay mid loo adeegsado la safashada siyaasadaha is diidan ee Soomaaliya?

Haa, Haa, Haa, balse arinku sidaa ka duwan hase ahaatee meeshu markii ay warbaahin timaado waxaa dhacda in warbaahintaasi bandhiggeedu ay la socdaan shacbiyad badan, kuwaasi oo isugu jira mucaarad iyo muxaafid. Sida aan ku aragno warbaahinada qaybta ka ah baraha bulshada waa kuwa dhamaantood si wadajir ah kaga hadla xaaladaha dalka ka jira hase-yeeshee warbaahinada qaar waxaa lagu faafiyaa waxyaabo dadku ay dhibsadaan taasoo la sheegay in qarash badan lagu bixiyo.

Waxyaabahaasi aan soo sheegay ee warbaahinadaasi qaar ka hadlaan waxaa ka mid ah buumbuuninta iyo kor u qaadida qudbaha ay jeediyaan siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana layaab ah in warbaahinadaasi ay leeyihiin dad gacan saar la leh mucaaradka ama ka tirsan kuwaasoo warbaahintooda ay u furteen kaliya in lagu caayo dowlada wadanka ka jirto sarena loogu qaado qudbadaha lidka ku ah dowladda ee siyaasiga xanaaqsan.

Xogo kale ayaa sheegaya in warbaahinadaasi loo isticmaalo dano shaqsiyadeed siyaasi ah, kaasoo ujeedkiisa yahay in lagu amaano afkaartiisa qalafsan ee markii si loo eego ay tahay damac jago iyo waxa loogu yeero danleyda siyaasi.

Warbaahinadan ayaad arkeysaa in ay soo qaataan goos goosyo horay lagaga qabtay madaxda qaranka taasoo ay kaga hadlayeen waxqabadka dowladeed, xilligii tartanka, ayagoona soo qaato kaliya inta dowladu ku liidato waxayna marmarsiyo kaga dhigaan in madaxda qaranka ay wax badan ku fashilmeen, halka warbaahinadan laga mamnuucay ka hadalka guulaha ay gaareen madaxdeena qaranka.

Dhabta sheegisteeda ayaa ah in ma huraan ay tahay cid walbo oo Soomaaliya wax ka noqotay in ay diiwaan gelin doonto taariikhdu hase yeeshee waxaa guul inoogu filan hogaanka samaanta leh iyo samata bixinta dowladeed ee hor u socodka ka ah kana muuqata madaxdeena qaranka.

Fikirkaada Waa Muhiim