Waa Maansadii Abwaan Max’ed Ibraahim Warsame ‘HADRAAWI’ ee uu ka tiriyey Cudurka soomaalida dullaystay, facoodna ka reebay ee HAYB-SOOCA Horraantii Bishii May 2007.   Abwaanka caanka ah ee “Hadraawi”. Hadraawi wuxuu gabaygan ka tirshey madal loo agaasimay dadka la haybsooco ee Soomaalida. Eebbe ayaa Quraankiisa Kariimka ah innoogu caddeeyey in qofka agtiisa gobta ka ahi yahay kan camalkiisu suubbanaado cabsida Rabbina ku dheer tahay. Waxay ila tahay ruux Eebbe u hogaansami waayey oo quudhsi    dan mooday inaan gabaygan Ina Walanwal waxba deeqsiin karayn laakiin kolleyba isaga xilkii saarnaa waa ka dhacay mar haddii garaadka Eebbe siiyey uu ku iftiimiyey dulmigan waayo soo jireenka ah ee qabiixa ah. Waa gabay dheer oo   ruuxba inta Alle kaga anfaco uu ka qaadan karo.Tixdan oo soo baxday bilawgii bisha May,2007 ayuu tiriyey.

Axmedow nin dheeraad sitoo dhiibban baad tahaye

tu kalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone
dhallintii caleemaha lahayd waygu dheertahaye

haddaan Beegsi kala soo dhex baxay tooda meel dhigaye
labadii dhallaannimo lahayd ways dhar urisaaye
berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaaye

ilhaaneey dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqeeye
hadduu dhagaxu kala hayb tirsado dheemman baad tahaye
Suugaantu waa dhaqan haddana  waa sed iyo dhiibe
dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meele

dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaannaaye
qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo e

dadka dhiiri iyo qawl san baa lagu dhacsiiyaaye
sida loo dhahaabu khalqigu ugu dhegtaagaaye
dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo shiile

sida dhuuni qaataha murtida looma dheeh tiro’e
dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halise
dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherershaaye
dhexroor iyo waxa lagu xajaa weliba dhaad dhaade
dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumuc weyne

hadalkana nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede

dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye

iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhanne
Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxaye

dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisiiye
dhawdhawda Qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhiye

kana dheer is yeelyeelka iyo iidheh iyo faane
qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhedhamayaaye.
Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihine

in la sii dhaqaajey rabtaa dhaygag badanleeye
oo loola dhaadhaco halkey dhuux ka leedahaye

waxa lumay dhudhumintii runtiyo dheelli tirihiiye

inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo koowe
dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayde
dhulka wuu ku soo badanayaa baal ku dhoorruhuye

dhan xiirradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaane
sinnaantey dhaliil moodayaan tii ilaah dhigaye
dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis foorara e

marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka
dhiilaha nin buuxshaa ma jiro dhacarta jiilaale

dhirin-dhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraaye
hal dhabaalahaa awgayow tii dhamayd geliye

hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataaye.
Laan dharab ka toostiyo Hibooy dhool cas baad tahaye

dhalankaagu waa luulka iyo dhiraha yaaquude
malaha roob la dhaca waad taqaan dhiinka jookha lehe
dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye
dhibic iyo cadceed looshan iyo dhool gu’ baad tahaye
qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo seese

dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaabe
dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobo jiifyada’e
dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laallida’e
ruuxii ku dhawraa si buu  kuugu dhegayaaye.

Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo miisaane
Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaaggaaga

Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye
Dhulka lagama soo qodin dadkee aadan baa dhalaye
adigiyo hablaha dhinaca kale waysu dhigantaane
dhud qudhaad ka wada beeranteen dhaadashada guude

Dhab dhab baad ku kala leexateen adiyo joog dheere
Dhawawalanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta
Dhab darrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaaye

Dhimir bay ku saareen dabool baali kaa dhigaye
Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday dhabannadaadiiye

Dhaqaaq joogsigaagiyo wejiga dhaxanta saarsaaran
Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacaye
intaad adigu dhiillaysan tahay taydu waa dhicise!

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilaye
inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhanne.
Dhafdhaf iyo halhays beena baad  soo dhadhabateene
dhugatiyo cad xaaraana iyo dhoohan may cunine

dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale e
dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigaye
dhaqankaas canbaaraynayaa saaray dhiillada e
labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheertahaye
weligeed dhibaatada adduun looma soo dhixine
dhaandhaanno maahee kashaa dhooli mood tahaye
intii aad dhisnaydeen iyagu way dhur sugayeene

dhufaannimo hagooglay intaa kula dhex joogeene
dharaar uun in waa kale beryey dhawrayeen abide
dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhane
dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jiraye

cishadey dhanaan tahay haddii laysu dholol fayto
dhab u dirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe
Rag hadduu dhabiiltamo naftey dhigi yaqiinneene
in kastuu xiniin dhaafyuhuu dhiirinnimo sheegto

mar haddaan dhalliil lagu gudbayn dhalasho mooyaane
dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigaye
Dhar-dhaarrey ahaayeen intaad dheri lahaydeene
dhaddiggiyo labkoodaa kan kale dhinacyo taagnaaye
ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayine
gudmahay dhabbeeyeen ka badan lag iyo dheeraade

hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane

Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaade
waligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline
dhay iyo karuur labada weel dhoosha may geline
hadday dhami lahaayeen miduun dhiilba may tolanne
dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine

Si baa loo dhaliilaa haddana ruuxna may dhibine
dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiigna may galine
dhulka waa ka sii guuraayaan ruuxna may dhicine
Dhoof bay ku daysteen inay sibiq dhaqaaqaane

dhalashada inay dooriyaan bay u dhowdahaye
dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine
dhaaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligiiye
hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilaye
inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhanne.
Godka dhidarka beelaha qotow dhowr kal baa hadhaye
hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene
intaad weel manno ah dhaamiseen way dheg weyntahaye
ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye
dhamacdiyo dabkaad quudateen maaha dhalanteede.

nin xaqiina meel hoose dhigay tiisu waa dhedo’e

xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane

naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye

kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye
Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye

Sida Dhooddi-meerkii taleex haw dhaqaaqina e
dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura e
haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo

dhanka eebbahay xiga adduun wayska dhalanteede.

Dhab dhabluhu markuu yimi arlada may dhammayn talo e

waatay dhufaannadu khalqiga soo dhex geliyeene

waa kii dhamaastiyo falkiyo keenay dhalanteede

waa kii dhibaatada la yimi dheegga dheegaha e

waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye

maantay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladuna

markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye

waataad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene

gobannimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye

dharaartaana waad wada jirteen dhiiftu kululayde

waa loo dhammaa maalmihii laysu dhaarsadaye

Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiile

dhiilladu halkay weeran tahay looma faal dhigine

waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye

weligeed dhan baa qaawanaa dhidibbadeediiye

Xaajadu intay dhowdahay dhaymo leedahaye

shinkeedii markey dhaaftay bay keentay dhabandheebe

dhab-darro uma toosine nabsigu wuu dharaarsadaye

dhacan baa la saaraa halkuu eel ka dhowyahaye

markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaaye

Nin dhug lihiba wuu garanaya suul dhabaalaha e

dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye

dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhababaceeye
dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye

Dhawaaq toosiyow baxay lugtii dhaaftay jeeniga e

waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helaye

dhuxul hoos ka nool iyo dab baa soo dhabiib kiciye

Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabano hayskeeda

markii aan dhab deyey baan is idhi dhacanta sii saare

af dhabaan dhabkeedii haddana waan ku dhiirradaye

dhanbaalkii digniintaan is idhi caawa yuu dhixine

Dheehada Rashiidow mar baan neefka loo dhigine

magaceeda oo laba kor dhaban yey dhewelantaaye

marka dhiilka lala hoos galey meelo dhugataaye

Ummadyahay dhab baa loo hadlaa waad is dhigateene

dulmigii lafaha dhuuxay baad dib u dhardhaarteene

ummad baad xaqeedii dhammaa dhababka saarteene

gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiig baxaye

garaadkiinu wuu dhaafsan yahay dhiilkan buuxsamaye

maantana waxaa idin dhex taal    tii dib loo dhigaye

caaway u dhowdahay haddaad dhugasho siisaane.

Dhillowyahaynku waa geed ka baxa dhuunta geed kale e

imminkuu dhabbada soo hayaa dhaanki reer Yurube

nin kaastoo is dhoob dhoobi jiray dhigaha loo laabye

dheweraad hadday kala lahayd laysu soo dhuraye

markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye

Dhallinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye

waa taa ninkii dhowrsanaa qaad ku soo dhacaye

waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye

dhuuqdhuuq layaashii batiyo heen dhalaalshuhuye

dheri bay ku wada foorartaa diiddan dhaqankiiye

Dhaddiggiyo labkeedii waqtigu dhaal isugu keenye

ummaddii dhiraha kala lahayd ways dhex huruddaaye

dheg dheggiyo lafaha dhuubtay iyo dhogor xumaantooda

qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorasamaye

hadday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure

haddii dhawrasaan lagu yiqiin dhimay hankeediiye

Dhibaatadan xilkeedii horaad uga dhabcaasheene

maantana sidii dhagax dixeed hawgu sii dhegine

Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho

inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhira fuulo

haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan weliba dhiib dhiibo

anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho

dhaqdhaqaaq ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajo?

Dhabtuun baa khalqigu diidaya meesha dheer tegaye

dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye

la dhex joogi maayoo arlada dheelmashow qorane

qofba wuxuu dhigtuun baa u yaal dhiilka aakhiro e

ninkii dhiirri sheegtoow is furo way dhanaan tahaye.

Fikirkaada Waa Muhiim