Cudurkan ay soomaalidu u taqaan furuqa lo’da, waa xanuun inta badan ku dhaca xoolaha aynu dhaqano gaar ahaan Lo’da, sidoo kale waxa uu ku dhici karaa shimbiraha ay digaagu ka mid yihiin.

Xanuunkan waxa keena mid ka mid ah fayrasyada xanuun dhaliyaasha ah kaas oo loo yaqaan ” Poxviridae, genus Capripoxvirus”

Sidee ayuu ku gudbaa cudurkani?

  • Cudurkan waxa door wayn ka qaata gudbintiisa cayayaanka oo qaniina bukaanka cudurkani hayo, isla markaana u gudbiya xoolaha caafimaadka qaba.

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

  • Xummad
  • Nabaro dheecaan leh oo ka soo baxa dhamaan jidhka neefka .
  • Dhareer, xummad iyo dareerayaal indhah ka yimaadda bukaanka..
  • Qanjo barar iyo neefka oo daaqa ka go’a
  • Hawo qaadashada oo bukaanka ku adkaata.
  • Neefka riman oo dhiciya.

Astaamaha ka muuqan kara bukaanka marka uu dhinto.

  • Bukaanku marka uu dhinto waxa lagu arki karaa nabaro ku samaysma sambabada,dhuunta neef-mareenka iyo dalqada.
  • Caabuq ku yimaadda murqaha wadnaha iyo sambabada.

Ka hortagga iyo daawaynta cudurka

  • Cudurkani malaha wax daawo oo sax ah, laakiin waxa wanaagsan in Tetracycline lagu duro bukaanka si aanay cuduro kale ugu raacin.
  • Qaabka ugu wanaagsan ee lagaga hortegi karo cudurkan ayaa ah In xoolaha la siiyo tallaalka lagula tacaalo cudurkan.

Fikirkaada Waa Muhiim