Gorgorka waxa uu ka mid yahay shimbiraha ugaarsada xayawaanada kale ee cuna. Gorgorka wuu noocyo badan yahay waxaana lagu qiyaasaa jinsiyada gorgorka uu ka soo jeedo illaa 63 nooc oo kala jaad ah.
Gorgorka wuxuu leeyahay af adag oo u sameysan qaab dheer oo qalooca. Kalaro baalal kala duwan.
Miisaankiisa
Waxaa lagu qiyaasaa gorgorka illaa 5-8 kg inuu culeeskiisa gaaro. Baalashiisa waxay gaarayaan 60-75 Cm, Lugahiisa waa kuwo awood leh.
Noocyada
Gorgorka waxa uu si toos ah u duuli karaa illaa 600 mile saacadiiba isagoo samada haadaya. Waxa uu dhulka ka arki karaa wixii uu ugaarsan lahaa cabir dhan 200 mph.
Shimbirka gorgorka waxa uu leeyahay awood fogaan arag ah oo lagu qiyaasay 2.6 oo jeer taas oo ka awood badan bani’aadanka caadiga ah aragtidiisa iyo fogaan aragiisaba.
Baalasha gorgorka waa kuwa xoogan una saamaxa inuu u adeegsado habab badan oo kala duwan marna waa uu fidiyaa marna wuu isku dhajiyaa  sida diyaarada miigga oo kale.
Gorgorka waxa uu ka mid yahay shimbiraha hayaama oo gala safarada dhaadheer waana kaligii socod waxay isu imaadaan marka ay taran abuur sameeynayaan kaliya.
Gorgorka waxa lagu tiriyaa inuu yahay heeb ahaantiisa iyo bahda shimbiraha marka la ablaaleeyo sida afka qalaad:  Scientific classification
Shimbirka Gorgorka dhedigiisa waxay dashaa ukun oo ay ku tarmaan.
Waxaa maalmahaam la soo sheegayaa in shimbirka gorgorka uu dad ku weeraray qaarna uu cunay deegaanka soomaali galbeed ee xabashada jaarka la ah.

Waxaa la sheegayaa in gorgorka dadka weeraraya ay sabab u tahay abaaraha jira iyo xayawaanadii uu ugaarsan jiray oo hayaamay.
Gorgorka waa shimbir halis badan waxaad ku arkaysaa muuqalada baraha shabakada internetka gorgorka sida uu u qatarsanyahay waxna u yeelo xayawaanada kale.

Fikirkaada Waa Muhiim