Dhukaanka oo sidoo kale loo yaqaano magac hindi ah oo la dhaho “Surra” waa xanuun ku dhaca geela, laakiin waxa uu sidoo kale saamayn karaa lo’da, fardaha, dameeraha iyo dadka..

Geelu waa xoolaha ugu badan ee cudurkani lagu yaqaano. sidoo kale xoolaha ugu nugul qaaditaanka cudurkani waa qooblayda (fardaha,dameeraha iyo baqlaha), sidaas si la mid ah cudurkani wuu ku dhici karaa adhiga iyo lo’da, iyaga oo aan wax calaamado ah oo lagu garto muujinayn.

Sidee ayuu ku gudbaa cudurkani?

Waxa keena cudurkan mid ka mid ah noolayaasha yar yar ee aynu u naqaano protozoa “T. evansi “, waxaana fidiya nooca cayayaan ee soomaalidu u taqaan “dhuug” ama “gendi”.

Waxa uu caan ku yahay xanuunkani dhulka wabiyada ama harooyinka, iyo waliba xilli roobaadka, wakhtigaas oo ay dillaacaan noocyadan cayayaaanka ah ee xanuunka keenaa.

Ugu horaynba cudurkan oo uu keeno protozoa , nooca loo yaqaan T. evansi “, waxa soo qaada dhuugga una gudbiyaa xoolaha caafimaadka qaba, isaga oo adeegsanaya inuu xoolaha qaniino.

Xanuunkani waxa lagu arki karaa bukaanka muddo bil ah ka dib marka uu qaniino xoolaha dhuugga cudurka qaadaa, isaga oo muujinaaya calaamadaha aynu sheegi doono, sidoo kale waxa xusid mudan in uu cudurkani yahay mid ku nagaan kara neefka muddo dhan 2 sanno ilaa 3 sanno, haddii aan laga daawayn.

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

Neefka uu dhukaanku hayo waxa lagu arki karaa calaamadahan hoose;

  • Xummad darran oo neefka lagu arko marka la cabiro
  • Caatoow iyo hoos u dhac ku yimaadda jidhka neefka
  • Dhiig la’aan, kuruska oo shiiqa geela.
  • Dhogor rifan iyo indho la’aan, urta kaaddida oo isbedesha
  • Awood darro iyo neefka irmaan oo caanaha yareeya
  • Barar xaga hoose ee jidhka lagu arko sida, lugaha iyo uur ku jirta.
  • Neefka riman waxa ku yimaadda dhicis.
  • Mararka qaar dhimasho ayaa uu keeni karaa cudurku.
  • Marka la qalo waxa lagu arki karaa biyo ku jira saablayda, barar qanjidhada iyo beeryarada ah.
  • Ugu dambayna waxa laga qaadi karaa bukaanka shaybaaadh dhiig ah iyada oo laga baadhayo protozoa-ha xanuunkan keena si loo xaqiijiyo cudurka.

Ka hortagga iyo daawaynta cudurka

Marka aad si fiican u hubiso calaamadahaas in uu leeyahay neefka xanuunsanaya waliba adoo ku ladhaya in aad hubiso deegaanku in uu yahay mid roobban ama biyo fadhiisin leh, waxa kula gudboon inaad qaado tallaabooyinkan:

  • in aad ku daawayso bukaanka daawada suramin, haddii uu yahay geel.
  • in aad ku daawayso bukaanka daawada Imidocarb dipropionate (imizol), haddii uu yahay Lo’ bukaanku..
  • inaad ka rarto xoolaha deegaanka xanuunku ka jiro
  • inaad doonato shabaagta lagu cidhibtiro dhuugga
  • inaad la kaashato calaamadaha aad aragtay dakhtar caafimaad si loo xaqiijiyo cudurka.
  • sidoo kale waxa lagama maarmaan ah in aad xero gaar ah ku xidho xoolaha xanuunsanaya si looga hortago in xanuunku u gudbo kuwa caafimaadka qaba, iyada oo ay waxyaabaha ay iskugu gudbin karaan ay ka mid tahay galmada iyo waliba taabashada dhiigga iyo dareeraha wakhtiga dhalmada ama dhicisku jiro lagu arko xoolaha.

Fikirkaada Waa Muhiim