Cudurkan loo yaqaan magacan aynu sare ku xusnay waa xanuun inta badan la soo darsa wakhtiyada ay xooluhu ku jiraan socdaalka, isla markaana ay dareemaan diiqadda iyo hawo yaraanta.

Waxa keena cudurkan bakteeriyada nooca loo yaqaan “pasteurella multocida”. waxaana uu inta badan saameeyaa lo’da.

Sidee ayuu ku gudbaa cudurkani?

Cudurkani waxa uu ku gudbaa dareerayaasha bukaanka afkiisa ka yimaada sida dhareerka, daaqa ay xooluhu wadaagaan iyo neefsiga tooska ah.

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

Cudurkan waxa lagu karan karaa astaamahan soo socda.

  • xummad daran oo neefka lagu arko
  • shuban iyo dareere sanka ah.
  • carrabka oo barar lagu arko, hawo qaadashada oo bukaanka ku adkaata.
  • cudurkani waxa uu dillaacaa wakhti roobaadka iyo wakhtiyada xooluhu u kala gooshayaan waddamada ganacsigu ka dhaxeeyo.
  • inta badan waxa cudurkan lagu arkaa xoolaha cayillan.
  • dhimasho degdeg ah waa mid ka mid ah astaamaha cudurkani leeyahay.

Astaamaha ka muuqan kara bukaanka marka uu dhinto.

Bukaanka cudurkani dilay waxa lagu arki karaa

  • caabuq iyo xidhan ku samaysma gidaarada caloosha.
  • dhiig guntan oo lagu arko hillibka bukaanka.
  • iyo astaamo xanuun oo la xidhiidha dhuunta hawo mareenka ee bukaanka.

 Ka hortagga iyo daawaynta cudurka

  • waxa lagu daawayn karaa bukaanka cudurkani helay in lagu duro daawooyinka penicillin iyo tetracycline.
  • daryeelayaasha caafimaadka xoolaha waxa la gudboon marka ay arkaan cudurkan in ay ogaysiiyaan dhakhaatiirta xoolaha.
  • ugu dambayn xanuunkani waxa uu leeyahay tallaal ka hortag ah. waxaana muhiim ah in la siiyo xoolaha tallaalka wakhti hore.

Fikirkaada Waa Muhiim