HAL iyo HALKIIS, waa tix gaaban oo uu Abwaan Maxamed IBraahim Warsame (Hadraawi) ku sifaynayo arrimo ka mid ah ILaahay iyo awoodihiisa (SWT). Sidaa darteed mar haddii EEbbe iyo awoodihiisa laga hadlayo, waxaa waajib ah in aan lagu deg-degin, oo laga fiirsado dulucda iyo xigmadda ku hoos jirta heestan, si aan denbi uga iman. Waayo qofka ay ku cusub tahay, ama aan xog hore ka hayni wuxuu u arki karaa, ama u dareemi karaa wax sahlan ama fudud, Sifaha iyo dulucda tixdan ku lammaani, runtii aad bay u qoto dheer yihiin.

Waxa aannu ku rajo weyn nahay, in haddii EEbbe idmo, aan mar kale halkan raacin doonno sifaha iyo beyd kasta ujeeddadiisa – (hadba sidii suurto-gal ah), annaga oo wixii adkaadana Abwaanka la kaashan doonna INSHA ALLAAH.

I

Hal-ahaade

Halnimadiisa

Iyo halkiisa

Hal ku-ahaade,

Halnimadiisa

Iyo halkiisa

Hal ma-ahaade

Hal kaga-yeele

Hal ku-ahaade.

II

Hal-abuure

Hal ka-abuure

Halal ka-abuure

Sii-halaleeye

Kala hal-yeele,

Hal ku-abuure

Hal ma-abuure

Halla ma-abuure

Hal ku-ahaade.

III

Hal isu-waaye

Hal isu-waaga

Hal uma-waaye,

Hal-labaleyda

Laba-halleyda

U hal-haleeye

Hal-samihiisa

Ma hal-haleeye

Hal ku-ahaade.

IV

Hal-ahaade

Halnimadiisa

Iyo halkiisa

Hal ku-ogaade

Hal la-ogaade

Hal ma-ogaade,

Hal hal u sheegtay

Hal uma-sheege

Hal ku-ahaade.

V

Hal-ahaade

Hal ma-ahaade

Halal ma-ahaade

Lama-haleeye,

Halnimadiisa

Iyo halkiisa

Hal hal ku doonay

Hal kuma-gaadhe

Hal ku-ahaade.

VI  

Hal-ahaade   

Hal ka-haleeye   

Hal-halaleeye   

Halal-haleeye   

Lama-halaleeye,   

In halalkiisa 

Halnimadiisa   

Hal kaga-yeele   

Hal ku-ahaade.

VII   Hal-ahaade   

Hal halleeye   

Halal halleeye   

Halnimadiisa   

Kuma-halleeye   

Hal halkiisa   

Kuma-halleeye   

Hal kama-yeeshe   

Hal ku-ahaade.    

VIII  

Hal-ahaade   

Hal-haleeye   

Hal ma-haloobe   

Hal ku-haleeye,   

Hal isu-doore   

Hal uga-doore   

Hal hal u doortay   

Halal ugu-doorshe 

Hal ku-ahaade.    

IX  

Hal kama-yaabe   

Hal laga yaabo   

Hal kaga-yaabshe,   

Hal isu yaabay   

Hal uga-yaabka   

Hal kuma-yeele,   

Hal uma-buuxshe   

Halnimadiisa   

Hal ugu-buuxshe.    

X  

Hal-ahaade   

Hal ku-labaale   

Hal ka-ahaade,   

Halal halalaystay   

Halalnimadooda   

Hal ku ahaaday   

Halnimadiisa   

Hal ugu-yeele   

Hal ku-ahaade.  

XI  

Hal-ahaade   

Hal la-ahaade   

Halal tiradooda   

Hal ka-ahaade,   

Halal tirintooda   

Hal ku-ahaade,   

Inta hal iyo hal   

Isu hal sheegta   

Hal ka-ahaade.  

Fikirkaada Waa Muhiim