Cudurkan ay soomaalidu u taqaan furuqa, waa xanuun inta badan ku dhaca xoolaha aynu dhaqano ee adhiga (Riyaha iyo Idaha) sidoo kale waxa uu ku dhici karaa shimbiraha ay digaagu ka mid yihiin.

Xanuunkan waxa keena mid ka mid ah fayrasyada xanuun dhaliyaasha ah kaas oo loo yaqaan ” Poxviridae, genus Capripoxvirus”

Sidee ayuu ku gudbaa cudurkani?

Haddaba xanuunkani waxa uu ku gudbaa taabashada nabarada, quudashada caanaha, saxarrada, kaadida iyo dhareerka bukaanka .

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

  • Nabaro dheecaan leh oo ka soo baxa dhamaan jidhka neefka .
  • Dhareer, xummad iyo dareerayaal indhaha ka yimaada bukaanka..
  • Qanjo barar iyo neefka oo daaqa ka go’a
  • Cudurkani waxa uu gaar ku yahay riyaha iyo idaha oo kaliya.
  • Hawo qaadashada oo bukaanka ku adkaata.

Astaamaha ka muuqan kara bukaanka marka uu dhinto.

  • Bukaanku marka uu dhinto waxa lagu arki karaa nabaro ku samaysma sambabada, dhuunta neef-mareenka iyo dalqada.

Ka hortagga iyo daawaynta cudurka

  • Cudurkani ma laha wax daawo oo sax ah, laakiin waxa wanaagsan in Tetracycline lagu duro bukaanka si aanay cuduro kale ugu raacin.
  • Iodine ayaa lagu taliyaa in nabarada jidhka ka soo baxa la mariyo.
  • In bukaanka meel gaar ah lagu xanaaneeyo ilaa 45 cisho marka uu bogsado ka dib, si aanu xanuunka ugu gudbin inta fayaw.
  • Gub oo aas hillibka xoolaha u dhinta cudurkan.
  • Waxa muhiim ah inaad neefka ka jabiso xumadda adiga oo siinaya daawada xummad jabinta ah (antipain drugs).

Fikirkaada Waa Muhiim