Shay kolka la doonayo in la xafido oo aannu dheeldheel ku lumin, sida la og yahay, meel baa lagu xidhaa. Meeshaa cajiibka ah baa, hadda ba, loo yaqaannaa “guntin.” Labo xadhig ama wax kale kolka la doonayo in la isku xidho, si aan ay u kala furfurmin, “guntin” baa loo yeelaa. Qof Alle siiyay xikmad badan kolka la la saaxiibo, falsafado badan baa laga bartaa, ama dheh laga “guntaa.” Intaa oo macne iyo in ka badan ayaa uu erayga “guntin” (iyo erayada ka sii farcama ba) ku lee yahay afkeenna hooyo.

Hadda ba, astaantan oo reer Maraykan ay u yaqaannaan “quotation marks,” reer Ingiriis ay u yaqaannaan “inverted commas,” dad kale oo badanna ay u yaqaannaaan “speech marks”; anigu waxa aan u aqaan ku na af Soomaaliyeeyay “guntimo.” Sababtu waxa ay tahay, jaalle, labadaa guntimood dhexdooda waxa lagu qoro, marka kowaad ma lumaan oo waa wax xifdisan. Marka labaad na, waa wax laga soocayo hadalka intiisa kale oo la siinayo ahmiyad gaar ah. Sidaa darteed, intii aan dhihi lahayn “calaamadaha xigashada,” ama aan dhihi lahayn “astaanta xerada,” waxa habboon af ahaan iyo macne ahaan ba in aan dhahno “astaanta guntimaha.”

Labada hab ee loo isticmaalo, oo aan hadda sheegi doono, ayaa aad ka garan doontaa, jaalle, sababta aan u idhi “guntimo.”

. . .

Waxa lagu xidhaa oo lagu xifdiyaa hadalka xigashada tooska ah ee xarafxaraf loo soo xiganayo. Maxaa sidaa loo samaynayaa? Waxa sidaa loo samaynayaa hadalka xigashada ah ee la soo amaahday in laga sooco hadalka kale—si aan loo samaynin “xatooyo qoraaleed.”

T.A.: Bilaal waxa uu igu yidhi, “Soomaalilaan waa mashruuc cid gaar ahi ay ku bariisayso.”

Hadalka ku jira labada guntimood waa hadal uu lee yahay Bilaal; ma aha hadal aan lee yahay anigu. Maadaama aan si toos ah oo xarafxaraf ah uga soo xigtay, hadalkiisa meel adag waa in aan ku xifdiyo, si aannu si dadban uga mid noqon hadalkayga.

Xusuusin: Hadalka xigashada ah, walow ba hal eray keli ah ha noqdo e, xarafkiisa kowaad waa in la weyneeyaa.

Ogaysiis: Joogsigu, kol kasta ba, waxa uu galaa astaanta gudaheeda marka aannu jirin hadal ka dambeeya hadalka ku qoran astaanta.

T.A.: “Marka aan ku arko ba waxa aan dareemaa farxad badan,” ayaa ay igu tidhi Haweeya.

Hadalka ku jira labada guntimood waa hadal ay lee dahay Haweeya; ma aha hadal aan lee yahay anigu. Maadaama aan si toos ah oo xarafxaraf ah uga soo xigtay, hadalkeeda meel adag waa in aan ku xifdiyo, si aannu si dadban uga mid noqon hadalkayga.

Ogaysiis: Hakadku, kol kasta ba, waxa uu galaa astaanta gudaheeda marka uu jiro hadal ka dambeeya hadalka ku qoran astaanta.

T.A.: “Soomaalidu,” ayaa uu yidhi Mahad, “waa ummad firfircoon.”

Hadalka ku jira labada guntimood waa hadal uu lee yahay Mahad; ma aha hadal aan lee yahay anigu. Maadaama aan si toos ah oo xarafxaraf ah uga soo xigtay, hadalkiisa meel adag waa in aan ku xifdiyo, si aannu si dadban uga mid noqon hadalkayga.

Ogaysiis: Hadalka xigashada tooska ahi haddii uu qaybsami karo waa aad qaybin kartaa. Asalka xigashadu sidan baa ay ahayd, “Soomaalidu waa ummad firfircoon,” laakiin se labo qaybood baa aan ka kala dhigay. Labadaa qaybood, qaybta kowaad waxa aad ku soo xidhaysaa hakad, qaybta labaad na xarafka kowaad waa aad yaraynaysaa.

Iftiimin: Habkan, sida oo kale, waxa aad u isticmaali kartaa hadalka ka yimid dhankaaga ee cid kale si toos ah aad ugu jalbeebtay.

T.A.: Beri hore ayaa aan ku idhi Boos, “Waxa aad tahay nin fiican oo dedaalaya.”

Hadalka ku jira labada guntimood waa hadal aan anigu si toos ah ugu idhi Boos. Maadaama aan si toos ah oo xarafxaraf ah u soo xigtay hadalkayga, waa in aan ka soocaa hadalkayga kale oo meel adag oo xifdisan ku xareeyaa, si aannu si dadban uga mid noqon hadalkayga.

Ogaysiis: Labada calaamadood ee wayddiinta ( ? ) iyo fajaca ( ! ) marka baabka xigashada la joogo, waxa ay lee yihiin xeer gaar ah. Hadalka la soo xiganayo haddii ay ka mid yihiin, labada guntimood dhexdooda ayaa lagu qorayaa. Haddii se hadalka guud ee la qorayo ay ka mid yihiin, labada guntimood bannaankooda ayaa lagu qorayaa. U fiirso tusaalayaashan!

T.A.: “Goorma ayaa aad dhalatay?” ayaa uu i wayddiiyay.

Wayddiintu waxa ay la socotaa hadalka xigashada tooska ah. Markaa, astaanta dhexdeeda ayaa lagu qorayaa.

T.A.: Ma sax baa Ducaale in uu dhaho, “Qof kasta oo iga yar waa aan dilayaa”?

Wayddiintu waxa ay la socotaa hadalka guud ee ka xigashadu ka midka yahay. Markaa, astaanta bannaankeeda ayaa lagu qorayaa.

T.A.: “Waa aan wada guulaysannay!” ayaa uu igaga farxiyay.

Fajacu waxa uu la socdaa hadalka xigashada tooska ah. Markaa, astaanta dhexdeeda waa in lagu qoraa.

T.A.: Wiil taajir ah uun baa ku yidhi Maariya, “Aan is guursanno”!

Fajacu waxa uu la socdaa hadalka guud ee ka xigashadu ka midka yahay. Markaa, astaanta bannaankeeda waa in lagu qoraa.

. . .

Waxa lagu calaamadiyaa waxsoosaar cinwaankii (sida: buug magacii, sheeko magaceed, maqaal magacii, sii wad) iyo eray/weedh ujeeddo uun laga lee yahay (sida: in la qeexo, in la duro, in la muhiimadeeyo, sii wad). Sababta sidaa loo samaynayo waa in akhristaha indhihiisa loo baaqo oo la tusiyo waxa la doonayo in la tuso, si uu u fahmo waxa la doonayo in uu fahmo. Waa nooc ka mid ah ishaarooyinka badan ee uu isticmaalo qoraagu.

T.A.: Qof kasta oo akhriya “Furaha Ganacsiga” waxa uu wax badan ka baran doonaa aqoonta ganacsiga.

Waxa aan astaantan ku calaamadiyay buug magacii. Waxsoosaar wal ba, nooc kasta ba oo uu yahay, ayaa astaantan lagu calaamadin karaa.

T.A.: Axmed Faarax Cali waxa uu caan ku yahay “Idaajaa.”

Waxa aan astaantan ku calaamadiyay qof naanaystii. Magac wal ba oo ay cidi lee dahay, ama ba loo bixiyo, ayaa astaantan lagu calaamadin karaa.

Ogaysiis: Joogsigu, sidii aad kor ku soo aragteen, kol kasta waxa uu galaa astaanta gudaheeda haddii aannu astaanta hadal ka dambayn. Xattaa haddii uu yahay hal xaraf oo qudh ah, joogsigu waxa uu galaa astaanta gudaheeda. (Tusaale: Raxanweyntu ma karaan xarafka “X.”)

T.A.: Dad aad u badani Jamhuuriyadda Soomaalilaan waxa ay u yaqaannaan “Jamhuuriyadda Jeegaanta.” Waxa aan astaantan ku calaamadiyay magac la beddelay. Wax wal ba oo la beddelo, ujeeddo kasta ba ha loo beddelo e, ayaa astaantan lagu calaamadin karaa.

T.A.: Erayga “abwaan” waa mid ka mid ah erayada dadkeennu si khaldan u adeegsadaan.

Waxa aan astaantan ku calaamadiyay eray aan durayo isticmaalkiisa. Wax wal ba oo la durayo, si kasta ba ha loo duro e, ayaa astaantan lagu calaamadin karaa.

T.A.: Weedha “waa aad mahadsan tahay” haddii aan is barno, waa mid sababi karta in aan is jeclaanno yar iyo weyn ba.

Waxa aan astaantan ku calaamadiyay weedh aan sheegayo (aan ku nuuxnuuxsanayo) muhiimaddeeda. Wax kasta oo la sheegayo ama se la caddaynayo muhiimaddooda, muhiimaddu wax kasta ba ha noqoto e, ayaa astaantan lagu calaamadin karaa.

T.A.: “Huyun,” waa geed dheer oo aan aslan ba lahayn qodax, kaa oo leh xabag fiican oo la cuno, qoryihiisa na weelasha iyo guud ahaan agabka la isticmaalo looga sameeyo siddo adag.

Ogaysiis: Hakadku kol kasta waxa uu galaa astaanta gudaheeda haddii astaantaasi hadal ka dambeeyo.

Waxa aan astaantan ku calaamadiyay eray aan qeexayay macnihiisa. Wax wal ba oo la qeexayo, si kasta ba ha loo qeexo e, ayaa astaantan lagu calaamadin karaa.

. . .

Qormadan wacan waxa aan ku soo gebagebaynayaa hal arrin oo muhiim ah.

Arrinta kowaad: Waqtiyada qaar waxaa dhacda marka aad wax soo xiganayso, hadalkii aad soo xiganaysay in ay xigasho kale soo dhex gasho. Sidee ayaa, hadda ba, labada xigasho loo kala basrin karaa? Xigashada hore waxa aad u adeegsataa labo guntimood ( “ “ ), xigashada dambe na labo hamse ( ‘ ‘ ).

T.A.: Cusmaan waxa uu igu yidhi, “Aabbahay aad baa aan u jecel ahay. Maalintii igu dambaysay araggiisa waxa uu i yidhi, ‘Aabbe, waxbarashada ku dedaal, oo asaagaa ka fiicnow.’”

Ma arkaysaa? Hadalkii Cusmaan waxa aan ku xidhay ku xifdiyay labo guntimood ( “ “ ). Cusmaan hadalkii uu ka soo xigtay aabbihii na waxa aan ku xidhay oo ku xifdiyay labo hamse ( ‘ ‘ ). Sidaa ayaa aan u kala basriyay. Waa labo xigasho oo is dhex galay!

. . .

Waxa aan, jaalle, eegga xusuustay qormadani in ay tahay qormadii ugu dambaysay qormooyinkii aan kaga hadlayay astaamaha qoraalka, ee mid kasta oo ka mid ah na aan qormo gaar ah ku sharxayay. Waxa aan ku faraxsan ahay codsigiinnii wacnaa in aan aqbalay iyo, dedaal aan sameeyay anigu, in aan idin ku jalbeebay qormooyin dhaxalgal ah oo si hagaagsan idiin fahamsiinaya calaamad kasta iyo isticmaalkeeda saxsan. Waa waajib aan isku lee nahay oo anigu ku ma mahadsani. Wax se idin ka codsanayaa qormooyinkaa in aad marka kowaad kaydsataan iyo, in aad marka labaad, marar badan oo kala duwan akhris fiican kaga bogataan.

Mahadsanidiin, jaallayaal.

Fikirkaada Waa Muhiim