Dhiganaha: kalahaadkii muqdisho
Turjumey: Boodhari Warsame
Bogga: 206 bog

Dhiganahan waa dhigane laga soo af-rogey afka qalaad ee Ingiriiska, waxaan qorey Yuusuf Maxamed Xayd. Dhigahan waxaa lagu qorey af aad u heersareeya, marna umalayn maysid dhinage la af-rogey(turjumey), waxaa lagu qoray af guun ah oo aadan marna ka caajisayn. Dhiganhaan waxuu faaqidayaa, lafo guridna ku samaynyaa waxyaabihii sababay dagaalkii sokeeye iyo inta waji uu yeeshay.

Qoraagu waxuu ahaa goob jooge, bulshada Soomaaliyeed usoo gudbiya, waxuu usoo joogey, saan-saantii muuqatay, dhibaatadii kacaanku uu dadka ku hayey. Waxuu si hufan oo qoto dheer u lafa gurayaa waxii muqdisho kadhacay laga soo bilaabo sodonkii Diseember illaa lix iyo tobankii janaayo.

Intaan dagaalku ka qarxin muqdisho waliba dhineceeda waqooyi, maalmo ka hor, qoraagu waxuu xilkiisii ku waayey qabiilka uu yahay, waxuu madax ka haa talafishinka qaran, kadibna waxaa lagu badalay mid ay ilmo adeer yihiin wasiirka warfaafinta, waxuu la jiriricoonayey musuq-maasuqa camimay laamaha dowladda xafiiskiisana ugu soo galay, caradii iyo xanaaqii uu meeshaas ka qaadey, waxuu jeclaystay in dowladdaan lasoo afjaro, balse marna kuma uusan fakarin haddii dowladdaan meesha laga saaro maxaa xigi doona, xaalku se sidee noqon doonaa.

Dhiganahaan waxaa ku duugaan sooyaal aad u kharaar, fool xumooyin ay geysteen labadii awoodood oo meesha ku hardimayey, maalmo xasuus xun reebay, gafood fallo loo geystay biri ma geydo, wajiga dhabta ah ee qabiilku leeyahay, kufsiyo baal mar ah oo loo gaystay haween Soomaaliyeed.

Waxuu goob jooge u ahaa dhacdooyin aan la malaysan karin in Soomaali isku samayn karto, waxuu qeexay sida uu dagaalkii u dhaxeeyey dowladdii milatari ee gabalkeedu sii dhacayey iyo malleeshiyadii USC isugu badalay qabiil, USC waxay beer lahowsatay beelihii Hawiye oo markaas aan dagaalka ku jirin, dowladdiina waxay garab ka raadisay Daarood inkastoo aysan helin badi.

Waxuu soo ban-dhigayaa qoraagu, waxyaabo aan ku haboonayn sumcadda bulsho muslim oo rajo dowladeed sugayaa, waxuu qirayaa in maydadka dadkii la laayey aan aasitaan loo ogolayn, waxaan loo isticmaalayey in lagu xiro waddooyinka. Waxuu iftiiminayaa dagaalkii lagula jiray keligi taliskii gacanta adkaa, inuu isku badallay dagaal qabiil oo lagu laynayo, lagu ugaarsanyo, lagu dhacayo, lagu bililiqaysano, laguna kufsanayo hablo kasoo jeeda qabiilo gaar ah.

Waxuu ku arkeysaa gudaha dhiganaha dhacdooyin baal mugdi galay taariikhda bini aadamnimada, waxuu caddeynayaa dadka awoodda aan lahayn si ay ku badbaadaan qowleysada iyo waxyeelada malleyshiyada inay ku xaroodeen masjidyo, dumarkii ba agudaha masjidka lagu xareeyey, raggina albaabada bay isku gufeeyeen, dabadeedna inta raggii lasoo laayey baa dumarkii la watay.

Waxaa la bililiqaystay hantidii dowladda, waxaa la kufsadey lana laayey qaybka mid ah ajaaniibtii safaaradaha joogey, muddo yar gudahood waxaa cad-ceed hoobatay noqdey dowladdii soo talinaysay muddada dheer. USC taageerada qabiilada waxay ku kasbatay gacantii kululayd dowladda iyo musuqmaasuqii baahay.

Qoraagu waxuu ka sheekeeyey sooyaal iyo geeddi socod dheer oo qoyskiisu soo maray, waxuu qirayaa dadaal dhabar jab culus ah ee hooyadii soo gashey in qoyskiisu ku badbaadeen isaguna waxbaraaho inuu helo u sahashay, guriga uu Muqdisho ka dagana waxuu ku hayey, hooyadii oo luqunta ka jaban. Markii dagaalkii isku rogey dagaal qabiil, isaga iyo qoyskiisaba noloshii baa ku adkaatay, waxuu mudadaas dagaalku socdey ahaayeen gacan ku gabad illaa laga dilay walaalkiis iyo wiil uu dhalay.

Waxuu caddeynayaa in xaaladdii cirka isku shareertay maalmihii danbe, biyo, koronto la’aan, amni la’aan, cabsi iyo il xumada masaakiinta. Waxuu yiri “masaajid anagoo ku jirna, oo markaas salaadda ka baxnay, waxaa istaagey nin horey fadhiyey, waxuuna yiri “xalay habayn bar, waxaa noosoo dhacay qowleysato, aniga iyo islaanteydii  waxay noo saareen banaanka, gudahana waxay ku kufsadeen lafo gabdhood oo aan dhalay.””

Ugu danbayntii qoraaga iyo qoyskiisu waxay u qaxeen Kismaayo maadaama aysan jiran wax danbe oo rajo ah, waxyeelada bulshadduna siisiyaadeysay.

Fikirkaada Waa Muhiim