Dowlada federaalka Soomaaliya ee ay majaraha u hayaan Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Xasan Cali kheyre waxa ay tuse muujin u yihiin midnimo qaran iyo in la helo maamul isku mowqif ah, lagana gudbo is barbar yaacii dalkan dib u dhaca u keenay taasoo la arki jiray siyaasi dantiisa iyo calooshiisa u shaqa taga maalinkii.

Aan usoo daadago dulucda maqaalkan kaasoo muujinaya in dowlad walba ay awood u leedahay joojinta wixii markaasi caqabad ku ah kuna saabsan danaha qaranka. Waxaa jira kooxo daneystayaal ah waxayna caadeysteen faafinta afkaaraha lidka ku ah dowladnimada Soomaaliya ka jirto ayagoo markaa abaabulayo shaqaaqadeyn ay kaga golleeyihiin in burbur labaad ay wadanka galiyaan.

Maxaan oran karnaa mucaaradka Soomaaliya maanta ka jiro?

Sida muuqata mucaaradka Soomaaliya ka jira waa qaran dumisyo aan rabin in Soomaaliya ay hesho dowlad sal adag, waxayna ka baqayaan lana dhihi karaa in ay aaminsanyihiin mustaqbalka dambe ee Soomaaliya haddii ay dowladu ku guuleysato in fursad jago aysan u heli Karin maamulida hoggaanka dowladnimo. 

Dowladu xaq ma u leedahay in ay joojiso is hortaagan ku sameyso madaxweyne horay usoo maray wadanka?

Dowlad walba waxa ay leedahay nidaam dastuureed kaasoo qof waliba u ogolaanaayo in si xor ah uu qofka muwaadinka ku joogi karo dalkiisa una dhoofi karo gobol walba oo dalkiisa ka mid ah balse arinta taagan ayaa ah in haddii ay wadanka ka jirto dowladi, marka hore loo baahanyahay qofka mudanaha ama mar soo ahaa madaxweyne uu dhowro awaamiirta dowladeed ee wadanka ka jirto ma’ahayn siddii dhawaan uu ku kacay Shariif sh. Axmed ayadoo dowladu amar ka soo saartay duulimaadka la xanibay ee Kismaayo ayuu Shariif sameeyey amar burin uu ku damacsanaa rabitaankiisa shaqsiyadeed.

Hadaba Shariif qudbadii uu jeediyay waxaa ka muuqatay aragti caadifad ku saleysan oo uu ku weeraray madaxdeena qaranka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu Shariifka ku mana sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu asaga wadanka keenay taasoo lays oran karo in hadalada Shariifka ay ka aradanaayeen nidaamka qudbadeed ee uu jeediyay, waxaana wanaagsan qofka mas’uulka ahi uu hadaladiisa sarbeebo xitaa haduu qoonsimaad uu qabo.

Si walba ha noqotee dowladu awood way uleedahay inay iska diido wixii daneheeda ka hor imaanaya halka mucaaradka maanta jiro ay yihiin kuwo fursad gaad ah oo kaliya indhohoodu ku foogan jabinta amarada dowladoodu. Soomaaliyana uma baahna in maanta loo horseedo burbur dowladeed oo aan soo aragnay qiimaha burburku leeyahay oo ilaa 30sano ka hor inoogu dambeysay dowladnimo mideysan oo aan arganay.

Fikirkaada Waa Muhiim